Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhiggiisa Liibiya oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhiggiisa Liibiya ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya dalalkooda kulan ka dhacay magaalada Rome, sida ay ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Luigi Di Maio Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga iyo Najla Al-Mangoush wasiirka arrimaha dibedda Liibiya ayaa ka wada xaajooday xiriirka laba geesoodka ah waxayna muujiyeen rabitaankooda ah inay sii wadaan xoojinta iskaashiga, iyagoo dib u eegis ku samayn doona dhinacyada ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dhinac, oo ay ka mid tahay iskaashiga dhanka socdaalka.

Di Maio wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga ayaa ku celceliyay sida ay Talyaaniga uga go’an tahay xasilinta dalka Liibiya, waxa uuna tilmaamay muhiimada ay leedahay in lasoo gaba gabeeyo hanaanka doorashada iyo sidoo kale ka bixitaanka dhamaan dagaalyahanada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha.

Wuxuu kula taliyay dhammaan dhinacyada Liibiya inay xaqiijiyaan wada-shaqeyn wax ku ool ah oo ay la yeeshaan Stephanie Williams, ku-xigeenka madaxa cusub ee Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).

Liibiya ayaa isku diyaarinaysa in ay qabsoonto doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka 24-ka December sida ku cad heshiis ay Qaramada Midoobay ay garwadeenka ka tahay oo ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda Liibiya shirar ay ku yeesheen Tunisia sannadkii hore,iyadoo Dadka Liibiya ay rajeynayaan in doorashada soo socota ay ka qeyb qaadan doonto soo afjarida colaadaha hubeysan oo sanado badan ragaadiyay dalka qaniga ku ah Saliida.

Liibiya ayaa waxaa hareeyay dagaallo sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Israa’iil oo duqeymo ka geysatay Suuriya

Wakaaladda wararka ee dalka Suuriya SANA oo soo xiganaysa ilo milateri ayaa sheegtay in ciidanka difaaca circa ay ka hortageen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil la beegsatay aagga koonfureed ee dalka waxaana lagu dilay hal Askari.

Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayay Millatariga Israa’iil la beegsadeen Koofurta buuraleyda Golan oo ay ka dhow yihiin goobo muhiim ah, halkaas oo ah meel si weyn loo ilaaliyo sida ay sheegtay dowladda Suuriya.

Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya sannadkii 2011 Israa’iil waxay qaadday boqollaal duqaymo ah oo ay ku bartilmaameedsanayso goobaha ay dawladdu ka taliso.

La wadaag cid kale

Madaxweynaha Ukraine oo midowga Yurub ugu baaqay in ay cuno qabatayn kusoo rogaan dalka Ruushka

Madaxweynaha Ukraine ayaa ugu baaqay Midowga Yurub Arbacadii inay si deg deg ah ugu soo rogaan Ruushka cunaqabatayn cusub, isaga oo ka digay in ficilada la qaado ka dib khilaaf kasta uu noqon doono mid soo daahay.

“Waxaan leenahay dagaal socday siddeed sano, waxaan fahamsanahay in cunaqabateyntu ay noqon doonto oo keliya habka looga hortagayo kororka haddii la fuliyo ka hor iska horimaad hubeysan,” ayuu yiri.

Volodymyr Zelensky oo saxaafadda la hadlay ka dib shirkii 6-aad ee iskaashiga bariga ee Brussels ayaa sheegay in Kyiv ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la gasho Moscow si loo qaboojiyo xiisadda,Zelensky ayaa xusay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan dooneynin inuu soo fariisto miiska wadahadalka ilaa hadda.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa marar badan walaac ka muujiyay ciidamada Ruushka oo si aan caadi ahayn ugu uruuray xadka Ukraine tan iyo bishii hore iyo in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto haddii Ruushka uu mar kale weeraro Ukraine.

Dhinaca kale Zelensky ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg maanta  magaalada Brussels.

