Munaasabad lagu Xusay Sanad Guuradii 78-aad ee Aas aaskii Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo Dhuusamareeb lagu qabtay.

Munaasabad lagu maamusayo Sanad Guuradii 78-aad ee Aas aaskii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magalada Dhusamareb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmugu waxaana ka Qaybgalay Saraakiil Saraakiil Xigeen katitsan Ciidanaka Boliiska Soomaaliya kuwa oo halkaa ku soo bandhigay Dhoolatus kala Ciidan

Taliyaha Ciidanka Booliiska Qaybta Galmudug Gaashaanle Sare Qaliif Cabdulle Maalin ayaa Ciidamada u Diray Hambalyada Munaasabada sanad guuradii 78aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,iasgoona xusay in Booliisku yahay laf dhabarta Ciidamada Qalabka sida,

Maanta oo ay ku beegantahay 20- December waxa Guud ahaan dalka loga dabaal dagaa xuska Aaska aaska Ciidanka Booliika,waxana Muqisho iyo gobalada dalka qaar k socdo xafladu lagu weyneynayo maalintaan

Ciidanka Boliiska oo xabsiga dhigay rag shalay jir dil u geystay qaar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda Turkish Airlines xilli ay hawada ku jirtay.

Taliiska Ciidanka Booliiska Soomaaliaya ayaa ka warbixiyay shaqaaqo shalay ka dhacday gudaha diyaarda.Turkish Airline xili ay hawada jirtay taa oo dhaxmartay dhalinyaro soomaaliyeed iyo mid kamid Shaqaalaha diyaarada Turkish Airline

Afhayeenka Ciidanka Booliska soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Somaaliya ay gacanta ku hayaan Shan qof oo loo xiray jirdil ay u geeysteen Muwaadin Turki ah oo shaqalaha diyaarada katirsanaa kaa oo dhawac ka soo gaaray isku dhacaasi,isagoona xusay in ciidamada Booliiska ay baaritaano ku hayaan ragasi loo soo xiray falkaasi, waxa una gacan kahadlaksi yimid kadib markii shaqalaha diyaarada Turkish Airline iyo Rakaabka  diyaarada uu muran soo kala dhaxgalay taa oo sababtay in uu gacan ka hadal dhaco

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Dowlada Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya mudane Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar.
Madaxweynaha ayaa Dowlada Turkiga uga mahad celiyay jawaabta ilaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlada Jubaland ay u dirtay bulshada Caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubaland.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Amnig Gudaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Maxamed Nuur ayaa Qoraal u soo dhigay Bartiis Tweeter ugu hambalyeeyay ciidanka Booliiska soomaliyed oo maanta u dabbaaldagayo sanad guuradii 78aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

“Booliska Soomaaliyeed halkaan hambalyo uga dirayaa dhammaan Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Aliflayda iyo Dablayda Ciidanka, Caruurtooda iyo Xaasaskooda” Ayu yiri mr Cabdullaahi Maxamed Nuur

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

Shacabka dalka Chili oo doortay madaxweyne cusub

Xildhibaan ka tirsan garabka bidix oo caan ku noqday mudaharaadyadii looga horjeeday dowladda dalka Chili , ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha xiga ee dalkaasi.

Gabriel Boric ayaa helay codad gaaraya boqolkiiba 56, marka la barbar dhigo 44 boqolkiiba oo uu helay musharraxa muxaafidka ah, Jose Antonio Kast.

Boric oo ah 35-sano jire,ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara dalka Chile.

“Boric oo la hadlay dadka waxa uu u ballan qaaday in uu madaxweyne u noqon doono dhammaan dadka reer Chile, oo ay ku jiraan kuwa ka soo horjeeda aragtidiisa mustaqbalka Chile,

Madaxweynaha xilka ka degaya Sebastian Pinera ayaa qabtay shir muuqaal ah oo uu la yeeshay Boric si uu u siiyo taageerada buuxda ee dowladdiisa inta lagu jiro kala guurka saddexda bilood.

Xubno kamid ah (GHDHF) oo kulan looga hadlayay xaqiijinta qoondada haweenka ku qabtay baraawe

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo kaashanaya Dowlad goboleedka koonfur Galbeed ayaa baraawe kuqabtay barnaamij lagu xoojinaayo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% kuraasta Gollaha Shacabka BFS.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen maamulka Degmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka, waxa aad looga dooday caqabadaha ku hor gudban haweenka musharixiinta ah, iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa haweenka u tartamaya kuraasta Gollaha Shacabka.

Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.

Xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii gumeysigii Ingiriiska waxa uu aasaasay  ciidamo Somaaliyeed,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen askartii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada ka dhaca dhulka  baadiyaha ah ee ay sababaan beelaha.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkastoo ciidamo ka socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleen dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii waqtigaasi oo labada gobo ee woqooyi iyo konfur uu gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Mudadii Xoriyad gaarsiinta

 Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska.

Xilligii Xoriyadda (1960)

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqabadka Ciidanka Boliiska

 Ciidamada Boliiska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waajibaadka qaran ee ay u hayaan umadda waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,sidaa daraadeed,waxaa howlahooda ka mid ah 1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka.

 Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,20-ka Disember waa munaasabad qiimo leh oo ka tarjumeysa aasaaska ciidamada Boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,waxaana shacbiga Soomaaliyeed xilligaan ka muuqda sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Boolisku waa cududda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Xuquuqda SONNA-W/qoray Shiroos

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in uu gaabis ka jiro habka ay ku socoto arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ugu horeyn bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga,isagona sidokale Ra’iisul Wasaarahu soo hadal qaaday halka ay marayaan arrimha doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu gaabis wali uu ku jiro habka ay doorashooyinka u socdaan isagona ku baaqay in la dar-dargaliyo doorashooyinka waxa una faray xubnaha Maamul Goboleedyada in soo dadajiyaan doorashada sid dalka uu u helo isbadal,sidoakle waxa uu tilmaamay in hakad ku jiro dhaq- dhaqayadii ganacsiga iyo waliba  masharicdii lagu caawin jiray dalka gaabiska ka jira arrimaha doorashoouinka awgeed,waxa uu shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale hadalay Abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka waxa  uu sheegay in xaalad adag ay jirto,isagoona Guud ahaan Shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay Abaartu sameeysay.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY MADAXWEYNAHA GOLAHA MADAXTOOYADA LIIBIYA

Istanbuul- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaatay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Mudane Maxamed Yuunis Al-menfi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay Labada Dal uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u hambalyeeyay Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaldagayo sanada guurda 78-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay sanadkii 1943, isagoona u hambalyeeyay Sarreeyayaasha Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleeyda, Dableeyda iyo Xasaaskooda, waxa uuna u rajeeyay sanadkaan sanadkiisa Hormar iyo Baraare.