Galmudug oo ciidama kala dhaxgalo u dirtay beello ku dagaalamayo degaanno katirsan Galgaduud

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xabad joojin ugu baaqay Maleeshiya beleed  maalmahan ku dagaalamayay inta u dhaxaysa Balanballe iyo Guriceel oo ay dad badan ku dhinteen.waxa uu shegay sidokale in Galmudug ay isugu geyn doonto awoodeeda sidii loo joojin lahaa dagaalka  maalmahan ka socday degaanadasi

Wasiir Falagle ayaa sidokale tilmaamay in maamulka Galmudug oo uu ciidmada kala dhaxgala kooxaha maleeshidaka ah u diray degaanada ay dirirtu ka socoto, isagona sheegay in dowlada Galmudug ay gacan bir ah ku qaban doonto kooxaha marwalaba deganaada ka abaabulo dagaalada labada maleeshiya beleed u dhaxeeyo.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah laba maleeshiyo beleed ku dhaxmaray degaanka kaxandhaale oo u dhow degamada Balanbale ee Gobolaka Galgaduud

UNICEF” 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya”

Sanduuqa badbaadada caruurta ee Qaramada Midoobay ee (UNICEF), ayaa Jimcihii ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo Biyo la’aanta iyo abaaraha xoogan ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo la’aan sababo la xiriira xaalado abaareed oo daran oo ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay UNICEF.

“Biyo la’aanta iyo xaaladaha abaareed ayaa sabab u ahaa kororka qiimaha biyaha taasoo keentay barakac, ay ka dhasheen cudurrada shubanka iyo nafaqo darro ka taagan qaybo badan oo Soomaaliya ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gobollada sida ba’an ay u saameysay abaaraha xilligan ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug , qeybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay  in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool 66 degmo ay u baahan yihiin biyo degdeg ah.

“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada Fayadhowrka iyo Nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba ” sida ay sheegtay UNICEF.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792,  balse la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Puntland 10 Ruux, Gobolka Banaadir 6 qof, jubbaland 4 Ruux iyo Soomaaliland oo laga diiwaangeliyay min  3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  13 Rag ah iyo 1o Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 2 Ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 492

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 12,817 xaaladood oo bogsasho ah 1,333 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 12,817, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

Tirada asbuucii  u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792
o Laga Helay: 23
o Puntland: 10
o Banadir: 6
o Jubbaland: 4
o Somaliland: 3

o Lab: 13
o Dhedig: 10
o Bogsashada: 492
o Dhimasho: 2 (Somaliland:2)
Tirada Guud ee Laga Helay: 23,074
Bogsashada Guud: 12,817
Dhimashada Guud: 1,333

AMISOM oo deeq kaalmo ah gaarsiisay qoysas ku sugan Muqdisho

Maamulka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay raashin iyo agab kale gaarsiisay qoysas ku nool xaafado ku dhow xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Agabkaan oo ay ka mid yihiin Bustayaal, Baaldiyo, Jeerikaanno, Maro-kaneecooyin, Bariis, Sonkor, iyo Saliid iyo Agab kale, ayaa waxaa Qoysaskaasi ku wareejiyay Madaxa Qeybta Xiriirinta Gargaarka Bani’aadantinimo ee AMISOM, Cabdul Diabagate iyo madax ka socotay Iskaashatada Ciidamada Rayidka iyo Militariga ee AMISOM.

Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM, Diabagate ayaa sheegay in deeqdaan ay ugu talagaleen in lagu yareeyo baahiyaha degdegga ah ee ay qabaan qoysaska ku nool aagagga xerada ciidamada.

Anigoo ku hadlaya magaca AMISOM, waxaan rajeynayaa inaan ilaalino oo aan ka wada shaqeyno si aan u hubinno inaan dhammaanteen dagaal adag u galno sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri Diabagate

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka warbixiyay howlaha baaxadda leh ee ay u qabtaan bulshada

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo manta ka qeybgalay Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ku guuleysteen arrimo badan oo xal u ah horumarinta nidaamka guud ee hagaya garsoorka iyo maxkamadaha dalka.

Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in la dhameystiray dhismaha gudiyada la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhismaha he”yadaha darsoorka,wuxuuna intaa raaciyay in ay si joogto ah u socdaan wacyigalinta heyadaha u xilsaaran adeegyada garsoorka .

Wasiirka,waxa uu caddeeyay in la diyaariyay Sharciga hannaanka federaalka , iyadoo lala kaashanaayo maamulada dowlad goboleedyada,

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, mudane C/qaadir Maxamed Nuur waxa uu ugu dambeyntii qiray in ay jiraan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo dowladda,sidaa daraadeed,waxa uu codsaday in dowladda gacan lagu siiyo howlaha ay u hayaan bulshada.

Wax ka ogow safarka dhaxal sugaha Sacuudiga uu ku tagay Qatar

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa safar ku tagay dalka Qatar markii ugu horeysay tan iyo markii la qaaday xayiraaddii Dooxa la saaray mudo sadex sano ah oo ku egkeyd bishii Janaayo ee sanadkan.

Imaanshihiisa Qatar waxay qeyb ka tahay safar uu ku marayo dhowr wadan oo kamid ah dalalka Khaliijka.

Dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan waxaa uu la kulmay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, kulankaas oo dhacay habeenimadii xalay oo Arbaco aheyd.

