Guddiga doorashadda gobolladda waqooyi ayaa shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada illaa saddex kursi

Guddiga Doorashada kuraasta Gobolladda Waqooyi ee Somaliland, ayaa shaciyay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka ee soo Xuleysa ergada illaa saddex kursi oo kamid kuraasta golaha shacabka ee BJFS.

Odayaasha Dhaqanka iyo bulshadda rayidka ee soo xuleysa ergada dooraneysa kuraasta ku asteysan Hop#229, Hop#262 iyo Hop@236 ayaa berri loo furaya tababar ku aadan hanaanka doorashadda

Taliska Booliiska oo War kasoo saaray dilka Carruur Walaalo ah

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa  ka warbixiyay  dhacdo lagu dilay laba Carruur Walaalo ah oo ka dhacday Aaga Weeydoow degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho

Afhayeenka oo lahadalay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay soo xireen ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyada, kuwaas oo lagu haayo xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Afhayeenka ayaa sidokale tilmaamay in dilkaas caruurta loo geystay uu ka dambeeyo qof qoyska Reerka ka tirsan, wuxuuna sheegay in Carruurta la daldalay kadibna Afka Carro looga shubay. Waxa una Afhayeenkau intaa haalkisa ku daray inay wadaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi u dhacay, isla markaana wixii kusoo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Sakay ayay ahayd markii meydka ah Wiil iyo Gabar walaalo ah da’doodu kala tahay 7 jir iyo Shan jir lagu arakay Xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan degaanka Garasbaaleey ee duleedka muqdisho,dhacdadaan oo naxdin iyo murugo ku reebtay Ehelka iyo dadka xafadaas

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada faderaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman

Ra’iisul Wasaaraha iyo danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiir Dubbe oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka warfaafinta XFS mudane Cismaan Aboka Dubbe ayaa maanta Xaafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa Wasaaradda Warfaafinta Qaranka la qaysbsaday tacsidi Tiraanyada laheyd oo ah Geeridii ku timid alle ha unaxariistee Halyaygii iyo Geesigii jilibka u aasay soo noolaynta Codka Dowladd iyo ciribti Dacaayadaha malayshiyaadka Argagixisada ah Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, Agaasimihii radio Muqdisho oo 20-kii Bisshii hore ku geeriyooday Qarax kooxda argagixisada ah ee al-shabaab ay ku weerareen.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Sanator Cusmaan Abokor Dubbe oo ay weheliyaan Agaasimaha guud, Agaasima Waaxeedyada Qaarkood ayaa gudoomay dhambaalka Tacsida ah ee uga timid Jamhuuriyadda Talyaaniga.

Radio Muqdisho oo mar ku u hadali jirtay Afafka Soomaaliga iyo Talyaaniga waxaa dhidibada u taagay Dowladda Talyaaniga 1951, 9 sano ka hor intaan dhulka Soomaaliyeed xor noqon.

6 October ee Sanadkan Heshiis Ramsi ah oo ay kala saxiixdeen, Wasiirka Wasaaradda Warfaafint Qaranka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in Raadiyoo Muqdisho lagu soo kordhiyo Luuqadda Talyaaniga oo horrey uga bixi jirtay Idaacadda xilliga dowladdii dhexe ee dalka.

Labada Dowladood oo uu ka dhexeeyo Xiriir qoto dheer oo wax wada qabsi ah ayaa iska kaashanaya Horumarinta Codka jamhuuriyada Soomaaliya oo uu majaraha u hayey Allah ha naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika.

Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay in Dowladda Talyaaniga wax wayn uga dhigantahay in Raadiyo Muqdisho dib looga Maqlo afka itaaliyaanka, Halka Wasiir Dubbe balanqaaday inay sodon sano kadib ka dhabayn doonaan riyadaas.

Wasiirka Caddaalada oo ka qeyb galay shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Wasiirada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dhismaha Xarunta Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo ahaa kalfadhigii 37-aad ee Wasiirada Cadaaladda Carabta ayaa looga hadlay arrimaha la dagaallanka Argagixisada iyo la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya fagaarahan kuso bandhigay horumarada Soomaaliya ka sameysay Cadaaladda iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiirka oo khudbad qoraal ah la wadaagay Wasiirada Carabta ayaa si faahfaahsan u sheegay in Soomaaliya guulo la taaban karo ka gaartay dhismaha hannaanka Garsoorka maadaama dastuurku xaqiijiyey madax banaanida Garsoorka Dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada dhigiisa ee Masar, Ciraaq iyo dalal kale oo carbeed.

