Puntland oo ku dhawaaqday xabbad joojin ka dib dagaal ka dhacay Magaalda Boosaaso

Wasiirka  Wasaaradda Amniga dowalad goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa ka hadalay dagaal sacadihii la soo dhaafay ka socday Magaalda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Wasiirka ayaa  ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal kadib dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Boosaaso,isagoona dhinacyada dirirtu u dhaxysay ugu baaqay in Xabbada la joojiyo.

wasiirku waxa uu intaa hadalkisa ku daray inay la soo xiriireen Odayaal, Ganacsato iyo Culama’udiin, iyago oo ka codsaday in xabbada la joojiyo, isla markaana  dhankooda mar walba ay diyaar u yihiin xabad joojin iyo wada-hadal

Hadalka wasiirka Amniga puntland ayaa imaanayo xili shalay iyo maanta dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro  Boosaaso ku dhaxmar ciidamo tabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF iyo kuwa Maamulka puntland

WHO oo dalalka Yurub uga digtay faafitaanka Feyruska Omicron

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa ku boorisay dowladaha Yurub inay u diyaar garoobaan ka hortaga Feyruska Omicron, kaasi oo koror weyn laga dareemayo kiisaskii ugu danbeeyay ee uu soo ritay, gaar ahaan dadka ku nool Qaaradda Yurub.

Shir jaraa’id oo uu fiidnimadii Xalay ku qabtay Caasimadda Austria ee Vienna , Hans Kluge, oo ah Agaasimaha Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaaradda Yurub, ayuu ugu digay dalalka Yurub faafitaanka xanuunkan.

“Waxaa noo muuqato mowjadaha xanuunka Omicron, oo ku socodo xawaare sare, taasi oo ku wajahan waddamo badan oo gobolka ah, sidaa darteed Waddamada reer Yurub waxaan ku wargilineynaa in ay ka digtonadaan faafitaanka xanuunkan.”

Hans Kluge, ayaa sidokale xaqiijiyay in 38 ka mid ah 53 xubnood ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaaradda Yurub, laga helay Feyruska Omicron.

Feyruskan Omicron mutant, ee qeybta ka ah xanuunka Covid 19, ayaa sida la sheegay noqonaya mid ka ugu xooggan dhamaan faracyada Feyruskan Covid 19.

Shir ku saabsan qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta oo ka furmay Magaalada Dhuusmareeb

Shirakan oo ujeedkiisu yahay in lagu lafa guro qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa diyaarinta qorshahe Istiraatijiyadeed oo looga baaraan dagayo si loo meeel dhigi lahaa wax walba oo la xiriira Xaaladaha caruurta, iyadoo ay ka qeyb galayaan hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug, khubaro, Mas’uuliyiin ka socota madaxtooyada iyo Wasaaradda Haweenka Galmudug oo gacan weyn ka geysatay dar dargalinta tallaaboyinka lagu diyaarinayo xeerkan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale oo ka hadalay shirka ayaa sheegay in wadatashiyadan looga gol leeyahay in ugu dambeyn la gaaro dhidbida sharci qeexaya xuquuqda caruurta reer Galmudug, waxaana dhammaan ka qab galayaasha ay isku raaceen sida loogu baahanyaha helidda sharci la xariira caruurta Galmudug

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan macalin Xasan oo ugu dambeyn goobta ka hadley ayaa tilmaamey in Galmudug ahmiyad weyn siineyso dhameystirka sharciga Caruurta, waxaana Gunaanadka wadatashigan la filayaa in laga uruuriyo ka qayb galayaasha dhamaanba soo jeedintooda oo si guud loogu biirin doono wadatashiyada lala sameynayo dadkan la isu keenay, taasoo wax ku daris iyo ka dhimisba u noqon doonta dhameystirka qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Dowaladda Talyaaniga kala hadlay iska kaashiga labada dal ee horumarinta waxbarashada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome oo uu safar shaqo ku joogo waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MOU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay’adda Med-Or Leonardo Foundation Mudane Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha Dowladda iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.

Munaasabadda Heshiiskan Is-afgaradka ah lagu saxiixayey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abukar Xaaji.

