Adama Barrow oo dib loogu doortay madaxtinimada dalka Gambiya

Gambiya: -SONNA-Guddiga doorashooyinka dalka Gambiya ayaa sheegay in Adama Barrow ku guuleystay doorashadii dalkaas  ka dhacaday Sabtidi.

Guddiga ayaa sheegay in Barrow helay 53% codadkii la dhiibtay halka uu helay hogaamiyaha mucaaradka Osino  Darboe 27%.

Taageerayaasha Adama Barrow ayaa isagu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas si ay ugu dabaal degaan guusha ay ka gaareen doorashooyinkii dhacay.

Mucaardka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheehay inay diidanyihiin natiijada la shaaciyay, waxeyna ku eedeyn dowladda  wax isaba marin iyo masuq maasuq .

Doorashadaan ayaa tijaabo u ah hannaanka dimuquraadiyada dalka Gabiya oo kasoo kabanayaa xukunkii kalitalisnimada ee Yahye Jaamac oo dalkaas xukumaayay in ka badan 20 sano.

Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabagelinta geeddi socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Myanmar :Aung San Suu Kyi oo lagu xukumay 4-sano oo xarig ah

Maxkamad ku taal dalka Myanmar ayaa afar sano oo xarig ah ku xukuntay hogaamiyihii xilka laga tuuray ee Aung San Suu Kyi,sida ay sheegeen warbaahinta dalkaasi.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Haweeneydaasi  ay wajahday 11 dacwadood oo ay ku jireen eedeymo ah kicinta mucaaradka iyo jebinta xeerarkii loo qorsheeyay ka hortagga cudurka Covid 19.

Aung San Suu Kyi ayaa muddo 10-bilood ah ku jirtay xabsi guri,ka dib markii ciidamada dalka Mayanmaar ay bishii Febraayo ee la soo dhaafay ay la wareegeen talada dalkaasi.

Madaxweynihii hore Win Myint ayaa sidoo kale lagu xukumay afar sano oo xarig ah,mana cadda ninkaasi iyo Aung San Suu Kyi in la dhigi doono xabsiga iyo in lagu heyn doono xabsi guri.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Qaahira kuso dhaweeyay Wasiirka Caddaalada JFS

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka caalamiga Qaahira kuso dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo caawa safar shaqo ku yimid Qaahira.

Wasiirka ayaa ka qayb geli doonna shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta.

AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA DOWLADDA SHIINAHA

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u Qaabbilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane FEI Shengchao, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Agaasimaha oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo-jireenka ah ee Dowladda Soomaaliya kala dhexeeya shiinaha, iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo guud ahaan danaha qaran ee Labada Dowladood.

Dhankiisa, Danjire FEI Shengchao ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo ilaalinta midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo soo dhoweeyey go’aanka Guddiga Doorashada Heer Federaal ee dib u celinta kuraasta cabashadu ka timid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble wuxuu uga mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT Go’aanada ay qaateen ee la xiriira ilaalinta Hufnaanta Doorshada, wuxuuna ku boorinayaa Guddiga xalinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya isaga oo gudanaya mas’uuliyadda ka saaran in doorashooyinka ka socda dalku ay noqdaan kuwo daahfuran, lagu kalsoonaankaro kuna qabsooma waqtiga loo qorsheeyay, wuxuu la wadaagayaa Bulshada Soomnaaliyeed sida ay uga go’antahay ka jawaabista tabashooyinka la xiriira daahfurnaan la’aanta doorashada ee kasoo yeeray daneeyayaasha doorashooyinka oo ay ku jiraan Golaha Musharixiinta, Bulshada Rayadka ah iyo Beesha Calaamka.

Si loo saxo arrimaha laga cawday oo ay ka mid yihiin
A- Hogaaminta Doorashooyinka.
B-Madaxbanaanidda Guddiyada Doorashoyinka.
C- Ku dhaqanka Hab-raacyada Doorashada.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu cadaynayaa in mas’uuliyadda hogaaminta siyaasadeed ee Doorashooyinka ay leeyihiin Golaha wadatashiga Qaranka oo uu isagu Madax uyahay sidaas awgeed Goluhu wuxuu balanqaadayaa Madaxbanaanida Guddiyada Doorashooyinka oo mas’uul ka ah hirgalinta Heshiisyada Siyaasadeed ee hagaya Doorashooyinka.

