MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIR SOOMAALIYEED OO TAKHASUS KU QAADANAYA DALKA TURKIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ka tirsan Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista ee Erdogan Muqdisho, kuwaas oo takhasus sare ku qaadanaya isbitaallada dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo ardayda la wadaagay dardaaran guud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay fursaddan waxbarasho ee ay heleen, baahida caafimaad ee ka jirta dalka, dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la tacaallidda xanuunka COVID-19 iyo dib-u-habaynta adeegyadii caafimaad ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhakhaatiirta ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha aqoon kororsiga ah ee ay heleen, si ay mustaqbalka ugu anfacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, una daboolaan baahiyaha caafimaad ee ka jira Dalka.

“Baahi caafimaad oo weyn ayaa ka jirta dalkeenna, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay idinka sugayaan in aad dalka uga faa’iideysaan aqoontan aad barateen, iskana ilaalisaan waxyaabaha duufsada qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u soo aada dibadda oo uu tahriibku ka mid yahay.”

Dhankooda, dhakhaatiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad naqay soo dhowaynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu u fudiyey, iyaga oo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoonta iyo waayo aragnimada ay ka heleen dalkan.

La-taliyeyaasha madaxweynaha Ruushka iyo Mareykanka oo wada hadal khadka taleefanka ah yeeshay

La-taliyaha arrimaha dibadda ee madaxweynaha Ruushka Yury Ushakov iyo la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa ka wada hadlay soo jeedintii dhawaan Ruushka ee dammaanad qaadka amniga Ruushka, sida uu saxaafadda u sheegay Dmitry Peskov oo u hadlay Moscow.

Labada masuul ayaa isku raacay in la sii wado wadahadalka si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ugu baaqay NATO inay bilaabaan wadahadalo ujeedadoodu tahay in Ruushka la siiyo dammaanad amni oo la isku halleyn karo si sharci ahna loo fulinayo, iyo dammaanad amni oo mustaqbalka fog ah.

Hay’adda Bisha-Cas ee Qatar oo soo gabagabaysay howlo caafimaad oo ay ka wadday Soomaaliya

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Qatar oo kaashanaysa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa soo gebagebeysay howlo qallinno kala duwan ah oo ay ka wadday dalka Soomaaliya.

Mashruucan oo ahaa qalliinno xagga dhagaha, sanka, cunaha iyo mid guud ayaa waxaa ka faa’ideystay 116 qoys oo ay ku jiraan 812 bukaan, kuwaas oo u badan dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danyarta ah ee ku nool Caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Mashruucan oo socday muddo labo bilood ah ayaa waxaa ku baxday lacag ka badan Nus Malyuun Riyaalka Qatar ah, iyadoo hay’adda bisha cas ee dalkaasi ay kaga mahad celisay dhaqaatiirta khibradda leh ee la fuliyay howlaha iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaalin mug leh ka qaadatay hirgelinta mashruuca.

WHO oo sheegay in 3.3 milyan dunida ugu geeriyoodeen Covid-19 sanadkii 2021

Agaasimaha guud ee heya’adda caafimaadka aduunka “ WHO ” Tedros ayaa sheegay in cudurka ‘coronavirus’ uu galaaftay nolosha in ka badan 3.3 milyan oo qof welina xaaladda dhimashadu tahay mid khatar ah, isagoo la hadlayey suxufiyiinta ayuu sheegay in sanadka 2022 uu noqon doono sannadkii la soo afjarayey masiibada” iyadoo la adeegsanayo qalabyadda casriga ah ee dunidu gacanta ku hayso.

Tedros wuxuu kale oo ka hadlay noocii ugu dambeeyay ee COVID-19 ee adduunka ku dhuftay, isagoo leh “hadda waxaa jira cadeymo joogto ah oo sheegaya in omicron uu si aad ah ugu faafayo si ka dhakhso badan nooca delta.”

Madaxa WHO wuxuu kale oo ka digay in dalal badan ay dhaqan ahaan qorsheeyaan isu imaatinka dadka soo jiidan kara dabaal dega Kirismaska ​​iyo sanadka cusub wuxuuna soo jeediyay inay dib u eegaan dhacdooyinkaas khataraha caafimaad ee ka dhalan kara.

Agaasinka deegaanka Xafiiska RW oo warbixinta Cimillo Qaran u gudbiyay Qaramada midoobay

Kulan Aqoon-isweydaarsi ah oo ku saabsanaa la tacaalidda Isbeddelka cimillada oo ay qaybgaleen hay’adaha Dowladda Federaalka ee bahwadaagta la ah Agaasinka deegaanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu Agaasinka soo qabanqaabiyay ayaa lagu lafaguray warbixinta ka go’naanta la tacaalidda isbeddelka cimilada Soomaaliya (NDC) uu Agaasinka degaanka qoray sanadkan taas oo loo gudbiyay hay’adda UNFCCC ee Qaramada midoobay.

