Tababar loo furtay hawlwadeenno ka kala socday Xafiisyada taya-dhowrka Wasaaradaha

Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Halbeegyadda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababar u furtay hawlwadeenno ka socday Xafiisyada Taya-dhowrka Wasaaradaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada .

Agaasimaha waaxda taya-dhowrka iyo halbeegyada Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliina Sare dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Marwo Mariya Sakariye Axmed ayaa Tababar u furtay Howlwadeeno ka socday xafiisyada Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ee Wasaarada Waxbarashada, Wasaaradaha Waxbrashadda dowlad Goboleedyadda iyo Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir.

Tababarkaan oo socon doona muddo seddax cisho ah ayaa waxaa lagu baran doonaa dhinacyada tayenta iyo kor -u-qaadista awooda hoggaamineed ee Xafiisyada taya-dhowka iyo kormeerka guud ahaan  goobaha Waxbarashada dalka,ayadoo la adeegsanaya halbeegyo isku mida, taasi oo wax ka tari doonta halista waxbarashado tayo leh.

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle oo Cambaareyay Qarax ay ku dhawacmeyn xildhibano katirsan Hirshabelle

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Mohamed ayaa Cambaareyay Qarax lala beegsaday xildhibaano iyo shacab kusugan goob ay dadka iskugu yimaadan ee caasimada Hirshabelle ee Jowhar

Guddoomiyaha ayaa Falkaasi ku tilmaamay mid argagaxisinimo waxuuna caafimad deg deg Alle uga rajeyay intii waxyeelada kasoo gaartay oo ay kamid yihiin Xildhibaano katirsan Hirshabelle

Ugu dambeyn Gudoomiye Lukman wuxuu Hay’adaha Amniga Faray iney qaadaan talaaboyin deg deg ah oo lagu xakameynayo falalka argagaxida geysanayaan sidoo kalena wuxuu hay’adaha Amniga ku booriyey iney Gacanta kusoo dhigaan kuwii kadambeeyay weerarka argagaxida

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada, la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha, ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka sida sharcidarada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada iyo isku xirka degmooyinka,

Xildhibaano katirsan Hirshabeelle oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Jowhar

Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sida uu noo xaqiijiyay wariyaha warabaahinta Qaranka uga soo waramo Magaalada Jowhar qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo xaafadda kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah.

Qarax ayaa waxa ku dhintay 1-qof Afar qof oo ay ku jiraan xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf shaacir oo ka wada tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle way ku dhawacmeeyn

Lamaha amniga oo goobta gaaray aya wada howlagalo lagu xaqiijinayo amniga iyo cidii ka dambeysay qaraxsi lagu werary goobta ay fadhiyeen xildhibanada.

Galmudug oo digniino ka soo saartay jarista dhirta

Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa digniino ka soo saaray jarista dhirta, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu maamulku ku howlanaa la dagaalanka jarista dhirta.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa howlgallo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug lagu soo qabqabtay dad la sheegay inay ka ganacsa jireen jarista dhirta.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, ayaa sheegay in hadda ay diyaariyeen ciqaabtii uu muteysan lahaa qofka lagu qabto isagoo dhirta jaraya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la qabtay kulankii ugu dambeeyey ee odayaasha dhaqanka deegaanka ay la yeesheen, si loo hor dhigo sharciga laga diyaariyey la dagaalanka jarista dhirta.

Waxa uu sheegay in sharcigaas uu ka hir-galay magaalada Hobyo oo horay ay ugu qaadeen sharcigaan dad ku howlanaa jarista dhirta, isla markaana wixii maanta ka dambeeya uu sharcigaan ka hir-geli doono deegaanada kale ee gobolka Mudug.

UNICEF” 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya”

Sanduuqa badbaadada caruurta ee Qaramada Midoobay ee (UNICEF), ayaa Jimcihii ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo Biyo la’aanta iyo abaaraha xoogan ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo la’aan sababo la xiriira xaalado abaareed oo daran oo ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay UNICEF.

“Biyo la’aanta iyo xaaladaha abaareed ayaa sabab u ahaa kororka qiimaha biyaha taasoo keentay barakac, ay ka dhasheen cudurrada shubanka iyo nafaqo darro ka taagan qaybo badan oo Soomaaliya ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gobollada sida ba’an ay u saameysay abaaraha xilligan ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug , qeybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay  in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool 66 degmo ay u baahan yihiin biyo degdeg ah.

“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada Fayadhowrka iyo Nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba ” sida ay sheegtay UNICEF.