Ra’iisulwasaauruhu sidoo kale wuxuu xaqiijinayaa in ay waajib ku tahay Xubnaha Golaha wadatashiga Qaranka, Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo daneeyayaasha Doorashooyinkuba in ay u hogaansamaan ku dhaqanka Heshiisyada iyo habraacyada hirgalinta Doorashooyinka isla markaana aan la aqbalidoonin ficilkasta oo baalmarsan ku dhaqankooda .

Hadaba si loo xaqiijiyo in doorashooyinku noqdaan kuwa hufan, laguna kalsoonaan karo, waxaa la xoojinayaa Doorka la socodka iyo u kuurgalista daahfurnaanta Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna magacaabaya Ra’iisul Wasaaruhu Wakiilo u qaabilsan arrimahan, kuwaas oo si joogto ah ula soconaya dhaqdhaqaaqa Doorashada Warbixinna ka siinaya Ra’iisulwasaaraha.

Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-09-2020, Heshiiskii 27-05-2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01-10-2020 iyo 24-08-2021, isla markaasna laga faaiidaysanayo khibradda laga helay khaladaadkii keenay cabashooyinka ka yimid qaar ka mid ah kuraasta Baarlamaanka ee la qabtay, Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka in ay qaadaan talaabooyinka soo socda.

1- Ka hor inta aan la qaban kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la cadeeyo, la diiwaangaliyo, lana shaaciyo Magacyada Xubnaha Guddiga soo xulista Ergada ee ka kooban Duubabka\Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha\Jufooyinka Kursiga iska leh.

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dawlad-goboleed ee SIEIT waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilada la socodka Arrimaha Doorashooyinka ee XRW magacyada xubnaha Guddiga soo xulista ergada ka hor inta aan la diiwaangalin lana shaacin.

3- Soo xulista ergada waxaa si buuxda ugu madaxbanaan Duubabka\Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha\Jufada leh Kursiga lagumana faragalinkaro.

4- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada si ay howlahooda ugu fuliyan si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka.

5- Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay ergada doorashada galaysa, Warbaahinta Madaxa banaan, iyo Goobjoogayaal Madaxbanaan si martqaati looga noqdo hufnaanta iyo daahfurnaanta Doorashada Kursi kasta.

6- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee heer Federaal, heer Dawlad-goboleed iyo Xalinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay.
7- Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku adkaynayaa dhamaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga xalinta Khilaafaadku in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo habraacyada hagaya Doorashooyinka, cidkasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaabtamayaa.

8- Si loo ilaaliyo wadashaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Guddiyada Doorashooyinka herarkooda kala duwan in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta kuna dhaqmaan heshiishyada iyo habraacyada doorashada ee dagsan.

9- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah waxaa lagu adkeynaayaa in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashooyinkooda.

Wasiirka Caafimaadka oo kala wareegtay Dowladda shiinaha Shixnad daawada Talaalka Covid-19

Dowladda Soomaaliya ayaa Gelinkii dambe maanta Guddoontay Shixnad Daawada Talaalka Covid-19 oo ka timid Dowladda Shiinaha.

Munaasabadda wareejinta daawada talaalka oo ka kooban shan boqol oo kun oo dose kadib munaasabad wareejinta ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle.

Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS, Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Faarax iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya FEI Shengchao

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay dhisme Ganacsi oo Cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee Safaari Aparment-2.

Dhagax dhigaani waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada Warfaafinta XFS, wasiir Dowlaha wasaarada howlaha guud ee XFS iyo madaxda shirkadaha Saafaari iyo IBS-Bank.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda Qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.

Taalibaan oo loogu baaqay in ay joojiyaan beegsiga ciidamadii hore ee Afgaanistaan

Mareykanka iyo dalal badan oo xulafo la ah ayaa ugu baaqay Taliban inay joojiyaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo xubno hore uga tirsanaan jiray ciidamada Boliiska iyo kuwa ammaanka ee Dalka Afghanistan.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen madaxda Mareykanka kuwa Yurub iyo 2o- dowladood ayaa waxa ay kaga dalbadeen maamulka islaamiga ah ee Taalibaan in ay ixtiraamaan ballantii aheyd in aan la dhibaateyn dadkii la soo shaqeeyay dowladdi hore gaar ahaan madaxda ciidamada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya in la geystay dilal kooban ,isla markaana ay maqan yihiin xubno ka mid ah ciidamada Boliiska iyo kuwa Amniga ee dowladdii hore”ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in la diiwaangeliyay in ka badan 100 dil iyo afduub loo geystay saraakiil hore oo ka tirsan dawladda Afgaanistaan tan iyo markii Taliban ay la wareegeen talada dalkaas ku dhawaad afar bilood ka hor.