Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Jabuuti

Djibouti- Wefdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

Safarka taliyaha iyo wefdigiisa ayaa ku qotoma in tababar uu u soo xiro Barri dufcaddii 15-aad ee ciidanka Daraawiishta oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti.

Taliyaha iyo wefdigiisa waxaa si heer sarre ah  ugu dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Jabuuti Saraakiil ka tirsan Boliiska Jabuuti iyo Talyaaniga oo iyagu tababarka siiya ciidanka Daraawiishta ee lagu tababarayey Jabuuti.

Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga hoggaaminaya qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga Dalka (STP SSC).

Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dalka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Intii ay munaasabaddu socotay mas’uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Beyle oo la kulmay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

-Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kiin Foster, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada Dowladood.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan dib u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo boqortooyada UK.

“Waxaan yeelanay wadahadallo miro dhal ah oo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa kaloon ka wada hadalnay caqabadaha haray iyo dariiqa loo marayo, ayuu yiri Wasiirka Beyle.”

Safiirka boqortooyada UK ee Soomaaliya Kiin Foster FCDO ayaa bogaadisay dedaalka dowladdu ay gelisay hanaanka hufnaanta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa uga mahadceliyay Kiin Foster iyo boqortooyadda UK taageerada dhinac walbo leh ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Hindiya: Diyaarad uu la socday Madaxa Difaaca oo burburtay

Diyaarad Helicopter ah oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Hindiya General Bipin Rawat iyo saraakiil kale,ayaa maanta ku burburtay Gobolka Tamiil Naadu ee koonfurta dalkaasi,sida ay sheegeen ciidamada cirka.

diyaaraddaasi oo sidday sagaal sarkaal iyo xaaska taliyaha difaaca ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 4-ruux,halka uu dhaawac ka soo gaaray 3-kale.

Diyaaraddaasi Herikobtarka ah ayaa ka soo ambabaxday saldhigga ciidamada cirka,iyadoo ku sii jeeday kulliyadda adeegga difaaca ciidanka.

Diyaaraddaasi oo nuuceedu ahaa Helicopter IAF Mi-17V5,waxa ay maanta ku dhacday meel u dhow deegaanka Coonoor ee koonfurta Tamil Nadu,sida ay ku warameen saraakiil u hadlay ciidamada Cirka.

Madaxda Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyeysay geerida Maryan Cali Aayad

Wasiirka Warfaafinta XFS Senator Cusmaan Abokar Dubbe, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-caddaala ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh eek u timid AUN Maama, Maryan Cali Aayad oo manta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa tacsi taa la mid ah diraya Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta , Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, madaxqeybeedka iyo guud ahaan Shaqaalaha wasaaradda warfaafinta waxay tacsi u dirayaan ehelka iyo asxaabta Alle ha u naxariistee Maamo, Maryam Cali Aayad oo ka mid aheyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Maryan Cali ayaa ka tirsanayd Waaxda Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed muddo dheer, iyadoo saakay ku geeriyootay magaaladda Muqdisho.

Rabbi jannadii fardowsa aheyd ha ka waraabiyo, dhamaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtay Samir iyo iimaan Rabbi ka siiyo, aamiin.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

Kulanka oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamda Amisom, iyo sidokale hanaannkii Ciidamada Xoogga Dalka ay u Hoggaamin lahaayeen Howlgalada ka dhanka Argagixisadda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana ay ka go’antahay Xaqiijinta Amniga guud ee Dalka.

Kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowga Africa iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.

Hogaamiyaasha Zambia iyo Malawi ayaa ku dhawaaqay inay dhisi doonaan xiriir ganacsi iyo mid maalgashi oo xooggan

Madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema iyo madaxweynaha Malawi Lazarous Chakwera ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo ka shaqaynta isku xidhka xadka u dhexeeya labada dal si ay u noqdo marin ganacsi.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Aqalka Madaxtooyada ee caasimadda Malawi ee Lilongwe oo ay ku soo idlaatay booqasho shaqo oo hal maalin qaadatay, ayaa Hichilema waxa uu ku baaqay xiriir saaxiibtinimo iyo is-ixtiraam dhexmara shucuubta labada dal.