Dowladda Finland oo ku dhawaaqday inay soo iibsanayso 64 diyaaradaha dagaalka F-35A

Dowladda Finland oo ku dhawaaqday inay soo iibsanayso 64 diyaaradaha dagaalka F-35A “Lockheed Martin F-35A Lightning II”ee Mareykanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay shalay jimcihii Dowladda Finland ayaa lagu sheegay in F-35-kii ugu horreeyay la keeni doono sanadka 2026-ka, iyadoo lagu bedelayo F-18 Hornet ee alaabada inta u dhexeysa 2028 iyo 2030.

Finland ayaa noqon doontaa waddankii saddexaad ee ka tirsan Scandinavianka kaas oo  iibsaday F-35. Norway ayaa horey u heshay diyaaradaheedii ugu horeysay, halka Denmarka ay fileyso in F-35 ay timaado 2023-ka.

Wasiirka gaashaandhigga Antti Kaikkonen ayaa sheegay in nidaamka F-35 uu yahay kan ugu wanaagsan baahida Finland dhanka waxqabadka.

Dalalka bixiya deeqaha oo isku raacay in loo gurmado Afganistaan

Dalalka bixiya deeqaha ayaa ku heshiiyey in lacag gaareysa 280-milyan oo doolar lagu wareejiyo hey’adaha (WFP) iyo UNICEF si loogu taageero wax ka qabashada macaluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta Dalka Afgaanistaan .

Lacagtaan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu taageero barnaamijyada haqab-beelka cuntada iyo caafimaadka ee dadka Afgaanistaan,maadaama ay jirto dhibaato dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in lacag gaareysa $180-milyan lagu wreejinaayo hey’adda WFP si kor loogu qaado haqab-beelka cuntada iyo hawlaha nafaqeynta halka $100-milyan la siinayo  UNICEF si ay u bixiso adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah,sida ay lagu sheegay bayaan ka soo baxay  bangiga maalinimadii shalay.

​​Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ​​23 milyan oo ruux ay wajahayaan heerar aad u daran oo gaajo ah, halka dad gaaraya ​​sagaal milyan ay halis ugu jiraan macaluul.

Mareykanka iyo deeq bixiyayaasha kale ayaa jaray kaalmadii dhaqaale ee la siin jiray Afgaanistaan,ka dib markii talada dalkaasi ay la wareegeen Taalibaan,waxaana sidoo kale la xayiray in ka badan $9-bilyan oo ah hantida lacagta adag ee dalkaas.

Mareykanka oo 9.4 bilyan kaga iibinaya Giriiga maraakiib dagaal

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ogolaatay iibinta afar markab oo dagaal kuwaas oo qiimahoodu dhan yahay 6.9 bilyan oo doolar lagana iibinayo Dalka Giriiga,waxa sidoo kale la socda macaamilka casriyeynta maraakiibta oo qiimahoodu dhan yahay $2.5 bilyan.

Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ayaa gaarsiisay shahaadadii loo baahnaa, iyadoo ogeysiisay Congress-ka iibka suurtagalka ah.

“Iibintan la soo jeediyay waxay taageeri doontaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo ujeedooyinka amniga qaranka ee Maraykanka iyadoo gacan ka geysanaysa hagaajinta amniga xulafada NATO, taas oo ah lamaane muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee Yurub,” ayaa lagu yiri. ” warbixinta.

Giriiga ayaa waxa uu gacan ka geystaa hawlgalada NATO ee Kosovo, iyo sidoo kale ka hortagga argagixisada iyo dadaallada ka dhanka ah burcad-badeedda.

Maamulka Galmudug oo digniino ka soo saaray jarista dhirta

Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa digniino ka soo saaray jarista dhirta, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu maamulku ku howlanaa la dagaalanka jarista dhirta.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa howlgallo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug lagu soo qabqabtay dad la sheegay inay ka ganacsa jireen jarista dhirta.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, ayaa sheegay in hadda ay diyaariyeen ciqaabtii uu muteysan lahaa qofka lagu qabto isagoo dhirta jaraya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la qabtay kulankii ugu dambeeyey ee odayaasha dhaqanka deegaanka ay la yeesheen, si loo hor dhigo sharciga laga diyaariyey la dagaalanka jarista dhirta.

Waxa uu sheegay in sharcigaas uu ka hir-galay magaalada Hobyo oo horay ay ugu qaadeen sharcigaan dad ku howlanaa jarista dhirta, isla markaana wixii maanta ka dambeeya uu sharcigaan ka hir-geli doono deegaanada kale ee gobolka Mudug.