Meydka Sheekh Maxamed Xasan oo laga helay Clombus Ohio

Marxuum Sheekh Maxamed Xasan, oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed eek u nool dalka Mareykanka ayaa  meydkiisa oo gaari ku jira laga helay nawaaxiga magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

Sheekh Maxamed Xasan, oo a mid ka mid  ah Masaajidyada Magaalada Ohio imam ka ahaa ayaa la waaysanaa maalmahii la soo dhaafay.

Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidanka booliska oo baadigoobayay Sheekh ayaa sheegay in la baari doono cidii ka dambeysay falkan dilka ah ee foosha xun.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee la shaaciyay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga Hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed  ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay qabashada doorashada lix kursi iyo jadwalkooda oo ah xilliga la qabanayo.

Maamulka Jubbalamd ayaa noqon doona Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 

Booliska Hirshabeelle oo wada howlgal ka dhan ah maan-dooriyaha

Saraakiisha Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana ay sheegeen in howlgaladani ay yihiin kuwo lagu beegsanayo dadka falalka ammaan-darro ka wada magaalada iyo kuwa maan-dooriyaha isticmaala ama ka ganacsada.

Taliyaha Ciidammada Booliska magaalada Jowhar Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay fahmeen khatarta ka dhalan karta isticmaalka maandooriyaha,islamarkaana ciidamada amniga ay ku garab taagan yihiin sidii loola dagaalami lahaa kooxahaas.

Wuxuu taliyahu sheegay in ay ciidammadu baari doonaan goob iyo guri walba oo ku yaalla magaalada, si loo xaqiijiyo amniga, waxayna ciidamada Booliska magaalada Jowhar goob fagaaro ah ku gubeen mukhaadaraad gaaraya 382-kiilo oo ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada.

Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay aaseen argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay wadooyinka soo gala degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay inta u dhaxaysa deegaanada Shaamgare, Jowhar yareey, Mubaarak iyo xaafadaha degmadda Awdheegle ee Gobolka Sh.hoose, waxayna ciidanka ay soo saareen miinooyin dhowr oo argagixisada ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Shacabka.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor col. Dayax Cabdi Cabdulle, wuxuuna sheegay in ay soo saareen miinooyin dhowr ah, sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay  miinooyin kale oo maleeshiyada argagixisada ah ay ku aaseen wadooyinka ay shacabku maraan.

Jubbaland oo shaacisay qabashada doorashada lix kursi oo Aqalka Hoose ah

Guddiga Hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed  ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay qabashada doorashada lix kursi iyo jadwalkooda oo ah xilliga la qabanayo.

Kuraasta ay Jubbaland doorashadooda qabaneysa oo ah kuwii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa waxaa kujira laba dumar ah, waxaana lixda kursi ay kala yihiin.

1: HOP 082 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xamza Sheekh  Xuseen Colow

2: HOP 108 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Cumar

3: HOP 113 oo ay ku fadhido Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac

4: HOP 134 oo ay ku fadhido Sahra Jaamac Cali (Qorsheel)

5: HOP 203 oo ay hadda ku fadhido Sahra Xaaji Xuseen Cali

6: HOP 217 oo uu ku fadhiyo Xasan Cabdi Cismaaciil ( Xasan Yare)

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in diiwaangelinta Musharrixiinta lixda kursi ay bilaaban doonto 27 Bishaan halka doorashada lixda kursi ee Golaha Shacabka ay dhici doonto 28 Bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Maamulka Jubbalamd ayaa noqon doona Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 

Madaxa la dagaalanka musuqa oo ka warbixiyay waxqabadka guddigaasi

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa manta ka warbixiyay kulan ku aadan la dagaalanka musuqa oo uu uga qeybgalay Dalka Masar iyo sida dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay uga qeyb qaadan karaan xalka arrintaasi.

Guddoomiyaha oo manta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa xusay in dhowaan ay dalka Masar kaga qeybgaleen shir ku saabsaanaa la dagaalanka musuqa oo ay ka qeybgaleen dalal ka mid ah caalamka.

Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa sheegay in ujeedada shirkaasi uu ahaa sidii dalalka dunida ay isu dhaafsan lahaayeen aqoon iyo khibrad ku aadan la dagaalanka musuqa,,wuxuuna intaa ku daray in halkaasi ay ka soo baxeen fursado wanaagsan oo wax looga qaban karo musuqa.

Guddoomiyuhu,waxa uu qiray in ay jiraan qorshe kutalagal oo la doonayo in lagula dagaalamo musuqa ,gaar ahaan mudada u dhaxeysa 2021- 2023-ka. isagoo intaa raaciya in ciribtirka musuqa uu yahay mid u baahan xal waafi ah oo ay ka qeybgalaan dowladda iyo guud ahaan qeybaha bulshada ee dalka.

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud,waxa uu xusay in marka la helo iskaashi u dhaxeeya hey’adaha ammaanka,kuwa garsoorka iyo warbaahinta la gaari karo xal ku yimaada ilaalinta maaliyadda dalka iyo guud ahaan adeegyada umadda.

Wasiirka Howlaha guud iyo madax kale oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaaradda kuso dhaweeyay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo dib u dhiska Xuseen Maxamud Sheikh Xuseen iyo Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud.

Wasiirka iyo Gudoomiyaha ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar waxqabadka iyo Horumarka xowliga ah ee Safaaradda ka socda iyagoo sheegay in dedaalka Safiirka ay aasaas u tahay Hufnaanta shaqo, Maamul wanaagga iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen iyo Gudoomiyaha ayaa Diblomaasiyiinta Safaaradda ku booriyay iney Jaaliyadda u muujiyaan dabacsanaan iyo soo dhaweyn iyagoo sheegay iney marqaati ka yihiin shaqadda wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA URUR GOBOLEEDKA IGAD EE LA SOCODKA CIMILADA IYO ILAALINTA DEEGAANKA

Muqdisho, Diseembar 23, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

“Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahad celiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirradda Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxamed Aadan Macallim iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan .

  

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda XFS

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho, wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Gurmadka abaaraha.

Kulan looga hadlaayo Wadashaqeynta Wasaaradaha iyo hay’adaha oo lagu qabtay Dhuusamareeb

-Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo gacan ka helaysa hey’adda Save The Children ayaa magaalada Dhuusamareeb maanta ku qabatey Kulan dib loogu eegayo wadashaqeynta kala dhexeysa ,Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya daryeelka Carruurta iyo ka hortagga xadgudubka Jinsiga ku saleysan ayaa si gaar ah diirada loogu saarayo waxyaabaha wadajirka ku qabsoomey sanadkan 2021 iyo qorsheynta Shaqada, wadashaqeynta iyo isla xisaabtanka ee sanadka dhalanaya 2022.

Shirkaan oo uu si rasmi ah uu u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug Maxamed Cali Alaale, ayaa Waxaa kasoo qayb galay hey’addo kala duwan oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Carruurta, kuwaa oo goobta kusoo bandhigey macluumaad baaxad leh oo iftiiminayay faa’iidooyinka laga dhaxlay wadashaqeynta joogtada ah ee dowladda iyo hey’addaha, iyagoo dalbadey in lasii xoojiyo wadajirka hore loo muujiyay.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen inkabadan 50 hay’addood oo isugu jira kuwa Caalami ah iyo kuwa ka shaqeeya gudaha wadanka isla markaana laga soo saarey waxa qabsoomey sanadkan, qorsheynta wax qabadyada Sanadka soo socda iyo Qaabka loo hormarinaayo wada shaqeynta Wasaaradaha iyo hey’addaha.

Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo ka mid ah wasaraddaha xiriirka joogtada ay la leh bulshada ayaa Sanadkan xoogga saartay wax qabadyo iyo wacyigalino si toos ah wax u taraya Bulshada ku dhaqan Galmudug.