Dowladda Soomaaliya oo in ka badan 15 safiir ka guddoontay waraaqahooda Aqoonsiga sanadkaan sii dhammanaya

Dublamaasiyadda iyo xariirka iskaashi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay la leedahay Calaamka ayaa sii kordhaysa sanadba sanadka ka dambeeya, iyaddoo Caasimadda dalka ee Muqdisho ay ku soo qulqulayaan Danjireyaasha dalalka Saaxiibbada la ah Soomaaliya ee daneynaya xiriirka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hagayso siyaasaddeeda ku dhisan iskaashiga, isu dheelli tiran, wax wada qabsiga, ilaalinta Madax-bannaanida iyo soo celinta maqaamkii aan ku lahayn dunida ayaa waxaa ay soo dhaweysay sanadkan tagay in kabadan 15 Denjire oo nuqullada waraaqahooda aqoonsiga u soo gudbiyey wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Qaranka.

Wasaaradda maaliyadda XFS oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS.

Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ayaa soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS, kaasi oo ku saabsan xeerarka iyo nidaamka kastamka qeybahiisa kala duwan, sida nidaamka xafiisyada kastamadda loo maro, badeecadaha dhoofaya iyo kuwa soo dega, qoondeynta canshuuraha iyo qiimeynta, iyo guud ahaan macluumaadka la xiriira adeega kastamadda caariga ah ee dunida ka jiro.

Munaasabad lagu soo bandhigayay barnaamijkan oo dhawaan la hirgelin doono oo laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulayaasha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde iyo dekadda Muqdisho, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Saraakiil ka soctay Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Cabdifutaax Feysal maamulaha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde ayaa ugu horreyn kulanka furay Sidoo kale Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Proff Ciise Maxamuud Xalane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in nidaamkaan uu meesha ka saari doono musuqa badeecadaha ka soo dego dekadda haddii barnaamijkan la hirgeliyo isagoona ku baaqay in Wasaaraddaha kale ay kala saaraan wixii farsamo iyo adeegyo kale ah.

Taliyaha hogaanka canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdullahi Xasan Bariise ayaa dhiniciisa tilmaamay in barnaamijkan caariga ah uu door weyn ka qaadan doono howlaha dardargelinta canshuuraha.

Taliyaha Ciidamka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uga digay ciidamadda qalabka sida inay ku milmaan arrimaha siyaasadda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Ragge oo la hadlay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa ugu digay inaysan ku milmin xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira islamarkaana ay ku dadaalan inay gutaan waajibkii loo igmaday.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wax kuma qaban karo in kooxo gaar ah ay la saftaan, aragtiyo gaar inay racaanna waxba kuma qaban karaan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa ay wax ku qaban karaan isku duubni, isku xirnaan iyo iska warqab” ayuu yiri Gen Odawaa Yuusuf Raage.

Taliya ayaa tilmaamay in haddiii ciidamaddu ay ka leexdan kaalintooda ay u dhaarteen oo la kala dhantaalo awoodda iyo arragtida mideysan ee ciidanka Xoogga dalka inay ku guuldareysan doonan waajibkii loo igmaday iyo mas’uuliyadda ay lahaayeen.

Gen Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ku amray dhammaan ciidanka xoogga meel walba oo ay joogan inay galaan heegan buuxa oo dhameystiran oo lagu sugnaanayo goobaha shaqadda iyo xerooyinka ciidanka sido kalena in laga fogaado tallaabiiyinka hoos u dhigaya kalsoonidda shacabku ku qabo ciidanka qalabka sida iyo wax walba oo keeni kara inay kala qeybiyaan aragtida iyo awoodda CXDS.

Ugu dambeyn Taliya ciidanka xoogga dalka ayaa si gaar ah ula dardarmay saraakiisha ciidamadda, waxaana uu u sheegay inay illaaliyaan wadajir kaumadda, mas’uuliyaddii ay u dhaarteen, kalsoonida bulshadda iyo qiimaha ciidanimo

Shir wadatashi ah looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu soo gunaanaday muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika kaas oo diiradda lagu saaray mabaadi’da lagu hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ahaayeen wasiiradda kala ah mudane. Cabdulqaadir Maxamed Nuur wasiirka Gaashaandhigga, mudane. Cabdisaciid Muuse Cali, wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo mudane. Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirka amniga Gudaha, ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Shirka oo looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’da lagu hagi doono ka qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidammada (TCC) ka joogo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka ku meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qorshaga Kala guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.

Horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayay oo isku soo dhiibay hey’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka

Baydhabo- Horjoogahaan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq Tooxow iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayay oo ka tirsanaa kooxda nabaddiidka alshabaab ayaa maanta isku soo dhiibaaya hey’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka qeybteeda ka howlgasha KGS.

Hey’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Qeybta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku soo Bandhigtey 6 ka Mid ah Nabadiidka Alshabab oo ay ku jiraan horjoogiyaal iyo Maleeshiyaadkoodi, kuwaasi oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida ee ku sugan Deeganada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Maleeshiyaadkaan kamid ka ahaa kooxda argagixisadda ee maanta isku soo dhiibay Ciidanka NISA ayaa lagu kala magcaabay Nuur Xasan Aadan Yarow (Butug) ,Shama’arke Cabduqaadir Yarow (Saadaq,), Xasan Maxamed Suubow oo Nadiidka dhaxdooda looga yaqaanay (Al-ansaar), Xasan Ibraahim (gaaba Kuusow Sakariye), Cabdullaahi Ibraahim Gurey (budiil) iyo Horjooge Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq Tooxow, oo dhammaantood ka wada tirsanaa Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Hey’adda Nabadsugida Iyo Sidoonka Qaranka Qeybta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan gacanta ku soo dhigtey Shabakad ka shaqeyneysay Qaraxyada iyo qalqal galinta amniga magaalada, waxaana howlgalo joogto ah ka waddaan magaalada Baydhabo.

 

WHO oo sheegtay in halista Omicron uu yahay mid aad u sareysa

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in khatarta uu leeyahay cudurka Omicron uu yahay mid aad u sareysa,ka dib markii tirada kiisaska dunida ee COVID-19 ay kor u kacday 11 boqolkiiba todobaadkii hore.

Warka ayaa imaanaya iyadoo dhowr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan France, UK, Italy, Greece, iyo Portugal ay la tacaalayaan caabuqa cudurkaasi oo u faafaya si xowli ah.

Dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in lagu arkay 440.000 oo xaalado cusub ah,halka Dalka Faransiiska uu soo gudbiyay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la helay180,000 oo xaaladood .

Warbixin cusub oo todobaadle ah oo ay soo saareen WHO ayeey ku sheegtay in   caddaynta joogtada ah ay muujinayso in kala duwanaanshaha Omicron uu leeyahay xaalad koritaan ah oo degdeg ah oo ka sarreeya kala duwanaanta Delta oo leh labanlaab.

 

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeenno

Madaxweynaha  Dowlad gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha  Dowlad gobaleedka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

  1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland.
  2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.
  5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

Xeerkani ayaa dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha waddo xiriiriso Waabari, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha waddada xiriiriso Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo degmada Xamar Weyne oo uu dhawaan maamulka gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay.

Wadadan uu xariga ka jaray duqa magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale  ah mid isku xirto Isgooska Shabeele illaa Isbitaalka Martiini, sidokalana waxay soo hormartaa xarunta Beerta Nabada iyo Biyaaso Liibaro.

Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka digay khatarta Omicron

Kadib markii Xanuunkan uu noqday nooca ugu halista badan dhammaan faracyada Corona, ayuu Ururka Caafimaadka Adduunka, waxuu ku dhawaaqay walaaca ay ka qabaan khatarta Feyruskan Omicron.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegay in Xanuunkan uu leeyahay koro faafitaan ah oo laba jibaar ka badan feyruska delta iyo faafid degdeg ah.

Feyruskan ayaa la sheegay in markii ugu horeysay laga helay dalka Koonfur Afrika, 24-kii bishii November ee sanadkan, sidookale waxaa la sheegay in Omicron uu sababi karo cudurro cusub oo halis ah.

Digniintan ayaa ku soo beegameysa xilli Xanuunkan Omicron ee Corona uu khatar Caafimaad ku hayo qaar ka mid ah Waddamada Caalamka, kaasi oo la sheegay in dadka uu soo rito maalintii ay garayaan 200,000, halka dadka u dhintayna lagu sheegay 5.5 milyan oo qof.

Maraykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha geeska Afrika

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo qadka telefoon ku wada xiriiray ayaa kawada hadalay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya iyo arrimo ku saabsan amniga gobolka

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya ee sii xogeysanaya si xal looga gaaro colaadaha,waxa uu sidookale sheegay in loo baahanyahy in Madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo inay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa Xoghayaha warbixin ka siiyay sida dowladda Kenya ay uga go’antahay xal u helidda xiisadaha ka jira wadamada dariska la ah dalka kenya