Ra’iisul wasaare Rooble oo soo xiray Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo xiray Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage oo lagu qabtay dalka Djibouti taas oo sanadkan looga doodayay xasaradaha Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Wefdi uu hoggaaminaayo oo xalay gaaray Djibouti, ayaa khudbad ka jeediyey mdasha ka hor inta uusan soo xirin maanta. Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkaan lagu qabtay Dalka Djibouti.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle oo shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda goboleddka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha xukuumada Dowladda Hirshabeelle.Madaxweynaha ayaa shirka golaha wasiirada golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Golaha Xukuumadda ayaa intaa kadib cod gacantaaga ku ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2021/22 oo Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay usoo gudbisay golaha xukuumadda

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay in maamulka u isticmaalidoono account xisaabeed uga furan wasaarada maaliyada, wasaaradii aan lahayna ay furato iyo in Wasaaradaha ay isticmaalaan Email-ka Officialka ee maamulka Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ka dooday bixinta kaararka aqoonsiga Wasaaradaha iyo guud ahaan maamulka, iyadoo goluhu isla qaateen in sanadka cusub ay soo saari doonto karaar mideysan oo laga bixin doono Madaxtooyada Hirshabeelle.

Ugu dambeyn madbacadaha kaararka aqoonsiga daabaca waxaa looga digay inaysan sameyn kaarar aan sharci ahayn cidii lagu helana laga qaado talaabo harciga waafaqsa.

Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub dowladda Norwey u soo magacowday Soomaaliya

Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Abukaate Xirsi Xaaji Culusow, ayaa oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Norwey ay u soo magacowday Soomaaliya Mudane Gunner Andreas.

Agaasimaha oo Danjiraha Cusub la wadaagay hambalyo ku aaddan mas’uuliyaddan loo igmaday, ayaa u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay Danjire Andreas ku soo dhoweynaso in uu ka mid noqdo bahda  diblomaasiyiinta ka hawl gala Dalkeenna. Dhankiisa Danjire Gunner Andreas ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay Soomaaliya.

 

 

Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Kismaanyo ee Caasimada ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Xubnaha labada golle iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Kismaanyo ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdule ee Magaalada Kismayo.

 

Guddiga xalinta khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray kursiga HOP 067

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa Go’aan ka gaaray maanta oo ay taariikhdu tahey 15/12/2021 dacwada kursi HOP 067 oo 25-kii Bishii la soo dhaafay ee November lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb,kaas oo uu kusoo baxay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Fareey.

Qoraalka Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shegay in doorashada kursigaasi loo Maray Habraacyadii Loo Dajiyay Doorashooyinka waxana Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal  Lagu wargaliyay Ku dhawaaqista Natiijada Kursigaas.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Djibouti ayaa la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda  Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska  Soomaaliya.

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay kala duwanaanshaha labada Feyrus ee Coronavirus iyo Omicron

Omicron ayaa markii ugu horaysay waxaa laga helay dalka Koonfur Afrika bishii November iyadoo ay taas shaca ka qaadeen saynisyahanno ku sugnaa dalkaasi ay sheegeen ka dib baritaano hordhaca ah oo ay sameyeen ay ku ogaadeen in u jiro xanuun cusub si degdeg ah ku faafayo.

“Toddobaatan iyo toddoba dal  ayaa laga soo sheegay in laga diwaan galiyay kiisaas cusub oo xanuunka Omicron, waxaa laga cabsi qaba inay jiri karaan  dalal aan wali baaritan rasmi ah laga sameyn oo laga yaabo in u xanuunku soo gaaray,” waxaa sida warbaahinta usheegay madax WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus mar u war baahinta kula hadlay Geneva Talaadadii.

