Maamulka Gobolka Banaadir oo bur buriyay dhismooyin sharci darro ahaa oo laga dhistay hareeraha Waddooyinka

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa howlgal lagu burburinayay dhismooyinka sharci darada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ka fulisay  Degmada Kaaran, iyadoo howlgalkaasi uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Bur-burintaan ayaa laga fuliyay inta u dhaxeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir, iyadoo uu noqon doono mid sii socda si loo fuliyo amarka Duqa magaalada Muqdisho ee ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay hareeraha waddooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salax Xasan cumar oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qeyb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay joogteynta bur burinta dhismayaasha sharci darrada ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka Heritage

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Djibouti uga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka Heritage ayaa machadka ku ammaanay kaalintiisa cilmi baarista iyo doodaha wax dhisaya ee khuseeya dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahadceliyay madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorkiisa nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Djibouti

Djibouti- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti, halkaas oo uu ku soo xiri doono Madasha Aragti Wadaagga Heritage.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Djibouti waxaa ay kulamo la qaadan doonaan qaar ka mid ah madaxda dowladda Djibouti, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha soo xirayaa Madasha Aragti Wadaagga Heritage.

Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo gashay maalintii labaad ayaa lagu wadda in berri lagu soo xiro magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti oo sanadkaan lagu qabtay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan miro dhal ah la qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, iyagoo ka wadda hadlay shaqooyinka socdo ee u dhaxeeya UNSOM iyo wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya.

Kulanka oo u dhacay si saaxiibtinimo oo loona wadda hadlay si hufan ayaa waxaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ku wehliyey kulanka Lisa Filipeto, Madaxa UNSOS, Marwo Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka (KIXI-HRPG), S/Guuto Papa Ngom, Lataliyaha Sare Ciidanka UNSOM iyo Marwo Adelina Urmanova, Kaaliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee UNSOM.

Kulanka waxaa wasiirka Gaashaandhigga ku weheliyay agaasimaha guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan M. Saciid Samantar “Gacaliye” iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda, Cali Aadan Xasan.

Ciidanka XDS oo howlgal ku burburiyay xarumo ay Al-shabaab ku lahaayeen Shabeellada hoose

Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Ciidanka kumaandoosta Danab ee XDS ayaa howl-gal ka qorsheysan ka sameeyey degaannada Dhiin garas, Shaam, Diinlaawe iyo Jameeco iyagoo halkaasi ku burburiyay  fariisimo ay Argagixisada Al-shaaab ku lahaayeen halkaas.

Degaanada ayaa Argagixisada Al-shabaab waxay ku lahayeen goobo ay gabbaad ka dhigtaan, baro kantarool iyo goobo ay ku qaadaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka oo ah dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Ciidanka Danab ayaa muddooyinkii u dambeeyay ugaarsi ka dhan ah haraadiga nabad-diidka Al-Shabaab waxa ay ka wadeen degaanno ka tirsan goobahii ugu dambeeyay ee ay kaga dhuumaalaysayeen degaanno ka tirsan Shabeellada hoose.

Madaxweynaha Hirshabeelle shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay dardargalinta amniga

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaaladda Jowhar.

Shirka oo maanta ay ka soo qeybgaleen maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, Saraakiil ka socotay taliska Booliiska Hirshabeelle iyo agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hey’addaha Amniga isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Caasimada Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Maxamed Alsaciid Axmed Albaas.

Danjiraha cusub ee Dowladda Masar Mudane Maxamed Alsaciid Axmed ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo wasiirka uga warbixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee XFS Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Danjiraha Cusub ee Masar ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuuna u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Abaarta ka jirta Galmudug oo ay dad u dhinteen

Abaaro ba’an oo ay dad u geeriyoodeen ayaa laga soo sheegayaa koofurta Gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug iyo qaybo ka mid ah Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka mudug ee Galmudug, Axmed Maxmed Shire Qoodaar ayaa Wakaaladda wararka ee SONNA u sheegay inay jirto dhimashada lix qof oo ah dadkii ay abaartu saamaysay.

Dadka u geeriyooday abaarta ba’an ee ka jirta Galmudug ayuu sheegay inay intooda badan kusoo dhinteen dhexda xilli ay kusoo jeedeen magaalada Gaalkacyo qaarna ay iyagu gacmahooda ku aaseen, wuxuuna xusay in dadka qaar ay la il daran yihiin xanuunno ka dhashay nafaqa darrada haysata.

Dadka kasoo hayaamay dhulka miyiga ee ay abaartu ka laysay xoolihii ay dhaqanayeen ayuu sheegay guddoomiyuhu inay qaarkood 12 cisho soo lugeynayeen, iyagoo nolol usoo raadsanaya magaalooyinka ay ugu horreysa Gaalkacyo iyo degaannada ku xeeran, kuwaasoo qaarkood ku biiray xeryaha barakacayaasha, halka qaar kalena ay dul-saar ku yihiin eheladooda.

Maamulka Galmudug ayaa wada dedaallo biyo dhaamis loogu samaynayo dadka ay saamaysay abaarta ba’an ee ka jirta degaannada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisulwasaare Rooble oo ku wajahan dalka Jabuuti

Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Jabuuti.

Safarka Ra’iisulwasaaraha dalka ayuu ujeedkiisu yahay inuu soo xiro kulan dood cilmiyeed ah oo maalmahan uga socday magaalada Jabuuti aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo xubno ka mid ah Ururrada bulshada, kaasoo uu soo qabanqaabiyay maxadka cilmi-baarista Heritage.

Dood-cilmiyeedka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay xaaladaha haatan taagan qaar ka mid ah waddamada bariga Afrika iyo sida loo wajihi karo, iyadoo la dabbaqayo waxyaabihii ay Soomaaliya ka baratay dagaalladii sokeeye iyo burburkii uu dalku soo maray.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ku aaddan marxaladahi ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha haatan ka jira qaar ka mid ah dalalka gobolka.