 

Beeraleyda Shabeellada dhexe oo ka cabanaya maan-dooriyaha Xashiishka

Xoghayaha Iskaashatooyinka Beeraleyda gobolka Shabeellada dhexe, Cabdiqani Sheekh Maxamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan maandooriyaha Xashiishka oo lagu beeray dhulkii ay dalaga ku beeran lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in meelaha Xashiishka lagu beero ay yihiin qaar kamid ah tuulooyinka hoos taga degmooyinka Balcad iyo Jowhar, isagoo intaas ku daray in iskaashatooyinka beeraha aysan raali ka aheyd beeridda Xashiishka.

“Xashiishka maadaama uu maandooriye yahay haddana ciidda ayuu nabaad guuriyaa, haddii hal fasal lagu beero Xashiishka, ciidda waxay u baahan tahay in la godo ilaa hal mitir is mar kale wax loogu beero,” ayuu yiri Cabdiqani.

Waydiin aheyd, baaxadda dhulka lagu beero geedka Xashiishka ayuu Cabdiqani kaga jawaabay in aysan jirin dhul balaaran oo lagu beero geedkan waxa keliya  ay ka faa’ideystaan ayaa ah beer qofkii lahaa dhintay  iyo qaar kale oo lacago badan ku kireystaan, sida uu sheegay xoghayaha.

Si kastaba, xoghaye Cabdiqani ayaa tilmaamay in geedka Xashiishka lagu beero gobolka Shabeelaha Dhexe ilaa 2004, isla markaana maamuladii kala dambeeyay ee gobolka soo maray dagaal adag la galeen sidii loo cirib tiri lahaa Xashiishka.

Afhayeenka Gudiyadda doorashooyinka oo ka warbixiyey halka ay marayso doorashada dalku

Afhayeenka Gudidda doorashooyinka Amb Axmed Safiina oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada Dalku,isagoo xusay in ay hadda meel wanaagsan marayso inkastoo uu xusay in caqabado soo wajaheen hore u socodka doorashada Golaha shacabka.

Amb Safiina ayaa xusay in hore Doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda muqdisho lagu qabanayey doorashadooda,sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa iyaguna qabtay dhankooda, iyadoo haddana ay kusoo biireen labada maamul ee Jubaland iyo Puntland oo hadda bilaabaya kuraastii ugu horaysay ee doorashada Golaha shacabka ee laga soo doorto labadaas maamul.

Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale Gudidda doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono Gobolka Banaadir maalmaha inagu soo aadan.

AMISOM oo tababar usoo xirtay Askar ka tirsan Ciidanka xoogga

18 ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loo soo gebagebeeyey tababar socday muddo 5 maalmood ah, si kor loogu qaado aqoonta ay u leeyihiin Shuruucda Caalamiga ah ee dhanka Bani’aadminimada.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay waaxda Ilaalinta xuquuqul Insaanka iyo qeybta Jinsiga ee AMISOM) ayaa sidoo kale lagu baranayay sharciyada la xiriira Xuquuqul Insaanka ee habka caalamiga ah waafaqsan.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo gaba gabadii tababarka ka hadlay ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha in ay ku dhaqmaan waxyaabihii ay barteen, islamarkaana ay la wadaagaan aqoonta saaxiibadood, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxa taageerada howlgalka AMISOM Maj. Gen. Fidza Dludlu, ayaa isaguna ka ku boorriyay Askartii tababarka qaadatay inay ku dhaqmaan lana wadaagaan bulshada Soomaaliyeed.

WARGEYSKA DALKA OO WAREYSI LA YEESHAY HAY’ADDA MADAXA BANNAAN EE LA DAGAALLANKA MUSUQ MAASUQA (WARBIXIN)

Wargeyska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa wuxuu Wareysi gaar ah la yeeshay Guddoomiye Ku-xigeenkaGuddiga Madaxa bannaan ee la dagaallanka MusuqMaasuqa JFS, Mudane  Dr. Hassan Khaliif Hassan oo wareysigan dhinacyo badan taabanayay  siiyay ayaa waxa la weeydiiyey  Su’aalaha la  badan oo la xidhiidho  shaqada  gudiga madax banaan ee ladagaalanka Musuqmaasuqa, guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxa uu kubilaabay  wareeysigiisii aynu la yeelanay, sida soosocota islamarkaana  sifiican u faahfaahiyay howlaha uu qabto Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka MusuqMaasuqa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inta uusan ku soo wareegin Hay’adda la dagaallanka MusuqMaasuqa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo ArrimahaDiinta oo uu ka soo noqday La Taliye, muddo sadex sano iyo bar ah, haatanna uu yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga la dagaallanka Musuq Maasuqa.