Tan iyo markii la shaciyay Omicron ayaa caalamka waxaa ka bilowday walwal laga qabo xanuunkan in u la mid noqon karo Covid-19 oo caalamka ay surtagal ka noqon karto markale iyo xanibad lagu soo rogo isku socodka caalamka,iyado islaa markiiba lagu soo rogay xannibada dalal dhowr ah oo ay ka mid tahya dalka Koonfur Afrika oo u ka soo bilowday Omircon.

Madax WHO ayaa sheegay in hay’addah Qarmada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ay si degdeg ah u tageerayaan qaadashada tallaalkii hore ee looga hortagay Covid-19 iyadoo looga goleyahya ka hortaga xanuunka loo xoojin lahaa si ay u fududato in loo helo tallaal u gaar ah Microm tallaalkan si caddaalada ah loo gaarsiiyo dalalka xanuunka u sida deg deg ah ugu faafayo.

Wuxuu xusaya madax WHO in ay 41 wadan aysan wali awoodin inay tallaalan 10% usan tallaalka gaarin

Taliyaha Ciidamada Xoogga oo la wareegay Agab loogu tala galay Ciidanka xoogga ee ka howlgallo Magaalada Beledwene

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage iyo sarakiil u hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baladweyn kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baladweyn

Ujeedka safarka Taliye Odawaa ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii Saraakiisha Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad uu kala hadli lahaa la dagaalanka Maleeshiyada Al-Shabaab oo maalmihii an soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa sidokale munasabad lagu qabatay Beledwene kula wareegay gaadiid iyo Agab kale oo loogu tala galay ciidanka xoogga ee ka howlgallo Magaalada Beledwen ee xarunta Gobolka Hiiraan,gaar ahan qaybta 27-aad

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Koonfur Afrika

Allaha u naxariistee Waxaa shil gaari ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray  Maxamuud Cabdullahi Kulane, oo ku magac dheeraa (Madaxeey),  kaasi oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee ka xoogsada dalkaasi Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee (Madaxeey),  ayaa u geeriyooday Shil gaari Truck ah oo isaga uu Darawal ka ahaa, kaasi oo ka dhacay Gobolka Mpumalanga ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo kamid ahaa Dhallinyarada fir fircoon ee ku nool magaalada Johannesburg, ayaa ilaa iyo haatan aanay Boolisku sheegin waxa sababay Shilkaasi

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad ugu badan shilalka Gawaarida, waxaana inta badan geli jiray dadka u dhashay dalkaas, iyada oo ay aad u yareyd shilalka ay galaan Wadayaasha Soomaalida ah

Wareegga 8 dhamaadka tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka oo la sameeyay “SAWIRRO

-Tartanka kubadda Cagta degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2021 oo si habsami leh uga socdo Muqdisho ayaa waxaa la soo gabo gabeeyay wareegga group-yada.

Xulka Degmada Dharkeenleey ayaa 2-0 uga badisay dhigooda Degmada Howlwadaag halka Degamda Shibis ay 9-1 uga badisay dhigooda Degmada Wadajir.

Group D: waxaa kaalinta koowaad kusoo baxday Degmada Shibis oo faraqa goolasha uga wanaagsanayd degmada Dharkeenleey oo 2-aad kusoo baxday.

Kala sarreynta Group D.
1- Shibis 4 kulan 9 dhibcood
2- Dharkeenleey 4 kulan 9 dhibcood
3- Howladaag 4 kulan 6 dhibcood
4- Wadajir 4 kulan 4 dhibcood
5- Waaberi 4 kulan 1 dhibic.
waxaa maanta lasoo gebogabeeyay wareegga group-yada ee tartanka
Jadwalka wareega 8da

Khamiis: 16/12/2021 Shingaani vs Xamar Jajab.

Jimco 17 /12/2021: Deyniile vs Dharkeenleey

Sabti 18/12/2021 Kaaraan vs Warta Nabadda

Axad 19/12/2021 Shibis vs Yaaqshiid

Dhammaan kulamada waxay ka dhici doonaan garoonka Injineer Yariisow.