Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

kulanka Golaha wasiirada ee Jubbaland oo looga hadlay arrimaha Ammaanka iyo qodob kale

Madaxweyne  ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubbaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arrimaha Amaanka, Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale.

Waxaa ugu horreeyntii kulanka golaha wasiirada ka hadlay oo kawar bixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubbaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Jubbaland MudaneYuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal waxa uu sheegay in Jubbaland wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood oo ay si weyn uga doodeen golaha, kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga sharci darrada ah iyo Kahor tagga Bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo Bilicda Deegaanka.

Arrimaha abaaraha iyo Biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Mudane Axmed Xuseen Baraki,isagoo sheegay in deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Jubbaland ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.

Golaha wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta ansixiyay miisaaniyadda 2022

Golaha wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta kulankooda todobadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ansixiyay miisaaniyadda maamulkaas ee sanadka 2022 oo gaaraysa $30,000,000 oo dollar, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda KG.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo golaha wasiirraduna ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda sanadka socda uu ku shaqayn doono maamulkaasi.

Biyo dhaamin loo sameeyay dadkii ay abaartu ku heshay Galmudug

Haddaba, waxaa biyo dhaamis ka wado deegaanno ka tirsan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan tuulooyinka fog-fog Jaaliyado ka tirsan gobalka oo ku dhaqan qurbaha iyo ururro samafal oo uu ka mid yahay Sama-garad.

Degaannada illaa hadda biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa ka mid ah Suul cayn, Mooragaal,  Liibaan-Galle, Hog dugaag, Tiigsane, Sadax-ruun iyo Tuulooyin kale oo dhamaantood saameyn ku yeelatay Biyo la’aantas, kuwaa oo masaafo dheer u jira magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa sii adkaaneysa abaarta baxaadda leh ee ku habsatay dadka iyo duunyada ku dhaqan Galmudug, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ka fog magaalooyinka, kuwaas oo ay soo food saartay biyo iyo baad la’aan tii ugu darneyd inta la xasuusto.

Wafdi ka socda IGAD oo soo gaaray Muqdisho.

Waxaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Xoghayaha fulinta ee AU, Dr ; Workna Gebeho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabbilay, Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka u jooga dalka.

Tababar ku saabsan joojinta Askaraynta Carruurta oo lagu qabtay Dhuusa-mareeb

Wasaaradaha caddaaladda federaalka iyo Galmudug oo iskaashanaya ayaa tababar ugu magaalada Dhuusamareeb xubno ka kala socda Boliiska, Asluubka iyo hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda.

Tababarkan oo socon doono muddo laba cisho ah ayaa lagu baran doonaa hababka lagaga hortago difaacidda Askaraynta Carruurta ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan.

Sidoo kale tababarkan ayaa lagu baran doonaa garab siinta dadka jilicsan oo ay u horreeyaan Haweenka.

Agaasimaha waaxda xuquuqul Aadanaha ee Wasaaradda caddaaladda XFS, Xuseen Ismaaciil ayaa sheegay in ay ujeeddadoodu tahay dhaqan gelinta xeerarka caalamiga ah  ee ilaalinaya xaquuqda Carruurta iyo dadka nugul, wuxuna intaa ku daray inya ka dowlad federaal ahaan inay wax badan ka qabteen ilaalinta xaquuqda Carruurta iyo dadka jilicsan.

Wasiirka Caddaaladda Galmugud, Cabdi Maxamed Fiidoow ayaa sheegay in ka dowlad Goboleed ahaan ay ka go’an tahay ku dhaqanka shuruucda ka taalla ilaalinta tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta.

  

Wararkii u dambeeyay COVID-19 ee Dunida

Labo daraasadood oo ka soo baxay dalka UK ayaa tilmaamay in nooca cusub ee Amicron oo cudurka corona ka tirsan uu ka sahlan yahay noocii isaga ka horeeyay ee Delta.

Saynisyahnada waxay caddeeyeen in natiijada xilli hore tahay balse hadda waxaa Amicron uu yahay waxay u baahan tahay baaritaan iyo qiimeyn kale ilaa iyo hadda waxaa la ogaaday in Amicron oo ka faafis badan yahay Delta sidoo kale waxaa la quudaraynayaa in tallaalka uu wax ka qaban doono Amicron inkastoo bukaanada uu soo ridday ay buux dhaafiyeen isbitaalada.

Daraasaddan oo shalay oo Arbaco aheyd daah laga rogay ayaa u muuqata in baaritaanada ay soo jeediyeen in halista Amicron ay ka yar tahay Delta, sida uu sheegay Manuel Ascano oo ka tirsan culimada sameysay cilmi baaristan.

Qiimeyn lagu sameeyay xarunta ka jawaabista COVID-19 ee UK Imperial College London ayaa lagu sheegay in tirada Amicron ee isbitaalada la geeyay ay ka yar tahay 20% marka loo eego intii uu ku dhacay Delta oo isbitaal ka jiifayay oo aheyd 40%.

Si kastaba, Agaasimaha guud ee hey’adda WHO Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in caafimaad qabka dalalka in ay ku xiran tahay sida ay u isticmaalaan tallaalka isagoo ku booriyay in tallaalka la kordhiyo qaadashadiisa

South Korea ayaa laga soo wariyay in uu faro ba’an ku hayo cudurka COVID-19.

Hey’adda Kuuriyada Koofureed u qaabilsan xakameynta cudurada iyo ka hor taggooda ayaa sheegtay in khamiistan maanta ah laga diiwaan geliyay dalkaas 109 oo cudurka corana soo ritay, saraakiisha waxay ka digeen in Amicron uu si deg deg ah ugu faafayo dalkaas.

