MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA

Istanbuul, Diseembar 18, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa’iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

“Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah, sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen.”
Madaxweynaha oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa’iido labo dhinacle ah.

“Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah.”

Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.
DHAMMAAD

Ra’iisul wasaare Rooble oo u ambabaxay Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed halkaas oo uu kaga qeyb gali doono munaasabadda sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxda, Waxgaradka iyo Bulshada ku nool magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii  ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo.

Xubnaha xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay in ay ku milmeen siyaasadda  isla-markaana ay baal mareen xeerka anshaxa doorashada.

 

Guddoomiye Cirro oo ka warbixiyay muhiimadda kulankii ay wada yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal Maxamed  Xasan Cirro oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulankii fogaan aragga ahaa ee xalay ay wada yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in kulanka xoogga lagu saaray sidii doorashooyinka loo dardar gelin lahaa iyo caqabadaha ku horgudban in doorashada waqtigeeda ku qabsoonto.

“Kulanka wuxuu xoogga saarayay sidii doorashooyinka loo dardar gelin, lahaa, is-xog-wareysi iyo waxyaabaha in doorashada waqtigeeda ku qabsoonto caqabadda ku ah, wixii la soo maray iyo hadda meesha loo socdo,” ayuu yiri guddomiye cirro.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in kulanka looga dhageystay warbixin ku aadan dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in muhiimaddu ay tahay sidii doorashada u yeelan lahayd waqti cayiman oo lagu dhammeystiro karo.

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

Johnson iyo Xisbigiisa oo guuldarro kala kulmay doorashooyinkii Baarlamaanka.

Xisbiga Conservative-ka Britain, ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Boris Johnson, ayaa guuldarro culus kala kulmay doorashadii ku celiska ahayd ee golaha sharci dejinta, oo Khamiistii ka dhacday UK, taas oo  la sheegay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyay guud ahaanba mid ka mid ah Codadka goobihii doorashada, sida lagu muujiyay natiijooyinkii la soo saaray Jimcihii.

Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujiyay in musharaxa xisbiga Liberal Democrats, Helen Morgan, ay ka heshay gobolka North Shropshire codad gaaraya ​​6,000 oo cod, waxayna sida muuqato ka adkaatay musharaxii u tartamayay xisbiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Johnson.

Doorashooyinkii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay  inta badan deegaanada England ayaa u muuqda in looga gacan sareeyo Xisbiga Conservative-ka.

Arrinkan ayaa imanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Uk, la sheegay in ay ku guul dareysteen inay soo rogaan xannibaado cusub oo lagula dagaallamayo Covid.

Wasiir Falagle ” Abaar iyo nafaqo daro ayaa ka jirta deegaanka Qeydarre,”

Deegaano badan ayey abaar ka jirtaa, kuwaasi oo sababay inay dad badan ku xoolo waayaaan, waxaana deegaanada hadda sida weyn ay abaartu u saameysay ka mid ah Galmudug.

Abaartaas inta ay la eg tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaanka Qeydarre, ayaa waxaa ka waramay wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed shire falagle.

“ Waxaanu soo aragnay oo dul joognaa dad da’ walba leh oo nafaqo daro iyo oon u daadsan oo carabkii tagay oo aan xannuuna qabin,” ayuu yiri Wasiir Falagle oo warbaahinta kula hadlayay deegaanka Qeydarre oo ay ka jirto xaalad bini-adanimo oo aad u daran.

Wasiir Falagle oo hadalka sii wata ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay baartu saameysay ee ku dhaqan deeganadaas uu kormeerku ku sameeyay oo ay ka mid tahay Qeydarre.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ee iyagu ka gaabiyay wax u qabashada dadka ay abaartu daran saameysay.

Deegaanka Qeydarre ayaa ilaa 200-km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay rag ka ganacsanayay Khamri

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen magaalada Garowe waxay ku soo qabteen khamri fara badan iyo mid ka mid ah raggii ka ganacsanayay

Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal, ayaa sheegay in khamrigan oo gaaraya 60 dhalo, gaarigii siday iyo Raggii watay mid kamid ah, lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay xaafadaha magaalada Garoowe ee caasimada Dowlad gobaleedka Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud,  ayaa u mahadceliyay ciidammada howlgalada sameeyay ee gacanta ku soo dhigay maan-dooriyaha.

Waxaa uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay ka ganacsiga walxaha maanka dooriya, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada lagula dagaalamaya waxyaabaha Maanka dooriya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka .

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur kuwaas oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay dhigiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya muda Cabdullaahi Abukar Haji ayaa la kulmay Dhigiisa Wasiirka Waxbarashadda Turkey Hon.Muhmut Ozer, kaasi oo ay ka wada hadlay xariirka Waxbarasho ee labada wadan, Sare-u-qaadista iskaashiga Waxbarashada iyo Cilmi baarista.

Wasiirka Waxbarashadda mudane Cabdullaahi Carab oo ka qeyb gelaya shirka iskaashiga ee Africa iyo Turkey, ayaa warbixin ka siiyay dhigiisa Turkey xaalada guud ee Waxbrashada Soomaaliya, baahiyaha ka jira, xariirka Turkey ee horumarinta Waxbrashadda iyo guud ahaan dadaalada ay dowlada Federaalka ugu jirto horumarinta Waxbrashada Soomaaliya, si ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen tartanka loogu jiro aqoonta iyo Waxbarashadda.

Kulanka labada Wasiir ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa ayada ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dalka Turkey iyo Mas’uuliyiinta Waxbarashada u qaabilsan Safaaradda Soomaaliya ee Istanbul.

Ciidanka Booliska oo caawa gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana gacanta lagu dhigay ragii waday, kuwaas oo caawa xabsiga loo taxaabay.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey’adaha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.