Ciidamada xoogga dalka oo argagixisada Al-Shabaab ka xoreeyay degaano hoostaga degamada Awdheegle

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada GORGOR ayaa Maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyay degaanno hoos yimaada degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa u jiheystay deegaannada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey halkaasi oo meelo ka mid ah ay ciidanku iska caabin kala kulmeen argagixisada Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 5 ka tirsan maleeshiyada a argagixisada Al-Shabaab ayaa looga dilay degaanka Shaamgare, halka 7 kale la gaarsiiyay dhaawacyo halis ah sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Tagtay jiida hore ee Dagaalka.

Taliyaha Guutada GORGOR Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay ciidanku kaabiga ku hayaan degaanno kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiissa Talyaaniga

Rome- Wasiirka wasaaradda arrimadda Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Luigi Di Maio.

Kulanka Labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee saaxiibadda ah, iyagoo ku heshiiyey in la dardar galiyo arrimaha muhiimka ah ee faa’idada u leh labada dhinac sida waxbarashadda, is dhaafsiga dhaqanka iyo horumarka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Riyadh- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyadh ayaa galinkii dambe ee maanta kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga , Eng. Axmed Sulaymaan Alrajhi.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga , horumarinta Bulshada , iyadoo labada dhinac ay gaareen qorshaha lagu billaabayo is-afgarad ay ku wada shaqeeyaan labada Wasaaradood iyadoo oo u goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Boqortooyada Sacuudiga , Danjire Saalim Macow Xaaji.

“ Kulanka wuxuu ku aadday xilli muhiim ah , waxaan warbixin guud ka siiyay xaaladda Soomaaliya , dalka oo la tacaalaya ka hortagga COVID-19 , inay xilligan ka taagantahay abaar saamaysay malaayiin reer guura u badan, Horumarinta Bulshada , shaqaalaha iyo is afgarad bilow u noqonaya wada shaqayn buuxda oo labada wasaaradood dhex marta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka ka warbixinayay.

Wasiir Cabdiwahaab, ayaa sidoo kale martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Sacuudiga , si lagu gaaro dhaqangalinta is afgaradka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee ay maanta gaareen.

Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Boqortooyada Sacuudiga , Eng. Axmed Sulaymaan Alrajhi ayaa uga mahadceliyay Wasiirka socdaalkiisa Sacuudiga, wuxuu sidoo kale tilmaamay inay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta labada wasaaradood. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka xunyahay xaaladda ay wajahayaan qoysaska Soomaaliyeed ee saamaysay abaarta, isagoo markaa sheegay inay Dawladda Sacuudiga door muuqda oo taageerro gaysan doonto.

Kulanka ayaa noqonaya midkii u horreeyay muddo soddon sanno ah oo wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iyo Sacuudiga ay ku gaareen is-afgarad ay ku wada shaqaynayaan labada wasaaradood.

Madaxweyneyaasha Koonfur galbeed iyo Galmudug oo waqti la qaatay bulshadda magaalada Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa Bulshada magaalada Baydhabo waqti kula qaatay Beerta Baydhabo City Park.

Madaxweyneyaasha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee beerta oo ah bar-kulan ay waqtogooda ku qaatan dadweynaha magaalada Baydhabo, iyagoo u kuur kalay xaaladda dhallinyarada halkaasa ku sugneed.

Duqa Muqdisho oo soo xiray Shirweynaha Hiigsiga Caasimada ee 2040

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Hiigsiga caasimada ee 2040, kaasi oo muddo 3 cisho ka socday Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday qeybaha kala kedisan ee mac-hadyada cilmi Baarista & horumarinta, Dallada ururada Bulshada, haweenka, Dhalinyarada, Ganacsatada, Ardayda Jaamacadaha iyo dadka Baahiyaha gaarka qaba, ayaa waxaa diirada lagu saaray; Bey’ada iyo la qabsiga cimilada, Kobcinta Dhaqaaaha, Adeegyada Bulshada, Guryeynta, Amniga, Badqabka Bulshada, iyo Kaabayaasha isku socodka.

Bayaan laga soo saaray Shirweynahaan ayaa lagu qoray talo aruurinta Bulsho ee Qorshaha iyo Hiigsiga Caasimada ee 2040.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan iskugu yeeray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir 27-ka bishan December, 2021

Shirka ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo looga arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka

Doorashooyinka xildhibaannada golah Shacabka ayaa si hufan uga socda dhammaan maamul Goboleedyada dalka.