Gudoomiyaha ku-xigeenka ayaa Sidoo kale sheegay in uu Guddiga uu soomaray heerar kala duwan tan ugu horeyso ayaa waxa ay ahayd in Sharuucda Guddiga la dhiso, sabaabtoo ah hadda ka hor ma jirin hay’ad madax bannaan oo la sameeyay tan ka hor, maadaama ay dowladda go’aansatay in la sameeyo hay’ad madax bannaan waxaalaga soo billaabay dhisidda shuruucdeeda, taasoo ka soo billaabatay Wasaaradda Caddaaladda, Shuruucda markii la dhameystirayna waxaa la soomariyay GolahaWasiirrada, Sidoo kale Golaha Baarlamaanka Labadiisa gole ayaa saxiixay, ka dibna Madaxweyna JFS ayaaWareegto ku soo saaray, ka dibana faafinta rasmiga ah ayaa loo soo bandhigay.

Guddoomiyaha oo ku soo socda ayaa  sheegay in xubnaha guddiga ay ka goobanyihiin sagaal xubnood, waxaana lagu soo xulay xubnaha Guddiga nidaamka afar dhibac shan (4.5) waana la dhaariyay.

Guddoomiyeku-xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in Guddigan la dagaallankaMusuqMaasuqa uu yahay mid Dastuuri ah oo siyaasadda ka madax bannaan, hadii  ay tahay fulinta, sharcidejinta, caddaaladda, waa hey’ad gooni ah oo dalladda assareh oo stagta laakiin shaqadeeda si dhameystiran ugudato una gudan doonta.

Mar wax laga weydiiyay xafladdii Sagaalka December ee hay’adda, wuxuu sheegay Guddoomiye kuxigeenku in maalintaas ay tahay maalin Caalami ah oo loo asteeyay la dagaalanka  Musuq-Maasuqa, ama laguna soo bandhigo sanad kasta waxa u qabsoomay hay’addaha ladagaalanka musuq-maasuqa,Waxaan markii ugu horreysay ka mid noqonnay Sharuucda Caalamiga, waxaan ka mid noqonnay ururrada Caalamiga ee ladagaalanka musuqa Aduunka, sidoo kale ayaa waxaan ka mid noqonnay Ururka la yiraahdo Unkokoo ka tirsan qeybta u qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa Qarammada midoobay oo ay kumideysanyihiin 188 dowladood, waxaana markii ugu horreysay qeybgalnay shirkii ka dhacay sharma sheikh ee Dalka Masar, sidoo kalena waxaan member ka noqonnay Afrikan Union oo ah urur ay leeyihiin oo lagula dagaallamo MusuqMaasuqa. Sidoo kalena Geeska, Bariga iyo Bartamaha Afrika, ururka jira ayaan xubin ka noqonnay, sidoo kale waxaan xubin ka noqonnay Arab league oo ah urur ay jaamacadda carabtu leedahay.

Inta uusan wareeysiga soo xirmin ayaa waxaa wax laga weeydiiyay, Xidhiidhka ay la leeyihiin Bulshada rayidka ah? Wuxuu sheegay kusimaha guddoomiyaha islamarkaana ah guddoomiye kuxigeenka hay’adda in ay bulshada la leeyihiin xidhiidh wanaagsan wadashaqeynna  kala dhaxeyso, islamarkaana waxa uu fariin umarsiiyay wareeysigaan gaarka ah Bulshada oo uu yiri; qof kasta oo soomaaliyeed oo arka wax musuqmaasuq ah in uu la soo xidhiidho hay’adda, iyada oo ay jiraan Emailo-loogu talagalay inay kala soo xidhiidhaan hay’adda, iyada oo aan la ogaanin cidda warkani siisay ama nasoo gaarsiisay.

