Puntland oo ka qeyb galeysa shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, Puntland ayaa cadeysay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland oo la kulmay saraakiil loo xil saaray sugida amniga doorashada

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa xarunta guddiga doorashooyinka ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey Taliyaha ciidamada Booliiska qaybta Gobolka Jubbada hoose Sadiiq Mohamed Dhogor iyo saraakiil ka socotay Booliiska AMISOM oo qeyb ah ka sugida amniga goobaha loo asteeyay doorashada.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii si hufan loogu sugi lahaa amniga doorashooyinka soo socda iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo guddiga ka shaqeynaya arrimaha doorashada.

Doorashooyinka dalka ayaa billaawday, iyadoo maamulada qaar ay bilaabeen doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana jubbaland laga filayaa in todobaadkan gudihiisa lagu doorto qaar ka mid ah kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka.

Guddiga doorashada Jubbaland oo ku wargeliyay musharaxiinta kuraasta 6-da ah in ay isdiiwaan-geliyaan

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku wargaliyay musharaxiinta kuraasta 6-da ah ee la shaaciyey 23-December-2021 in ay isa soo diiwaan galiyaan maanta, oo ay tagaan xarunta Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.

Guddiga doorashooyinka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeysay waday, soona gaba gabeeyey diiwaan galinta iyo tababarida Guddiyada xulista ergooyinka.

Sidoo kale, guddiga ayaa diiwaan-galiyay dhammaan ergooyinka ka codeenaya 6-da kursi.

Maamulka Koonfur Galbeed oo kordhinaya aqoonta iyo tayada macalimiinta

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ka daah-furtay tababarka macalimiinta oo ay ka qeyb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo bahda tacliinta sare maamulkaas.

Prof: Eenow iyo Ustaad Kimistiri oo tababarka bixinayay ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay kor u qaadista qiimaha iyo tayada aqoonta macalimiinta, taas oo sahleysa in waxbarashada sarre marto.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay macalimiinta in aysan ka leexan wixii ay barteen oo ay ardayda wax u baraan sidii iyagana wax loo baray.

XFS oo digniin adag u dirtay dadka been ‘abuurka ka faafinaya’ RW Rooble

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dadka isku howlaya inay magac-dilaan Ra’iisul Wasaaraha ay caqabad u raadinayaan howsha socota ee doorashada oo danahooda gaarka ah ay ka dhex-waayeen, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed loo adeegsaday fidinta dacaayadahaas ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.

“Waxaa runtii nasiib darro ah, in abaabulka dacaayadahaas loo adeegsaday saraakiil ciidan oo darajadii qaranka lebisan iyo qaar ka mid ah hey’adaha rayidka ah ee dowladda, Ra’iisul Wasaaraha oo u turaya dalka iyo dadka waxa uu go’aansaday in qaladkaas isla hey’adaha dowladda lagu dhex saxo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Hase yeeshee nasiib darro waxa uu sheegay in guddiyadii loo xil-saaray baritaanka arrintaas magac dilka ku ah Ra’iisul wasaaraha ay la kulmayaan cadaadis ka dhan ah howshooda.

“Saraakiishii ciidamada ee loo xil-saaray baaritaanka arrintaas waxaa nasiib darro ah in faro-galin lagu sameeyey oo laga hor istaagay qaraaradii ay qaadan lahaayeen. Waxaan ognahay go’aanadii ay gaareen in la diiday oo dib loogu celiyey, taas oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay abaabulkaas iyo sida la doonayo in lagu jaha wareeriyo oo lagu milo hey’adaha dowladda qeybo badan oo ka mid ah, gaar ahaan ciidamada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu uga digayo saraakiisha ciidamada Qaranka inay ku milmaan siyaasadda dalka, taas bedelkeedna ay gutaan waajibkooda oo dadka Soomaaliyeed ay ugu adeegaan si waafaqsan waajibaadka uu sharcigu siiyey.

“Waxaa lala socodsiinayaa cid kasta oo caadeysatay ku noq-noqoshada falalka ka baxsan sharciga oo dooneysa inay dano qaas ah ugu adeegto xafiisyada ay joogto, inay la kulmi doonto tallaabo anshaxeed iyo mid ciqaabeed oo ka jawaabeysa falalka ay ku kaceen,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS.

