Dowladda Maraykanka oo wax laga naxo ku tilmaamtay is-hortaagga lagu sameeyay Howlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS

Dowladda Mareykanka  ayaa si kulul u cambaareysay isku daygii afgembi ee lagu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxanay sheegtay inay tallaabbo cad ay ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda Maraykanka.

“Isku daygaasi waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dedaallada Ra’iisulwasaaraha ee ku aaddan doorasho deg-deg ah oo la isku halleyn karo, dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,”.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka golaha wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul wasaaruhu loo baahan yahay inuu si deg-deg ku qabsoomo, si loo dedejiyo loona hormuriyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale, Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee Mareykanka ayaa Madaxweynahii hore Farmaajo u soo jeedisay in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho ay u qabsoonto.

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Jubaland ayaa qabanaysa doorashada lix kursi oo ka tirsan Golaha shacabka

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa goor dhow bilaabaya 6 kursi oo ka mid ah Kuraasta Golaha shacabka ee laga soo doorto Jubaland kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Kismaanyo ee caasimadda ku meel gaar ah ee jubaland.

Tareenka Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa hadda u muuqda mid ku socda xawaare sare iyadoo isla wiigan Gudihiisa la rajeynayo in maamulka Puntland qabto 10 kursi Doorashadooda sidoo kale kuraasta Gobolada waqooyi ayaa iyagana doorashadooda ka socotaa Caasimadda Dalka ee muqdisho.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay hab-raac rasmiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay hab-raac rasmiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19 (Omicron Variant) si bulshada looga badbaadiyo khatarta fayraska dilaaga ah, bulshadu waxaa laga farayaa inay qaataan Tallaabooyinka Caalamiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta caabuqa COVID-19, kuwaas oo ay talinayso Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

Madaxweyanah Maamul Gobaleedka Hirshabeele oo saxiixday Miisaniyadada 2022.

Madaxweyanah Maamul gobaleed Hirshabeele Mudane, Cali Guudlaawe Xusseen oo saxiixay miisaaniyadda Maamul Gobaleedka Hirshabeelle ee sanadka 2022 oo hore uu u ansixiyey Golaha Wasiirada, ayna meelmariyeen Golaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweyanah ayaa bogaadiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle ee sida xilkasnimada leh u gutay waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa ansixinta Miisaaniyadda cusub ee Maamul Gobaleedka Hirshabeele.

Sidoo kale waxa uu mahadceliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Maamulka gobaleedka Hirshabeelle oo dadaal ku bixisay diyaarinta iyo jaangooynta miisaaniyadda Dowladda Hirshabeelle.

SAAXIIBADA BEESHA CAALAMKA WAXAY KU BAAQAYAAN IN ISXAKAMAYN IYO WADAHADAL IYO IN DIB DIIRADDA LOO SAARO DOORASHADA

Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamku* waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.

Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.

Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo wada dadaallo sare loogu qaadayo Bilicda magaalada

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdirahman Sheekh Xasan ayaa  daahfuray markii u horeysay  Shirkad ka shaqeyn doonta Nadaafada iyo Bilic soo celinta magaalada Gaalkacyo,.isla markaana lagu magaacaabo  Bad baado  noqan doontana sida uu sheegay maamulka dagmada shirkad ka shaqeeysa nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaalada taas oo qeyb ka ah xoojinta ilaalinta nadaafadda iyo faya dhowrka caafimaadka bulshada.

Daahfurka Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, Xubno ka socday Ururada Dhallinyarada iyo Haweenka Degmada Gaalkacyo.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay qaar ka mida howlwadeennada kambaniga Bad baado ee loo igmaday ka shaqeynta Nadaafada Gaalkacyo, kuwaas oo xusay in ay dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo kala shaqeyn doonaan nadaafadda iyo bilicda Gaalkacyo, iyagoo ka codsaday shacabka in shaqaalaha howshaasi fulinaya  ay la shaqeeyaan si loo wada ilaaliya nadaafadda iyo bilicda guud ahaan magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in Shirkadda Nadaafada iyo Bilic soo celinta ee bad baado ay wax ka qaban doonto Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Gaalkacyo isla markaana Maamulka Degmadu ku gacan siin doono dududeynta Howshan.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah furtay shir u dhexeeya Wasaaradaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha aan Dowliga Ahayn ee NGO-yada

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka XfS oo kaashanaysa dalada hay’adahaa aan dowliga ee (NGO Consortium) ayaa maanta ka shir wadatashi ka furtay Magaalada Muqdisho, shirkan wada tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha aan Dowliga Ahayn ee NGO-yada ayaa looga wadahadlayaa sharciyada jira iyo in si wanaagsan loo fahmo daruufaha NGO-yada iyo caqabadaha ee la kulmaan.

Sidoo kale Waxaa kullanka lagu falanqeenayaa doorka taageerada NGO-yada ee abaaraha Soomaaliya hanaanka loo wajahayo iyada oo la dar-dar galinta ka jawaabida Abaaraha.

Kulanka Waxaa goobjoog ah Hay’adaha Dowladda iyo Hay‘adaha aan Dowliga Ahayn ee wadanka ka shaqeeya waxaana hoggaanka Shirka ah Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo soo geba-gabeeynayo diiwaangelinta Musharaxiinta Golaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka heer dolwad goboleed ee Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaba-gabeeyaan diiwaangelinta Musharaxiinta lix kursi oo dhawaan lagu dooran doono Magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa shalay bilaabay diiwaangelinta Musharaxiinta waxana ilaa iyo hada la diiwaangeliyay Musharaxiin dhowr ah oo uu kamid ahaa Musharax Xamse Cabdi Barre iyo Musharaxiin kale oo u tartami doono lixda kursi ee dhawaan guddigu shaaciyay in doorashadooda lagu qaban doono Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose,iyadoon barito lagu wado in halkaa lagu qabto doorashada kuraasta lixda kurisi ee Golaha Shacabka.

Qaramadda midoobay oo u hoggaansantay amarkii dowladda Soomaaliya ee xiritaanka terminalka MOVCON

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ixtiraamayaan go’aankii dowlada Soomaaliya ay ku xirtay qeybta ay ka isticmaalaan garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON, waxayna sheegeen in laga bilaabo maanta ay joojiyeen isticmaalkiisa.

“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay.”

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta.” ayaa la raaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay xirtay qeybta garoonka ee ay isticmaalaan shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay, diblomaatsiyiinta, sida ku cad qoraalkan.

Duqa Muqdisho oo daah-furay shir lagu soo bandhigayo waxqabadka waaxda agaasinka Caafimaadka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray Shir balaaran oo ay kasoo qeyb galeen hey’adaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee adeegyada Caafimaadka xiriira ee caasimadda.

Shirkani oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay wax qabadka Waaxda agaasinka Caafimaadka tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir lasoo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka la xariira.