Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyadeeyey geerida guddoomiye ku-xiggeenkii Gobolka Sh/Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Mashaariicda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cali Ibraahim Beesh oo maanta ku geeriyooday Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku ahaa shaqsi karti iyo wadaniyad ku sifoobay kaalin buuxdana ka qaatay dhismaha iyo aas-aaska Dowladnimada Hirshabelle.

Madaxweynaha oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowlad Goboleedka, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii eheladii, iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Xiriirka kubadda cagta Galmudug oo lagu wareejiyey Qalab Sports

Qalabkaan Sport’s ayaa loogu talagalay degmooyinka Galmudug waxaana guddoomay Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Galmudug Xasan Axmed Shire, waxaana munaasabada goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Cadaado, guddoomiyihii hore ee xiriirka kubada cagta Galmudug, Guddoomiyaha sportska degmada Cadaado iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Sports-ka jaaliyada Galmudug ee wadanka Finland Cabdifitax oo qalabka keenay ayaa sheegay in jaaliyada ay iska soo aruuriyeen lagacta lagu soo iibiyay qalabka sports ka si ay gacan uga geestaan hormarka sports gobolka.

Maamulka degmada X/Weyne oo dhalinyarada uga digay qatarta maan-dooriyaha

Waxaa maanta degmada Xamarweyne lagu qabtay barnaamij dhalinyarada looga wacyi-galinayay halista uu leeyahay isticmaalka maan-dooriyaha.

Kulanka waxaa ka soo qeyb-galay maamulka degmada Xamar-weyne, xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Xamarweyne.

Intii uu socday barnaamijka wacyi-gelinta maandooriyaha ayaa waxay ka soo qeyb galayaashu dadka isticmaala uga digeen halista uu leeyahay maan-dooriyaha- iyagoona ganacsatada iibisa faray in ay ka waantoobaan, maadaama uu qatar ku yahay nolasha dhalinyaro farabadan oo dalka iyo dadka wax tari lahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa kala qeyb-gashay maamulka iyo shacabka degmada Xamar-weyne barnaamijka wacyi-gelinta maan-dooriyaha waxayna kula dardaarantay inay xoojiyaan la dagaalanka maan-dooriyaha iyo in ay iska kaashadaan waxyabaha keeni kara.

Madaxa Bangiga Dhexe oo ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee bangiyada dalka

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxaed C/laahi oo manta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka

Guddoomiyuhu waxa sheegay in lagu guuleystay hannaanka isku xiran ee bangiyada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in dadka lala wadaago,iyadoo la xafidayo ayuu yiri hantida shacabka ee taallaa 13 bangi gaar ah  oo xiriir wanaagsan la leh Bangiga Dhexe.

Mudane C/raxmaan Maxaed C/laahi waxa uu xusay in waajibaadkooda qaran uu yahay hubinta adeegyada ay bixiyaan bangiyada gaarka ah iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda lagama maarmaanka ah ee u degsan  maamulada guud ahaan bangiyada.

Guddoomiyaha, mar uu ka hadlaayey soo saaridda lacago cusub oo shillin soomaali ah waxa uu qiray in ay socdaan diyaargarow ku aadan howshaasi,sidaa aawadeedna ay rajeynayaan in waqtiyada soo socda lagu guuleysto soo saaridda lacago cusub.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxaed C/laahi waxa uu rajeeyay in sanadka soo socda la helo Koboc dhaqaale oo aad u wanaagsan ,inkastoo ayuu yiri cudurka Covid 19 uu saameyn ku yeeshay ganacsigii caalamka iyo isu socodkii dadka.

Dhaqaatiirka Xuddur oo la tacaalaya daaweynta cudurka Jadeecada oo laga helay 10 caruur ah

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in 10 caruur ah oo uu soo ritay cudurka Jaceecada lagu daaweynayo cisbitaalka magaadaasi.

