Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeyb galay Shirka Wasiiradda Difaaca Dalalka Xubnaha ka ah Eastern Africa Standby Force

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ugu qeyb-galay Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda Shirka Wasiiradda Difaaca Dalalka Xubnaha ka ah Eastern Africa Standby Force.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa madasha ka Sheegay in DFS ay dadaal badan galisay Dib-u-dhiska Ciidanka XDS , qorshaha kala guurka Ciidanka iyo Hanaanka CXDS ay ula wareegi lahaayeen Amniga Guud Ee Soomaaliya, meel wanaagsanna uu marayo.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa waday qorshe Xooggan oo ku aadan Tayeynta ,Tababaridda iyo Qalabeynta CXDS , si loo cirib tiro argagixisadda.

Qorshaha Hannaanka Dhab-U-Heshisiinta ee heer DG oo Dhuusamareeb lagu soo gabo-gabeeyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaradda Arrimaha guddaha Galmudug ayaa maanta Dhuusamareeb kusoo gebagabeeyay Kulan ay ujeedadiisu aheyd Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Hannaanka Dhab-U-Heshisiinta ee heer Dowlad Goboleed loona qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug.

Muddo labo maalmood ah oo kulankani socday ayaa la isku weydaarsadey xogaha iyo baahiyaha hortibinta u leh Dowlad Goboleedka Galmudug arimaha Dib u heshiisinta iyo waxyaabaha loo dhaan yahay si loo sameeyo dhab u heshiisiin rasmi ah, iyadoo Mas’uuliyiinta Federaalka ee Dhuusamareeb ku sugan ay si gaar ah u ogaadeen sida ay u shaqeyso waaxda dhab u heshiisiinta ee wasaradda Arrimaha guddaha Galmudug sida uu ka mahad celiyay Saciid Madaale oo ah Madax-qaybeedka waaxda dib-u-heshiisiinta wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Cabdirahman Jabiin Faarax, Agaasimaha waaxda dib u heshesinta wasaaradda arrimaha Gudaha ee Federaalka oo kulankani soo xiray ayaa tilmaamey in la gaarey natiijo wax ku ool ah lana uruuriyey macluumaad lagu biirin doono Hannaanka Dhab-U-Heshisiinta ee heer Federaal.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga

MadaxweynahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

wakaaladda wararka ee SONNA.ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga ay ka wadahadleen xoojinta xiriirja labada dal iyo sida looga qeybqaadan karo horumarka baenaamijyada wax ku oolka ah ee loogu adeegayo labada shacab.

Madaxweynaha iyo wafdiga kale ee la socda waxay ka qeybgalayaan Shir Madaxeedka 3-aad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Magaalada Istanbuul

Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah oo matalay Turkiga iyo dalalka Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrinaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  Mudane Cabdullaahi Abokor Xaaji, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka beeraha, horumarinta arrimaha Bulshada iyo amniga.

Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika, iyaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalkeenna, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, waxaana fursadeheeda soojiidashada maalgashadeyaasha kor u qaadaya bardhaca juquraafiyadeed ee ay ku taallo, soo kabashada dhaqaale iyo amni ee dalkeenna, iyo khayraadka dihin ee ceegaaga badaha iyo berriga Soomaaliya.

Galmudud oo sheegtay in la joogo waqtigii wax loo qaban lahaa dadka ku barakacay abaaraha

Maamulka  Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa  sheegay  in  la gaaray   xiliggii  loo istaagi lahaa bad baadinta  nafta  bini aadamka marka loo eego halka ay marayaan abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka wasaarada warfaafinta  dhaqanka  iyo dalxiiska  Galmudug Axmed  shire Falagle oo  la hadlay warbaahinta qaranku xilli  u dib  ugu  soo laabtay  galkacyo  kadib  kormeer  xog  aruurinta  ah ayaa sheegay in dhibaatooyin xagga nolosha ah ay ka jiraan deegaano   dhaca  galbeedka  gobalka mudug .

Wasiirka ayaa sheegay in Hay’addaha  gar  gaarka  qaarkood  ay iyaguna  wadaan kormeero  ay  ku  sameeynayaan  deegaanada  gobalka  qaarkood kuwaas  oo u baahan  wax qabad dhab ah.