Ugu dambeyntii wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in dalkaan uu ku jiro marxalad cakiran oo u baahan isku duubnaan, midnimo iyo badbaado lagu dhiirado, si looga gudbiyo isgoyskaan iyo marxaladaan adag.

“Xukuumaddu ma ogolaan karto in tallaabooyin dhaca oo laga hor tegi karo ay keenaan in berri ay dadka Soomaaliyeed is dilaan oo dowladnimada Soomaaliyeed ay ku burburto, si sahlan oo dano shakhsi ah ku saleysan, sidaas darteed waxaan weydiisaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan xukuumadda oo u adeegeysa jiritaanka iyo danaha dowladnimada iyo umadda Soomaaliyeed, kana hufan danaha shakhsiga ah, xalka kaliya ee dalkaan uu leeyahay waa doorasho iyo inay taaba-galaan waxii lagu heshiiyey, xukuumaduna intaas ayey ka shaqeyneysaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALLACSIIYEY SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhiirigelinaya na qaar ka mid ah Taliyeyaasha Hoggaannada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, ayaa dallacsiiyey Saraakiishan:

1. Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.
2.Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.
3. Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.

Booliska Soomaaliyeed waa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed, waa geedkii ay ka farcameen dhammaan qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkeenna.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA SANNAD GUURADA 78-AAD EE AAS-AASKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-Aad ee Aas-Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ubax dhigay Taallada Halyeeyada Ciidanka Booliska ee Akadeemiyadda Janaraal Kaahiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidan Booliska Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka iyo doorashooyinka, ilaalinta xasilloonida, sarreynta sharciga iyo caddaaladda, taas oo muujineysa miro-dhalka qorsheyaasha dib-u-dhiska Booliska Soomaaliyeed.

“Qof kasta oo Soomaaliyeed waxaa uu markhaati ka yahay isbeddelka iyo dib-u-dhiska xooggan ee aan ku sameynay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kordhiyey tiro iyo tayo ahaanba, taas oo wax weyn ka beddeshay amniga dalka iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha amniga dardargelinta howlallada lagu sugayo amniga dalka, gaar ahaan waqtiga doorashada, isaga oo tilmaamay halista maandooriyaha ku soo kordhay dalkeenna oo Ciidamada Boolisku ay haatan kula jiraan dagaal adag.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhoolla-tus Ciidan, waxa uuna Alle uga baryey dhammaan halyeeyadii naftooda u huray ilaalinta amniga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiya Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka socotay saaxiibbada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay xubno ka tirsan midowga Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la yeeshay xubno matalaya Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, tabashooyinka jira ka hor shirka lagu wado in uu 27-ka December Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan Ururada Bulshada Rayidka si uu dhageysto talooyinkooda ka hor shirka Golaha Wada tashiga Qaran.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in qabsoomidda doorashada ay tahay xalka kaliya ee dalka uga bixi karo xaaladda adag,isagoo hay’adaha amniga faray in ay amniga dalka sugaan.

Dibad baxyo ka socdo Suudaan iyo Isgaarsiinta oo xayiran

Ka hor inta aysan bilaaban banaanbaxyo ay ku dhawaaqeen Kooxaha  isbadal doonka oo lagu diidan yahay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan ay wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk iyo Taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa la jaray dhamaan  adeegyadii Isgaarsiinta sida internetka iyo taleefannada gacanta.

Mudaaharaadyada ayaa  ka socda afaafka hore ee xarunta looga arrimiyo Jamhuuriyadda Suudaan ee bartamaha caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku suganyahiin dad aad u badan oo ka soo horjeeda heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan ay wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Xamduuk iyo Taliyaha ciidamada.

Arrinkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada milaterigu ay soo rogeen tallaabooyin cusub oo ka dhan ah golaha Xukuumadda, sidokalana ay soo rogeen xaalado kale oo degdeg ah.

Wasiir Qorsheeynta XFS oo shaqadda ka joojiyay Agaasimihii guud ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Shaqo ka joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, iyada oo xilkaasi loo magacaabay Agaasimaha Guud  Mudame Asad Yuusuf Qanyare.