Wasiirka aya intii uu joogay Wasaarada ku guuleystay dhameystirka dhismaha guddiga Qaran ee la dagaallanka Musuq maasuqa iyo kamid noqoshadda heshiisyada Caalamiga ah ee ciribtirka musuqa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowlada hoose Xamar

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowlada hoose Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha baaxada leh oo ay waaxdani u heyso bulshada Caasimadda.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa mid mid u booqday xafiisyada Waaxda xarunta Caafimaadka isagoo wareysiya kala duwan la yeeshay howl wadeenada xaruntani si uu uga dhageesto shaqada ay bulshada u hayaan iyo tayada adeegyada ay bixiyaan

Wasaaradda Warfaafinta iyo safaaradda Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Heshiiskan is-af-garadka ah waxaa uu ku saabsan yahay dayactirka iyo qalabeynta Tiyaatarka qaranka, Radio Muqdisho iyo wakaaladda wararka SONNA, waxaana kala saxiixday wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Cismaan Abokor Dubbe iyo danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchoa.

Munaasabadda heshiiska lagu saxiixayay oo maanta lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho waxaa heeso luuqadda Shiinaha ah ka soo jeediyay fanaaniinta Waaberi.

Wasiirka warfaafinta oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu bilow u yahay wada shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo xusay in waxyaabaha is-af-garadkan quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha wasaaradda sida; Radio Muqdisho, Tiyaatarka iyo SONNA.

“Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo (Pilot projects) oo ah mashaariic yar yar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Tiyaatarka Qaranka waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965 ka dib burburkii dalka ka dhacay waxaa dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan ku dhistay 2019.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah, dowladda Shiinaha waxaa ay dalka ka fulisay mashaariic waa weyn oo ay kamid yihiin tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir iyo waddooyin ay kamid tahay tan isku xirta Beledweyne ilaa Burco.

Kulanka ku Saabsan Qorshaha Horumarinta Galmudug oo laga furay Dhuusamareeb

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxwaynaha Mudane Cali daahir Ciid ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ka furay Wadatashiga iyo Qorshaha Horumarinta Dowladgobaleedka Galmudug ee afarta sano ee soo socota, halkaas oo lagu faahfaahiyay muhiimada uu u leeyahay qorshahan bulshada .

Wadatashigan oo ay ka qeyb galayaan  Wasaaraddo ay ka mid yihiin, arrimaha guddaha, Amniga, Waxbarashada, shaqada iyo shaqaalaha, partrooka, haweenka, Beeraha iyo guddoomiyaha Caasimadda ayaa lagu sharaxey Ujeedada ay xambaarsan tahay in aragti wadaag laga yeesho qorshahan hormarineed oo  tilmaamaya baahiyaha jira iyo sida ay Mudnaanta u kala leeyihiin.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa ka qeyb galayaasha u sheegay in Istiraatijiyadan hormuud u tahay wax qabadka afarta sano ee soo socota ee Galmudug hiigsaneyso.

Ugu dambeyn Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxwaynaha Cali Ciid ayaa Wasaaradda qorsheynta Galmudug ku amaaney diyaarinta Istiraatijiyadan oo sida ow sheegay kala cadeyn doonta wax qabadyada Wasaraddaha kala duwan ee Galmudug.

Wasiirka Diinta oo ku baaqay in la tukado Salaad roob doon ah, lana soomo 4 cisho

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in la dukado Salaad roob doon ah iyo sidoo kale in la soomo muddo afar maalin ah oo ka bilaabaneysa 7 Bisha oo ah maalin talaado ah kuna eg 10 Bisha oo ku began maalinka Jimcaha iyadoo ladukanayo salaad roob doon ah 9:00 🕘 barqanimo salaada jimco ka hor.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble oo shacabka la hadlayay ayaa ku baaqay in la is cafiyo isagoo Alle ka baryay inuu shacabka ka dulqaado abaarta saameysay bulshada Soomaaliyeed

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah Gobollada dalka ay ka jirto abaar baahansan oo galaafatay Nolosha dad iyo dunno, una baahan in gurmad deg deg ah lala gaaro.

Madaxweynaha Puntland oo daah-furay hay’adda Maareynta Macluumaadka kheyraadka biyaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay howlgelinta Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland.

Xaruntan ayaa ka shaqeyn doonta ururinta xogaha ku saabsan Biyaha sida roobabka, daadadka, saadaalinta cimilada, soo jeedimaha la xiriira maareynta masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, Abaaraha iyo daadadka.

Waa xaruntii ugu horeysay oo nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, waxaana hadda laga soo wareejiyay Dalka Kenya halkaasi oo xarun u ahayd.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, Wuxuuna sheegay in sidoo kale xarunta ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan maamulada iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in Soomaaliya ay soo kabanayso ayna muhimtahay in ay lasoo wareegto xarumaha noocan oo kale ah ee banaanka uga maqnaa.

Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, ee maanta shaqo bilowday waxaa ui Mudane Deni dhaggax dhigay Bishii 3-aad ee sanadkii 2019.