Kumaandooska Danab oo Hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubada Hoose

Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee XDS ayaa Hawlgal Qorsheysan waxay Ka fuliyeen deegaanada kala ah Mayoondo Dheey, Cabdi Maroodi, Kuboow iyo  Dheey Oobo oo dhamantood hoostaga Gobolka Jubada Hoose.

Ujeedka Hawlgalkaan ayaa ahaa Burburinta Goobo Cadowga Argagixisada alshabaab ay kaga Dhumaalaysan Jireen Deegaanadaas,iyagoona halka ku dhibatayn jiray Dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Kumaandooska Danab XDS ayaa Ciidan u tobobar baacsiga Argagixisada Alshabaab iyagoona goob kasta oo ay ku dhuuntan kala soo baxaya haraadiga Argagixisada Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamku ka yeesheen Xaaladda Afgaanistaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Islamabaad ee dalka Baakistaan kaga qayb galay, Meertada 17-aad ee Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan, isaga oo Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Dalkaas.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo gaaray Sacuudiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Sacuudiga, Mas’uuliyiinta ka tirsan Dawladda Sacuudiga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga, Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Riyadh ee King Khalid.

Ujeeddada socdaalka wasiirka ee Dalka Sacuudiga ayaa la xiriirta ka qaybgalka shirka heerka Wasiirro ee Jaamacadda Carabta, oo Riyadh uga furmaya wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waddamada Jaamacadda Carabta. Saddex maalin oo shirka uu soconayo waxaa looga hadli doonaa Horumarinta Bulshada iyo saamaynta COVID-19.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ka qaybgalaya shirka.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya jordan

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Dalka Jordan uga qeyb galaya Kalfadhiga afaraad ee Madasha Wasiirada Carabta ee Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka, (AMFHUD) oo ka furmay caasimadda Jordan ee Cammaan.

Kal-fadhi oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga doodi doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee Carabta ee dhinaca guryeynta iyo horumarinta magaalooyinka, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jirto Barnaamijka Dejinta Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ka hadlay kulanka ayaa sheeegay in muddooyinkii Wuxuuna xusay inay ka Dowlad ahaan dadaal ugu jiraan sidii dhismayaal casri ah dalka looga hergalin lahaa, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada Asaasiga ah.

Ugu dabeyntii, Wasiirka ayaa u mahadceliayay dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ee ka soo qeybgalay shirweynahan iyo Bankiga Horumarinta Islaamka oo ku amaanay doorkiisa ku aadan maalgelinta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin fir fircoon ka tahay.

Doorashada afar kursi oo golaha shacabka ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho

 Doorashada afar kursi oo kamid ah golaha shacabka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi, Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar iyo xildhibaan C/llaahi Cusmaan Ducaale Sugulle.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u faray guddiga maamulka Doorashada Somaliland in ay dardar geliyaan qabashada kuraasta doorashooyinka iyo sida laga maarmaanka u tahay hufnaanta doorashooyinka

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ku soo baxay doorashada golaha shacabka

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi ayaa mar kale ku soo baxay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP255 ee Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland, ka dib doorashado ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashada ayaa helay 58-cod.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland ayaa si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar oo markale dib loogu doortay golaha shacabka

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa mar kale ku soo baxay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP254 ee Golaha Shacabka ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland, kaas oo doorashadiisa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa waxaa la tartamayay musharax Aadan Axmednuur Haybe, wuxuuna ku soo baxay cod gacan taag ah ka dib, markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Bakistan

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Bakistan.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaladaas ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Bakistan, wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Islamabad uga qeyb galaya shirka 17-aad ee ururka iskaashiga islaamka (OIC), kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka islaamka ee ku midoobay ururkan.

Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Bakistan Marwo Khadiijo Maxamed Al-makhzoumi, ayaa sheegtay in wasiirka iyo wafdigiisa ay magaalada Islamabad u tageen ka qeyb galka shir beri furmaya, kaas oo looga hadlayo arrimaha dalka Afgaanistan iyo sidii loo caawin lahaa shacabka dalkaas.

Ciidamada Kumaandooska Danab oo fuliyay howlgal ka dhan ah argagixisada+Sawirro

Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyo ka tirsan argagixisada.

Deegaanada ciidamada sida gaarka ah howlgalka ay kaga fuliyeen waxaa ka mid ah Basro Daniga,Baalow, Buulo Xaanshooleey iyo Garas Weyne, waxaana ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta Fariisimo ay argagixisada ku lahaayeen deegaanadaas.

Sidoo kale, Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa deegaanada la weeraray ku lahaa goobo ay gambaad ka dhigtaan iyo rugo ay ku uruursan jireen lacagaha baadda ay sida qasabka ah shacabka masaakiinta kaga qaadi jireen.

Saraakiisha Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay ayna sii socon doonaan inta laga ciribtirayo nabad-diidka.

Abaaro iyo biyo la’aan saameeyay qeybo ka tirsan Hirshabeelle

Abaaro iyo biyo la’aan daran ayaa laga soo sheegayaa deegaano fara badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ugu baaqay in ay gurmad u fidiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

“ Waxaan ka codsanaa Beesha caalamka iyo Dowladda Federaal in ay gurmad deg deg ah sameeyaan oo biyo dhaamin iyo baad u raadiyaan dadka liita ee abaarta ay haleeshay,” ayuu yiri Mr. Dabageed.

Madaxweynaha ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in waqti adag lagu jiro,islamarkaana dadka gobolka Hiiraan ay aad u liitaan

Biyo la’aanta ka jirta deegaanada gobolka Hiirraan ayaa sababay in dad badan iyo xoolahoodu ay u hayaamaan degaanada hoos taga magaalada Baladweyne si ay baad iyo biyo u helaan.

Sidoo kale, Waxaa hoos u dhac laga dareemay biyaha wabiga Shabeelle, taas oo xaaladda sii adkeysay