Safarkiisa ayaa ka dambeeyay xilli Boqortooyada Sacuudiga isku dayayso in ay Meesha ka saarto xiisadaha diblomaasiyadeed oo kala qeybiyay bulshooyinka isirka wadaaga isla markaana burburiyay is xulafeysigii muddada dheer soo jirey ee u dhexeeyay wadamada Khaliijka.

Qoraal uu soo dhigay twitter ayuu Amiirka Qatar ku soo dhaweeyay imaanshaha dhaxal sugaha, isagoo xusay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah kaas oo ku dhisan sida uu hadalka u dhigay aas aas adag oo leh taariikh iyo dano wadaag ah.

Amiirka waxaa uu intaas ku daray in arrimaha ay ka wada hadleen sidoo kale kamid aheyd kor u qaadista iskaashiga labada dal gaar ahaan xoojinta arrimaha nabad geliyada iyo xasiloonida gobolka.

Qatar ayaa noqotay dalkii sadexaad oo kamid ah affarta wadan ee Khaliijka ka tirsan oo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan tagay ka hor shir madaxeedka wadamada Iskaashiga Khaliijka uu qabsoomi doona sida uu qorshuhu yahay dhammaadka bishan.

Shir madaxeedkan wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo Sacuudiga oo ay wehliyaan dalalka Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo ku heshiiyay in la soo afmeero go’doomintii Dooxa ku sameeyeen bishii Juun sanadkii 2017.

Intii xiisada diblomaasiyadeed ee gobolka socotay Qatar waxay diiday in ay fuliso dalabka affarta wadan oo ahaa in la xiro TV Aljazeera iyo in dalka laga saaro askar tiro yar oo Turki ah kuwaas oo Qatar ku sugnaa.

Bishii Janaayo ee sanadkan, affarta waxay ku heshiiyeen in ay dhammeeyaan khilaafkaas.

Tan iyo markaas, Riyadh iyo Qaahir waxay Qatar u soo magacaabeen danjiriyaashooda, halka Imaaraadka iyo Baxreyn wali ay tahay. Qatar dhankeeda waxay soo celisay xiriirka diblomaasiyadda; dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka laakiin Baxreyn wali wax xiriir ah lama lahan.

Amiirka Qatar dhowr jeer ayuu safar ku tagay Sacuudiga balse Maxamed Bin Salmaan waa markii ugu horeysay oo uu yimaado Dooxa tan iyo markii uu noqday dhaxal sugaha 2017.

Ali Abdirahman (RM)

Ra’iisul Wasaarihii Burkiina Faaso oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Burkiina Faaso Roch Marc Christian Kabore ayaa shaqada ka ceyriyay ra’iisul wasaarihii dalkaaasi, iyadoo ay sii kordhayaan qalalaaso dhanka amniga ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Xafiiska madaxtooyadda ee dalkaasi ayaa sheegay in madaxweynuhu uu warqad iscasilaad ah ka helay ra’iisul wasaare Christophe Dabire,sida uu sheegay Xoghayaha guud ee dawladda Stephane Wenceslas Sanou oo la hadlay warbaahinta dalka Burkiino Faaso.

Xil ka qaadista r/wasaaraha ayaa imaaneysa xilli ay jiraan isku shaandheyn lagu sameeyay hoggaanka ciidanka.

Dalkaan oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan Galbeedka Afrika, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2016-kii hareeyay weerarro ay qaadayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS), kuwaasoo ay ku dhinteen 2,000 oo qof ,isla markaana ay ku barakaceen in badan hal milyan oo qof.

Dibadbaxyo lagu diidan yahay dowladda ayaa ka socda waddooyinka magaalooyinka waaweyn, ka dib markii bishii hore kooxaha hubeysan ay dileen 49-ruux oo isugu jiray ciidan iyo dad rayid ah.

faransiiska oo sii daayey ruux loogu shakisanaa inuu lug ku lahaa dilkii Wariye Jamal Khashoggi

Wadanka Faransiiska waxaa xabsiga laga sii daayey qof ay hore ugu xireen inuu ku lug lahaa dilkii ka dhacay Istanbul 2018-kii kaas oo lagu dilay weriyihii caanka ahaa ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi, ka dib markii ay ogaadeen in ninkani aanay wax lug ah ku laheyn dambiga loo heysto ee lagu soo xiray.

Ninkan oo sitay Baasaboor magaciisa lagu sheegay Khalid al-Otaibi, ayay ciidamada booliska xuduudka Faransiiska ku xireen garoonka weyn ee magaalada Paris Talaadadii isagoo isku diyaarinayay inuu u duulo Riyadh, sida ay sheegeen booliska iyo laamaha garsoorka.

safaaradda Sacuudiga ee Paris ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee Talaadadii waxay ku sheegtay in ninka la xiray “uusan wax lug ah ku lahayn kiiska laga hadlayo” waxayna dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo.

Wasiirka Waxbarashada oo Qaahira uga qeyb galay shirka 14-aad ee Ururka Dowladdaha Islaamka

Wasiirka Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare XFS Mudane, Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahiro kaga qeybgalay shirka 14-aad ee ururka Waxbarashada hiddaha iyo Cilmiga u qaabilsan waddamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaalada Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullahi Carab oo warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowladda ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashada iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan dhigagooda Wasaaradda Waxbarashada Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamku ku leeyahay Soomaaliya, Mudane Maxamed Bamba M. Boba.

Kulanka oo ahaa booqasho sharafeed, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Agaasimuhu waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.