Warbixinta ayaa ka kooban qorshooyin cimillo Qaran oo muujinaya ficillada cimilada, oo ay ka mid yihiin siyaasadaha iyo tallaabooyinka ay dowladda hiigsanayso si ay u hirgeliso si looga jawaabo isbeddelka cimillada iyo ka qayb qaadashada ficilka cimillada Adduunka.

Waxaa casharo ku saabsan Isbeddelka Cimillada ka bixiyay khubaro kala duwan, iyadoo halkaasi ay khudbado ka jeediyeen madaxdii ka qaygashay shirka, kuwaas oo ka kala socday qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dalka.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa baahinta warbixinta NDC in ay hey’addaha dowladda u saleeyaan qoshahooda qaybaha kheyraadka dabiiciga ah, si la mid ah qorshaha Qaran ee horumarinta Dalka NDP9.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka wasaaradaha waxbarashada Waddamada Carabta

Dubai- Agaasimaha tacliinta sare, hiddaha iyo cilmi baarista Wasaaradda Waxbarshadda Soomaaliya mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa Magaaalada Dubai uga qeyb galay Shirka 22,aad ee Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha Cilmi baarista iyo dhaqanka-Waddamada Carabta ee loo soo gaabiyo ALECSO, kaasi oo looga hadlayay kor-u-qaadista tirada dadka ku hadla Luuqada Carabiga ee guud ahaan Caalamka gaar ahaan dunida Islaamka.

Shirkaan oo socanyay muddo laba cisho ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii Waddamada Carabtu ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta Luuqadda Carabiga iyo xoojinta Cilmi baarisyada lagu qorayo Afka Carabiga ee aan ka hor imaaneynin dhaqamada Islaamka iyo kan waddamada Carabta.

Shirkaan oo ah mid meerto ah ayaa waxaa sanadkaan marti gelisay Dowladda Imaaraadka Carabta oo la wareegtay meertada 22,aad  ee ururka ALESCO, iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay in meertada 23,aad lagu qabto waddanka Sacuudi Carabiya.

Source Sonna

Safiirka JFS u fadhiya Masar oo ku soo dhaweeyay Safaaradda Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa

Safiirka JFS u fadhiya Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaaradda kuso dhaweeyay Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud oo howlo shaqo u jooga Masar.

Safiir ayaa si faahfaahsan Gudoomiyaha uga warbixiyay xogta iyo adeegyadda ay safaaradda bixiso isagoo usoo bandhigay Hanaanka daah furnaanta leh ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee masar loogu adeego.

Dhanka kale Abuukaate Xaamud Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Safiirka uga waramay ajandayaashii looga hadlay shirkii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq maasuqa ee kuso xirmay sharma sheikh waxana uu Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku bogaadiyay wax-qabadka iyo Horumarka xawliga ah ee safaaradda ka socda isagoo sheegay in dedaalka safiirka ay aasaas u tahay Hufnaanta shaqo, Maamul wanaagga iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha ayaa Diblomaasiyiinta Safaaradda ku booriyay inay jaaliyadda u muujiyaan dabacsanaan iyo soo dhaweyn isagoo u sheegay inu marqaati ka yahay shaqadda wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Riyadh.

Riyaadh- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Sacuudiga , Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa ku soo dhaweeyay Wasiirka xarunta safaaradda , halkaa oo uu sidoo kale Wasiirka kula kulmay howlwadeennada safaaradda.

“Howlwadeennada iyo safaaradda waxaa saaran mas’uuliyad ah inay matalayaan Qaranka iyo adeegga muwaadiniinta ku sugan Dalkan. Waxaan idin ku boggaadinayaa howsha Wanaagsan ee aad u haysan Dalka.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo la hadlayay howlwadeennada safaaradda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa sidoo kale u mahadceliyay Danjire Saalim iyo Howlwadeennada safaaradda ee sida dhow ula shaqeynaya muddada uu ku suganyahay Sacuudiga oo uu kaga qaybgalayo shirka wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waddamada Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Waxaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyeyaasha, Saraakiil xigeennada, Dableyda, Alifleyda iyo Qoysaskooda ugu hambalyeynayaa sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Boolisku waa tiir-dhexaadka iyo hormuudka Ciidammada Qalabka Sida ee dalka. Waxaan u rajeynayaa horumar iyo guulo joogto ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANNAD GUURADA 78-AAD EE AASAASKOODA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 78 guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dadaalladooda naf-huridda ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga, caddaaladda, sarraynta sharciga iyo xasilloonida dalka, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad, caddaalad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee hanashada iyo xaqiijinta amniga dalka, isaga oo Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Booliska ee naftooda u huray ilaalinta amniga nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.