Jubbaland oo shaacisay doorashada kuraasta ugu horreysa ee golaha shacabka DFS

Kismaayo- Guddiga hirgelinta doorashada heer Dowlada Goboleed SEIT ee maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay qabashada doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da Kursi ee ku Asteysan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Gudaha Taliska ciidanka Asluubta oo soo saaray awaamir lagu aruurinayo caruurta dayacan

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa soo saaray awaamir cusub oo lagu aruurinayo caruurta darbi-jiifka ah iyo kuwa aanan lahayn waalidiin daryeesha ee ay dantu ku kaliftay in ay banaanada maciin badaan.

Taliska ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe lagu aruurinayo caruurtaas isla markaana loo diyaariyay Xarumihii lagu daryeeli lahaa oo leh goobo waxbarasho, caafimaad iyo dhaqan celin intaba.

Hadda ka hor ayey aheyd 2015kii markii ay Ciidamada Asluubtu magaalada Muqdisho ka aruuriyeen caruurta darbi jiifka iyo kuwa agoonta ah. Lix sanadood oo diyaarin iyo waxbarid ah keddib Taliska ayaa sheegay in caruurtaasi ay  hadda u diyaarsan yihiin sidii ay qayb uga noqon lahaayeen Bulshadooda ama u adeegida Qaranka Soomaaliyeed.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa guud ahaan ku mashquulsanaa sidii wacyi gelin iyo dhaqan celin loogu samayn lahaa dhalinyarada Caadeysatay isticmaalka Maandooriyaha, Awaamirtan cusub ee  Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka soo baxdayna waxa ay sare u qaadaysaa yareynta caruurta darbi jiifka ah ee isticmaalaha Maandooriyaha iyo kuwa halista ugu jira in ay qayb ka noqdaan.

Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa dalka oo Shirka caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa kaga qayb galay Masar

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaaladda Sharma Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay shirka Caalamiga ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shirkaan oo ahaa midkii sagaalaad ee ay isugu yimaadaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ee la dagaalanka Musuq Maasuqa ayaa Soomaaliya waxay u ahayd markii ugu horeysay oo ay ka qeyb gasho kedib markii bilooyin ka hor la magacaabay guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo ay yeelato Soomaaliya tan iyo burburkii dowaddii dhexe.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa intii uu shirka socday waxa uu kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka.

Guud ahaan caalamka  ayaa laga xusaa Todobaadka Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa waxaana markan la xusayaa iyadoo u jeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigalin ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo ka hortaggiisa.

Guddiga xalinta khilaafaadka iyo safaaradda Ingiriiska oo ka wada-hadlay xal u helidda cabashooyinka kuraasta xiliga doorashada

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Maxamed Ibraahim iyo Axmed Yusuf oo xubin ka ah guddiga ayaa kulan la qaatay Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada.

Qodobada aadka loogu dheeraaday ayaa ahaa sida habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada, Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021, iyadoo hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha.

Waxaana ay labada dhinac garawsadeen inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada, Shaacinta Liiska musharixiinta iyo in dacwadaha doorashada ee lagu soo xareeyo mudooyinka loo asteeyay ayaa la isla gartay inay keeni karto hanaan garnaqsi oo hufan.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay hanaanka daah-furnaanta leh ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland iyo siday u shaaciyeen odayaasha xulaya ergada iyo tababarkooda.

Ugu dambayn, Marwo Kate Foster ayaa ku nuuxnuusatay muhiimada GXKHDD iyo in la hufo wareega doorashada ee odayada, ergada, musharixiinta iyo maalinta Doorashada.

Gudoomiye Ku-xigeenka ayaa gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Gudoomiyaha GXKHDD waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Nabdoon.

Source: SONNA

Shirka madasha Aragti wadaaga Heritage oo Djabuuti ka furmay

Waxaa magaalada Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti maanta ka furmay Shirka madasha aragti wadaaga ee Heritage.

Shirkan oo Furitaankiisa uu ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mudane Mustaf Maxamed Cumar, Wafdi Wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo ka socda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi ka socda Kenya oo uu hogaaminayo Aadan Barre Ducaale.

Shirka Heritage oo sanadle loo qabto ayaa waxaa ka qeyb galaya Aqoon-yahano iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed iyadoo lagu soo bandhigo doodo cilmi ah oo ku saabsan xaaladda Gobolka Afrika Guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaaliya, Siyaasadaha Saameynta ku leh Soomaaliya iyo Soomaalida iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxda kale ayaa kalmado furitaan ah ka jeediyay kulanka, iyadoo saacadaha soo socda la filayo in ay Jabuuti gaaraan Masuuliyiin sare oo matalaya dalalka ay quseyso xaaladaha Gobolka gaar ahaan Geeska Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal ajnabi ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayna ka soo qayb galeen madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjireyaasha iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo munaasabadda khudbad ka jeediyey, ayaa tilmaamay fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalgashi shisheeye, isaga oo hoosta ka xarriigay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan soojiidashada maalgashadeyaasha shisheeye.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa ay dadaal weyn ku bixinaysaa isku xirka hay’adaha gudaha iyo kuwa dibadda si loo soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, loogu na soo jiido Soomaaliya maalgashi shisheeye oo dheeraad ah.”

Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland oo shaaciyay xilliga la diIwaangalinayo musharaxiinta

Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ayaa shaaciyay xiliga la diwaangali naayo musharaxiinta iyo ergada kurasta kala ah, Hop#229 Hop#262, Hop#254, Hop#255.

Guddiga maamulka Doorashada Somaliland ayaa faray musharaxiinta iyo ergada kuraastaas in ay u diyaar garoobaan diiwaan gelinta doorashada.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray in la dardar geliyo howlaha doorashada golaha shacabka ee Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, oo booqasho sharafeed ugu timid.

Wasiirka iyo Danjraha ayaa si qotor dheer kaga wada hadlay danaha dheef-wadagga ah ee labada dhinac.

Sidoo kale, kunkanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya oo shirka la dagaalanka masuq-maasuqa uga qeyb galeysa dalka Masar

Waxaa magaaladda Sharma Al sheekh ee dalka Masar maanta ka furmay shir heer sare ah oo looga hadlayo la dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ay ka qeyb galayaan dowladaha qeybta ka ah heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Shirkan oo muhiimad gaar ah u leh dalkeenna, ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo.

Talaabadan La dagaalanka masuq-maasuqa waxay dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.”

Heya’adda socdaalka aduunka oo sheegtay in ay korodhay tirada dhimashada Tahriibeyaasha caalamka.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay  in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka oo dhan sanadkan 2021,taas oo ka dhigan in Caalamka, tirada dhimashada sanadkan ay  ka badan tahay tii la diiwaangeliyey sanadkii hore 2020 oo ahayd 4,236 ayey tiri IOM.

Heya’adda IOM waxa ay sheegtay in ugu yaraan 54 muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil baabuur oo khamiistii ka dhacay Chiapas – shilkii kaliya ee ugu dhimashada badnaa ee soo galootiga Mexico tan iyo ugu yaraan 2014, markaasoo IOM ay bilowday diiwaan gelinta dhimashada

Xuduudka dhulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga ayaa ka mid ah goobaha ay kor u kacday dhimashadu sanadka 2021 marka loo eego sanadihii ka horeeyey ayey lagu xusay warbixinta.