Madaxa caafimaadka isbitaalka gobolka  bakool Dr Ismaaciil Cabdiraxmaan jeyte ayaa sheegay in caruurtaan uu haleeley cudurka jadeecada,isla markaana ay u socoto howlo daawyn ah,isagoo intaa raaciyay in  deegaanada ay ka yimaadeen caruurtaasi la gaarsiin doono  tallaalka ka hortagga lixda cudur ee dilaaga ah.

Axmed Xasan Abuukar oo ah dhakhtar qaabilsan caruurta da’adooda ka yartahay 5-ta sano ayaa sheegay in xanuunada ugu badan ee ay daaweeyaan ay yihiin kuwo ku dhaca  caruurta .

Isbitaalka gobolka bakool waxa gacanta ku haysa wasaarada caafimaadka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo kaashanaysa hay’ado ay ka mid tahay ACF,waxaana sanadihii u dambeeyay xil la iska saaray sidii loo ciribtiri lahaa cudurada galaafta nolosha caruurta.

Korneyl Abshir “Ku dhawaad 20 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaan ku dilnay weerarkii Balcad”

Taliyaha Guutada Sedexaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl Abshir Maxamuud Shataqay oo waraysi siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in dagaal ka dhacay Degmada Balcad ay ku dileen ku dhwaad 20 ka tirsan Al-Shabab.

Taliyaha Guutada saddexaad ayaa sheegay in ciidamada ay iminka howlgallo amni xaqiijin ah ka sameynayaan duleedka Degmada Balcad, isagoo intaa ku daray in dagaalkii maanta jab xoogan loogu geystay maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Balcad waa Nabad hadda aan kula hadlayo, waxaa dagaalka ku dilnay in ka badan toboneeyo oo qaarkood dhaawacyo u dhintay, jab xoogan ayaana loogu geystay magaalada” ayuu yiri Korneyl Abshir.

Korneyl Abshir Maxamuud Shataqay ayaa hoosta ka xariiqay in laga warqabay qorshaha ay maleegayeen dhagar qabayaasha Al-Shabab, balse ciidamada ay jilbaha u saasteen, taasi oo keentay in argagixisadu qasaare naf iyo maalba leh loogu geystay, ayna qorsheynayaan sidii loo joogteyn lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga doodayay Ansixinta Miisaaniyadda maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose Xamar ee sanadka 2022 oo ay meel mariyeen.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka iyo sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir.

Goobta uu shirka ka socday ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Miisaaniyadda maamulka Banaadir ku shaqeyn doono sanadka 2022, kaas oo ah mid daahfuran oo qeyb ka qaadan doono ka hortagga Musuq-maasuqa iyo xoojinta isla xisaabtanka nidaamka maaliyadda la xariira.

Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Islaam Axmed Modoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Kaasi oo uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland Waxaa Goroonka Adan cadde ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyo Bulshada qeybahooda kale duwan .

 

Taliye Xijaar oo ka digay in ay ciidanka boliisku ku milmaan arrimaha siyaasadda

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed janaraal; Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa saraakiisha iyo laamaha kala duwan ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed faray inaysan ku milmin arrimaha siyaasadda.

Taliyaha ayaa sheegay in ay u xilsaaran yihiin ilaaliyaan arrimaha nabad-gelyada shacabka Soomaaliyeed, mas’uuliyadna ay ka saaran tahay doorashooyinka dalka, kuna ekaadaan amniga guud ee dalka.

Shacabka ayuu ka codsaday taliyuhu inay ka gacan siiyaan ciidanka boliiska Soomaaliyeed la dagaallanka maan-dooriyaha , dhaqan xumada iyo wixii wax u dhimaya ammaanka.

Taliye Xijaar ayaa uga mahad celiyay kaalinta ay boliisku ku lahaayeen sugidda arrimaha amniga iyo doorkii dhexdhexaadka ahaa ee ay ka qaateen intii la guda galay doorashooyinka haatan socda.

Wuxuuna aad ugu boorriyay inay daadejiyaan awaamiirta kasoo baxda taliska sare loona dhega nuglaado, lana adkeeyo midnimada iyo wada jirka ciidanka boliiska Soomaaliyeed.