Wasiirka wasaarada warfaafinta  dhaqanka  iyo dalxiiska  Galmudug Axmed  shire Falagle waxa uu soo jeediyay  in  hay’addaha ay ka  shaqeeyaan  howlaha samafalka ee loogu adeegayo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Doorashada xildhibaanada Soomaaliland oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho

Guddiga Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee  Somaliland ayaa shaaciyay in maalinta barito ah ay qaban doonaan doorashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 & HOP#255.

Guddiga ayaa ku booriyay Goobjagayaasha iyo warbaahinta daneyneysa in ay xaadiraan dorashada oo ay isasoo diiwaangaliyaan illaa maanta.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka XFS oo ka warbixiyay abaaraha iyo sida loogu gurman karo dadka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Axmed Xuseen  Macalin oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay  socdaan gurmad biniaadanimo oo wax looga qabanaayo dhibaatooyinka ay la yimaadeen abaaraha ee ku dhuftay inta badan dadka ku dhaqan gobolada dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa qiray in in la soo gabagabeeya kulamo looga arrinsanaayey sidii gobolada la ildaran abaaraha looga sameyn lahaa xarumo laga maamulo deeqaha biniaadanimo ee la siinayo dadka soo barakacay.

Mudane Axmed Xuseen  ayaa sheegay in dowladdu ay dhinacooda diyaariyeen  lacago kaalmo ah oo loogu talagalay in ay  qeyb ka noqdaan gurmadka loo sameynaayo qoysaska ku barakacay abaaraha ,wuxuuna intaa raaciyay in lacagahaasi loo qoondeeyay sida ay u kala daran yihiin gobolada dalka.

Mas’uulkaasi, waxa uu xusay in heyadaha samofalka laga sugaayo kaalmooyin biniaaanimo oo wax u tara dad ka badan 4-milyan,”iyadoo sidoo kale la filayo in ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeybgalaan howsha gurmadka ee loogu adeegayo daka la ildaran abaaraha ayuu yiri.

Wasir ku xigeenka Caafimaadka XFS Axmed Xuseen   Macalin,waxa uu u mahadceliyay qeybaha bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka,isagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolada dalka in la joojiyo jarista dhirta oo badanaa saameyn ku leh abaaraha.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda Xarumaha Maamulka Gobolka iyo kan degmada Jowhar waxa uuna kulan la qaatay Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar isagoo faray in la dardargaliyo u shaqeynta bulshada.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa sii wata ayaa gaaray xarumaha Wasaaradaha Beeraha Howlaha Guud, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha,isagoo mid mid u booqday xafiisyada iyo sida ay shaqeeyaan waxa uuna la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada wasaaradaha waxa uuna kula dardaarmay inay laba laabaan shaqooyinka adag ee bulshada u hayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda wasaaradaha uu maanta booday isagoo ku dhiirigaliyay Wasiirada Wasaaradaha uu maanta booday inay dardargaliyaan shaqooyinka Hirshabeelle

       

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAYA MADASHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, taas oo ay tilmaam u tahay in Caasimadda Muqdisho laga hirgeliyey dhismaha Safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka.

Wasaaradda Warfaafinta iyo Safaaradda Talyaaniga oo Heshiis kala saxiixday

Wasiirka wasaaradda  warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe iyo safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaliya AlBERTO  FIYEKI, aya manta kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo radio muqdisho,sido kale waxa heshiiskan qayb ka ah in horaanta sanadka cusub radio muqdisho dib looga bilaabi doono luuqada Talyaaniga oo kamid ah luqadihi xiliyadii hore ka bixi jiray radio muqdisho

Kulanka heshiiska dhinacyada ay ku kala saxiixanayayeen oo ka dhacay xarunta wasaarada warfaafinta aya waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah Agasimayasha waxyaha wasaarada warfafinta

Agasimaha Guud ee Wasaarada warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullahi  xayir ducaale aya kulanka kadib ka warbixiyay heshiiskan ay wasaarada warfaafinta iyo safiirka Talyaniga kala saxiideen maanta, Agaasimaha ayaa xusay in heshiiskani yahay mid kor u qaadaya xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaliya iyo Talyaaniga