Todobaadyadii la soo dhaafay Kuuriyada Koofureed waxay la daalaa dhacayasay tirada dadka cudurka ku dhacayo oo sii kordhaysay ka dib markii horaanta bisha November ay dabciyeen xayiraadihii la soo roday kal hore.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tirada bukaanada cudurka corona ee halista ku jira ay hadda marayso 1,083, iyadoo dadka laga heley cudurka ay guud ahaan gaarayaan 6,919 qof.

Inta badan dalka Kuuriyada Koofureed waxa nooca caronaha waa Delta.

Philippines waxay ansixisay in carruurta aad u yar yar la siin karo talaalka corana ee ay soo saartay shiradda Pfizer.

Hey’adda cuntada iyo dawooyinka wadanka Philippines ayaa ku dhawaaqday in carruurta la siin karo talaalka Covid-19 oo ay soo saartay shirkadda Pfizer.

Eric Domingo oo ah maamulaha hey’addan ayaa khamiistan maanta ah sheegay in dalka uu bilaabi doobo tallaalka corona ee carruurta da’dooda u dhexeyso shan jir ilaa 11 sano jir.

Qiyaastii 45 million oo reer Filipin ah ayaa qaatay tallaalka iyadoo tirada dadka wadankaas tahay in ka badan 110 million.

Mareykanka ayaa sharciyeeyay in kiniiniga shirkadda Pfizer ee COVID-19 loo soo saaray lagula tacaali karo feyraska Omicron

Dowladda Mareykanka ayaa go’aamisay in kiniiniga corona ee shirkadda Pfizer ay soo saartay la siin karo bukaanada uu soo ritay feyraska Amicron sida ay sheegtay hey’adda cuntada iyo dawooyinka Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA, talaabadan ayaana ka dambeysay markii la ogaaday in bukaanadii halista ku jirey ee la siiyay ku roonaadeen qiyaastii 88%.

Kiniiniga Paxlovid ayaa ka kooban labo nooc uu kiniini ah hey’adda FDA ayaana aaminsan in uu waxtar badan u leeyahay dadka halista ugu jira cudurka corona.

Isu duwaha arrimaha COVID-19 ee Aqal Cad Jeff Zients ayaa war fidiyeenka u sheegay in Mareykanka ku bixiyay $5.3bn sidii loo soo saari lahaa dawooyinka cudurkan sida uu qorshuhu yahay qeybta ugu horeysa waxaa ay dad weynaha la gaarsiin doonaa bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Ku dhowaad 150,000 oo Amerikaaan ayaa maalin kasta cudurka ku dhacaa iyadoo 7,800 oo dadkaas kamid ah la seexiyo isbitaal halka 1,200 oo ayaga kamid ah u dhintaan xanuunka, sida laga soo xigtay hey’adda xakameynta cudurada faafa oo CDC loo yaqaano ee dalkaas.

Agaasimaha CDC Rochelle Walensky ayaa warbaahinta u sheegtay in kiisaska Mareykanka laga diiwaan geliyay ee feyruska Amicron ay gaarayaan 90%.

Dhinaca kale, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay talaabada lagu ansixiyay isticmaalka kiniiniga loo soo saaray in lagu daweeyo bukaanada cudurka COVID-19.

Scotland waxay diiwaan gelisay tiro yar oo COVID-19 ah oo qaba feyraska Omicron

Gobolka Scotland oo ka tirsan boqortooyada UK, ayaa lagu soo waramayaa in kiisas yar oo fayraska Omicron ah laga heley marka loo eego fayraskii hore ee Delta.

Tiro koobyada ku saabsan fayraskan ayaa lagu ogaaday in meelaha uu ku badan yahay ay yihiin dalalka England iyo Koofur Afrika.

Cilmi baariyaasha jaamacadda Edinburgh ee UK ayaa dabagalay, ku dhowaad 152,500 oo bukaan oo laga heley COVID-19, oo ay ku jiraan 22,205 oo haleeley fayraska cusub ee Omicron. Kala bar tirada Amicron ku dhacay waxay da’dooda ka hooseysay 40 sano jir.

Bukaanada fayraska Omicron oo isbitaal u baahday ayaa noqotay 68% taas oo ka hooseysay filashada cilmi baariyaasha oo tixraacayay.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.

“Dalkeenna waxaa ku soo xoogeystay khatarta cadow ay tahay in aan si adag u wajahno, dhammaanteenna aynu u wada istaagno sidii aan uga badbaadin lahayn ubadkeenna. Cadowgaas oo ah Maandooriyaha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahamsanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, waxa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.

Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Howlgallo amniga lagu xaqiijinayay oo xalay ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo- Ciidamada Booliska Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ka sameeyay howlgal amniga lagu sugayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha koofurta Gobolka Mudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa booqasho ugu tagay Ciidanka howlgallada sameynayo.

Ciidamada oo aad u feejigan ayaa guri-guri u baarayay Xaafadaha Gaalkacyo iyo gaadiidka kala duwan ee magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle iyo Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa ku bogaadiyay Ciidanka shaqada ay bulshada u haayaan, ayna wadajir uga hortagaan cidkasta oo sameyneysa amni darro.

Xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar

Jowhar- Saddex dagaalame oo ka tirsan dhagarqabayaasha Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibay ciidanka Nabadsugidda Qaranka ee ka howlgalla Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan magaalo madaxda gobolka ee Jowhar.

Saddexdaan nin oo lagu kala magacaabo Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinka argagixisada Al-Shabaab u geystaan shacabka, iyagoo ugu baaqay dhallintada kale ee ay qaldeen dhagarqabayaashu inay isu soo dhiibaan gacanta dowladda, si ay bulshadooda ugu adeegaan.

Taliyaha Nabad sugidda degmada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalama maleeshiyaadka Al-Shabaab inay soo raacaan dhabaha ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan dowladda.