Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qaybgalay kulan looga hadlayay Sugida Amniga Degmada Wadajir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Wadajir kaga qayb galay kulan looga hadalayay Amniga iyo sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha Mukhaadaraadka oo maalmahan laamaha amniga ay howlagllo ka dhan ah ay kawadeen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Wadajir in ay ka shaqeyaan Amniga Degmadooda si ay u helaan Nabad iyo xasilooni , sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in ay caruurtooda ka celiyaan waxyaabaha maanka dooriya oo malmahaan kusoo badanaya Magaalada Muqdisho

Cumar Filish ayaa sidookale sheegay inay wadaan olole looga hortagyo kuwa geysta falalka Amnidrro, kuwaas oo uu sheegay inay dhiiragelin ka helayaan dadka ka Ganacsada maandooriyaha & kuwa isticmaala, waxa una tilmaamay in ciidamada Amniga gacan bir ah ku qaban doonaa shaqasiyaadka falalka amni darada ka wada Degmada Wadajir iyo kuwa kalaba.

Safiirka dowlada Soomaaliya ee Sacuudiga oo kulan la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Riyaad- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa maanta ku qaabilay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Riyaad safiirka dhawaan dowladda Sacuudiga u soo magacaawday dalka Soomaaliya Axmed bin Maxamed Al-Muwallad. Labada safiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor  loogu sii qaadi lahaa.

Sources: Sonna

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha labada aqal ee BFS, masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha XFS oo dhawaan ka dhacaya muqdisho.

Madaxweyanah Maamulka gobaleedka Galmudug iyo Wafdi uu hogaaminaya oo Moqdisho- Soo Gaaray.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha labada aqal ee BFS, masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Jubbaland oo soo gabagabeysay doorashada lix xildhibaan oo qayb ka ah aqalka hoose ee BFS

Jubbaland ayaa soo gabgabaysay doorashada kuraasta lix mudane oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , kuwaas oo ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Kursigii ugu horreeyay ayaa waxaa kusoo baxay Dr, Xamza Cabdi Barre oo helay 69 cod, halka  Axmed Maxamed Maxamuud oo la tartamayayna helay 17 cod, iyadoo kursiga labaad uu ku guuleystay, Cabdirashiid Jire Qalinle oo helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle oo la loollamayayna uu helay 20 cod, mudane , Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa isna kusoo baxay 71 cod, wuxuuna Maxamed Faarax Muxumed oo la tartamayay helay 20 cod.

Mudanaha afaraad ahaa ahaa, Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo mar kale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ee BFS, Caana-nuug ayaa helay 76 Cod, halka Ibraahim Cabdulle Ibraahim oo la tartamayey uu helay 19 Cod, Waxaana halaabay 4 cod.

Maryan Aweys Jaamac ayaa ku guuleysatay Kursiga shanaad, iyadoo heshay 83 cod , halka Saynab Cali Mugaange oo la tartamaysayna ay heshay 15 cod, waxaase kursiga u dambeeyay lixdii mudane ee maanta loollaayay kusoo baxday, Sahro Jaamac Cali oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahayd Xildhibaan, markii ay u tanasushay Fartuun Axmed Yuusuf oo la tartamaysay.

Diyaaradaha Israa’iil oo duqeymo ka geystay Suuriya

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn xagga cirka ah ka geystay dekedda Latakiya ee Dalka Suuriya, taasoo sababtay waxyeello kala duwan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasi.

Duulaankaan dhanka cirka ah oo ah kii labaad oo dhaca bil gudaheed ayaa yimid manta abaarihii 3:21am (05:21 GMT), ,iyadoo diyaaradaha Israa’iil ay dhowr gantaal ka soo tuureen jihada badda ee Mediterranean-ka.

Weerarkaasi lala beegsaday dekedda Latakiya ayaa sidoo kale burburiyay dhismayaal la dego , dukaamo iyo wajiga hore ee isbitaal  sida ay sheegtay Wakaaladda Waraeka SANA.

Xafiiska warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegay in adeegyada degdegga ah ay xakameeyeen dab ka kacay aagga keydka konteenarada ee dekeddaasi.

Soomaliya oo ka qayb gashay shirka wasiirada Tacliinta sare ee wadamada carabta

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha waaxda Hiddaha iyo Taclinnta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa magaaladda Algeris ee Caasimadda Dalka Aljeeriya kaga qeybgalay shirka 18-aad ee Wasiirada Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista ee wadamada Carabta.

shirkaas oo lagaga hadlayo horumarinta tiknaloojiyada tacliinta Sare, Cilmi baarista iyo qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2021-2030-ka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa warbixin ka siiyay wadamada kasoo qeyb galay shirka xaalada Waxbarashadda Soomaaliya iyo hiigsiga mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kormerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galayay shaqooyinka ka socda Degmooyinka iyo sida logu shaqeeyo shacabka.

Sido kale duqa Muqdisho ayaa kormeray Talada daljirka dohsoon oo dib u dayactir casri ah lagu sameynayo.

Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay hab-raac cusub oo la xiriira Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saartay hab-raaca rasmiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19 (Omicron Variant) si bulshada looga badbaadiyo khatarta fayraska dilaaga ah.

Bulshadu waxaa la farayaa inay qaataan Tallaabooyinka Caalamiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta caabuqa COVID-19, kuwaas oo ay ku talinayso Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul goboleedka hir-shabeelle oo saxiixay miisaaniyadda sanadka 2022

Madaxweynaha Maamul goboleedka hir-shabeelle Mudane Cali Xuseen guudlaawe ayaa sheegay inuu saxiixay miisaaniyadda maamul goboleedka ee Sanadka 2022.

” Waxaan aan saxiixay miisaaniyadda maamul goboleedka Hir-shabeelle ee sanadka 2022 oo hore uu u ansixiyey Golaha Wasiirada, ayna meelmariyeen Golaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Waxaan bogaadinayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Hir-shabeelle ee sida xilkasnimada leh u gutay waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa ansixinta Miisaaniyadda cusub ee Dowladda.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Hir-shabeelle oo dadaal ku bixisay diyaarinta iyo jaangooynta miisaaniyadda Dowladda Hirshabeelle.