Ugu danbeeeyntii wareeysigaan ayaa  kusimaha guddoomiyaha hay’adda waxaa lagu weydiiyay waxa uga qorsheysan musuq-maasuqa hada iyo goor ay kamidtahay Wadamada kaalmaha hore kagalo?.

Wuxuuna arrinkaa ka yiri kusimaha guddoomiyaha, marka ugu horreysa waxaan farayaa qofkasa oo soomaaliyeed in uu ilaahey ka cabsaado waayo waa muslim, marka labaadna waxaa la farayaa hantida uu mas’uulka ka yahay inuu ilaaliyo, midda ugu danbaysana,waa ay dhammaatay xilligii aan jirin cid loo cawdo, hadda waxaajirta hay’ad madax bannaan oo la dagaallanta musuqmaasuqa, cidkasta oo wax tabaneysa ama dhib loo geystay dabagelidoonta oo caddaaladda waafajindoonta.

Gudoomiya ku xigeenka oo sii wata hadalkiisa,ayaa yiri  haddii aan raacno sharuucda dalka u degsan waxaan rajeynayaa inaan ka soo bixi doonno liiska madow ee aan dunida kaga jirno, wuxuuna rajeyay in sanadaha danbe ee soo socdana ay wax weyn isbeddeli doonaan, wuxuu intaas ku daray in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad jecel inay kuraacaan oo kuna dhaqmaan sharuucda haddii ay helaan cidku hagto, annagana waxaan diyaar u nahay inaan sharuucdaan dadka ku ilaalino, kana wacyi gelinno Bulshada soomaaliyeed dhibaatada musuqmaasuqa uu leeyahay, ugudambeyntiina wuxuu rajeeyay in kaalin fiican ay ka gelidoonaan dunida sannadaha soosocda la dagaallanka musuqmaasuqa.

WQ: WargeyskaDalka

 

 

 

 

Wasiir Dubbe “Waa lagama maarmaan xorriyadda hadalka iyo xurmeynta Saxafiga”

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xorriyadda hadalka iyo helitaanka xogta inta lagu gudo jiro doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay xorriyadda hadalka, helitaanka macluumaadka iyo xurmeynta saxafiga.

Kulanka oo looga hadlayay damaanad qaadida helitaanka xogta iyo xorriyadda hadalka inta ay socdaan doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka warfaafinta, taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaalka.

Ururradda warbaahinta madaxa bannaan ee ku midoobay dalladda SIMHA, ayaa kullankaan soo agaasimahay, waxaana goob joog ahaa guddoomiyaha Ururka SIMHA, Xasan Cali Geeseey, agaasimaha Mustaqbal Media Axmed Ciise Guutaale iyo madax ka socotay xafiiska qaramadda midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro iyo taliye ku xigeenka Booliiska Sakiya Xuseen, ayaa warbaahinta ku bogaadiyay shaqadda ay bulshadda u hayaan, waxaana au ugu baaqeen horumarinta wadda shaqeynta tabinta wararka doorashooyinka.

Guddiga doorashada gobollada waqooyi oo shaaciyey inay diiwaan galiyeen Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji

Guddiga maamulka Doorashadda gobollada waqooyi Somaliland ayaa shaaciyey inay diiwan galiyeen musharax xildhibaan Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u sharaxan kursiga sumadiisu tahay HOP#262, kadib markii ay soo buuxisay shuruudaha musharaxnimada.

Af-hayeenka guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Wakaaladda warar SONNA, u xaqiijiyey in si rasmi ah loo diiwan galiyey Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u tartameysa kursiga sumadiisu tahay HOP#262.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMEY DANJIREYAASHA DALALKA MASAR IYO NORWEY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Mudane Gunner Andreas .

Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Mudane Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda mahad celin ku aaddan soo dhoweynta  diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Dowladaha Masar iyo Norwey, isaga oo Madaxweynuhu la wadaagey Safiirrada guulaha la taaban karo iyo horumarrada ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dayn cafiska, la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.