Madaxweyne Chakwera, ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC), ayaa uga mahadceliyey Hichilema booqashada iyo ballanqaadkiisa dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee labada waddan.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta Safaaradda soo dhaweyn diiran ugu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo safar shaqo ku jooga masar.

Wasiirka ayaa Danjiraha iyo Dhammaan Diblomaasiyiinta uga mahadceliyay hab maamuuska quruxda leh ee loo soo dhaweeyay waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadaan isagoo si gaar ugu amaanay Danjire ilyaas howlkarnimadda iyo soo celinta bilicdii Safaaradda oo wax badan laga bedalay kuna bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee Qaranka u haayo .

Inta kadib Wasiirka oo kulan gaar ah la yeeshay Diblomaasiyiinta safaaradda ayaa uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka isago kulla dardaarmay iney u dhabar adeegaan howsha culus ee ay dalka u hayaan.

Ugu danbeyn Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xafiisyadda Safaaradda ee loogu adeego Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar kusoo wareejiyay Wasiirka oo halkaasi kulla kulmay qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xiligaas loo shaqeenayay kuwaas oo shaqaalaha safaaradda ku bogaadiyay sidda hufan ee ay Jaaliyadda ugu adeegaan iyo isbedalka muuqda ee Safiir Ilyaas kuso kordhiyay Safaaradda.

Mareykanka oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Hub iyo Saliid laga leeyahay Iiraan

War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Badda Mareykanka ay la wareegeen Hub, Shixnad Saliid ah iyo labo Markab, kuwaa oo laga leeyahay Iiraan.

Washington ayaa dhigeeda Dehraan ku eedeeysay in shixnadan ay la damacsanayeen inaay gacanta u geliyaan dagaalyahanada Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaYeman.

Warka waxuu intaa ku darayaa in Hubkan la qabtay uu ka kooban yahay 171 Gantaal oo ah nooca Balaastiga ah iyo tiro kamid ah Gantaallada lidka Taangiyada, sidokale waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay inay la wareegeen ku dhawaad ​​hal milyan iyo 100 kun oo fuusto oo saliid ah.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa bayaankeeda ku xaqiijisay in waxa dhacay ay muujineyso awoodda Ciidamada Mareykanka ay uleeyahiin ka hortaga qalqal galinta Iiraan ay ku hayso gobalka, ee ku aaddan Hubeeynta kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka xannaanada xoolaha XFS oo Jabuuti kaga qeyb-galay shir looga hadlayo tayaynta xoola dhaqatada

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kaga qeybgalay shir heer sare oo muhiim ah dalka Jabuuti.
Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa in xoolaha iyo bulshada ku dhaqan kalasterka 4aad ee lamagac baxay DIKHIL ay ugu adkeysan lahaayeen abaaraha iyo musiibooyinka la xiriira, si xal waara loogu helo baahiyaha ballaaran ee xoolaha iyo dadka xoola dhaqatada ah sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha iyo adeegyada fayadhowrka.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadalayey wax ka qabashada nabadda iyo xasilooni kuwada noolaashaha bulshooyinka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan xuduudaha saddexda dal ee ku bohoobay Kalasterka 4aad ee DIKHIL.
Shirkaan waxaa soo qabanqaabiyay Urur goboleedka IGAD waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku bohoobay kalasterka 4aad ee DIKHIL.
Shirkaan ayaa socday muddo laba maalin ah maalin heer farsama ah iyo maalin heer Wasiir.
Gabagabadii shirka ayaa waxaa la isla gaaray is afgarad u dhexeeya dalalka ku bohoobay Kalasterka 4aad ee DIKHIL iyo IGAD sidii mashruucaan loogu helilahaa taageero isla markaana la iskaga kaashan lahaa dhaqan galintiisa.