Ciidamada ammaanka oo fashiliyey gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa

Hal qof ayaa ku geeriyooday labo kalana waa ay ku dhaawacmeen Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Hariyar,ayaa ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko,kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayaan.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa gaarigan.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay sugidda ammaanka gobolka Banaadir,iyadoo saraakiisha hogaamisa ciidamada qalabka sida ay ciidamada amar ku siiyeen in ay waqtigooda ku bixiyaan sugidda amniga Guud ee dalka,gaar ahaan tan Caasimadda

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka qeyb gali doona shirka Wadatashiga Qaranka ee arimaha doorashooyinka kaa oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Horey waxaa magaalada Muqdisho ugu sugnaa Madaxda Maamul goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle.

Radio Muqdisho oo baahinaya Barnaamijyo ku baxaya luqadda Talyaaniga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta oo sabti ah daah-furay Barnaamij ku baxaya Luqadda Talyaaniga oo laga sii deyn doono Radio Muqdisho.

Agaasimaha oo ka hadlayay xafladda furitaanka ayaa sheegay in si joogta ah Idaacadda Radio Muqdisho looga sii deyn doono barnaamij ku baxaya luqada Talyaaniga, sabtida maanta oo ah bilowga sanadka cusub ee 2022-ka.

“ Maanta oo sabti ah, sanadka cusubna uu bilow yahay, waxaan isugu nimid daah-furka Barmaanijka luqadda Talyaaniga oo luqadaha horay uga bixi jiray ah oo dib loo soo nooleeyay bur burkii ka dib, laga bilaabo maanta waxaanu ka sii deyn doonaa Radio Muqdisho Barnaamijyo ku baxaya  Luqadda Talyaaniga oo isugu jira warar iyo barnaamijyo,” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Agaasime waxeedyada wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska iyo howlwadeenada wasaaradda ayaa soo dhoweeyay tallaabadan lagu soo kordhiyay barnaamijka luqadda taliyaaniga ee ka baxaya Radio Muqdisho, waxayna tilmaameen in looga gol-leeyahay in lagu dardar geliyo shaqada baaxadle ee ay Wasaaraddu qaranka u hayso.

Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Belgium.

Inta la shaaciyay Saddex qof ayaa ku dhintay Qarax  xooggan oo ka dhacay xalay magaalada Turn Haut ee waqooyiga dalka Belgium.

Duqa magaalada Turn Haut, Paul van Mert,  oo la hadlay wakaaladda wararka Belgian ee “Belga” ayaa sheegay in goobta uu Qaraxa ka dhacay oo aad u burbutay ay ku geeriyodeen Sedax Ruux, sidokalana ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.

Mr Van ayaa sheegay in dadka la soo badbaadiyay loo qaaday isbitaalada si loo baxnaaniyo, isaga oo sidokale xusay in burbur xooggan uu soo gaaray dhismaha uu qaraxa ka dhacay.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in qeybo ka mid ah dhismaha gaar ahaan qeybta sare ee dhismahan oo ka kooban afar dabaq oo aad u burbursan.

Ilaa iyo hadda lama hayo xog ku saabsan qaraxan, balse waxaan la tuhunsanyahay inuu ahaa mid ka dhashay qarax gaas.

Booliska Malta oo baaraya geerida muwaaddin Soomaali ah.

Booliska Malta ayaa sheegay in baaritaan ku hayaan shan qof oo lala xiriirinayo shil ka dhacay warshad ku taallo magaalada Marsa  ee Malta, halkaas oo uu ku geeriyooday muwaaddin Soomaaliyeed.

Ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in xiray laba nin, lana weydiinaayo su’aalo ku aaddan sababa geerida muwaadinkan Soomaaliyeed, halka ay xuseen in ay la hadleen saddex kale, taas oo ka dhigan in lagu tuhunsanyahay geerida muwaaddinkan, sida uu qoray Wargeeyska timesofmalta.

Allaha u naxariisteen Axmed Cadaawe Diiriye, oo Soomaali ah, ayaa ka soo dhacay dhismayaal is dulsaaran (Dabaq) kaasi oo dhaawacii soo gaaray u geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay in wiilkan la waayay galabnimadii Isniinta, ee Todobaadkii hore, kadibna dhaawaciisa laga helay Isbitaal aan ka fogeen daartii uu ka soo dhacay.

Ugu danbeeyn Booliska Malta ayaa sheegay inaay baarayaan in ninkan dabaqa laga soo tuuro iyo in uu asaga iska soo tuuray.

Waxqabadkii madaxwayne farmaajo.

Waxqabadkii madaxwayne farmaajo.                                                                             1. Dhismaha iyo tayeynta ciidamada noocyadooda kala duwan. sida GorGor, Haramcad, Duufaan, waran, kuwaas oo leh tayo la yaqaan tiro la yaqaan.

2. Bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada Dawlada si joogto ah.

3. Kiiskii Badda waxaa bilaa shaki ah intuu joogay madaxwayne farmaajo inuu la kulmay cadaadis kaga imanayay Gudaha iyo Dibada taas oo la xiriirtay soo celinta kiiska badda balse uu ku adkaystay Go’aankiisi ilaa Guul laga Gaaray.

4. Xakamaynta Awoodad maamul Goboleedyada.
Awal madaxda maamul Gobolaydyadu waxay heshiis la geli jireen cidii iyo dawladii ay doonan.

5. yarayntii Faragelinta beesha caalamka.

6. soo celinta maamulka hawada somaliya oo laga maamuli jiray kenya.

7. joojinta Qaadkii taaso soomalida lagaga daldalan jiray lacago malaayin ah.

8. hirgelinta barnaamijkii Biometrics screening si loo yareeyo musuqmaasuqa iyo
La-dagaallanka Musuqa.

9. Dhisida laamiyo, biriijyo sida laamiga xiriiriya afgooye iyo muqdisho, jowhar iyo muqdisho.

10. Khilaafkii Khaliijka dhexdhexaadnimo.
11. Xoojinta Xiriirka Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

12. Deyn Cafinta.

13. Dardargalinta Doorashada dalka.

14. Gurmadka abaaraha.

15. Eryiddii Nicholas Haysom.

16  Heshiiskii galmudug iyo ahlusuna.

17. U qaadida caafimaad dibada ah dadka xanuunsan.

18. DOWLAD WANAAGGA

19. Ansixinta sharciga irgaarsiinta, iyo shidaalka dalka.

20. Soo deynta maxaabiista.

21. Isxilqaan dhisida Taaloyinka sida taalada axmed guray, sayidka, SYL, xaawo taako iyo dhagax Tuur Sidoo kale dhisida Muqdisho stadium sidoo kale dhisida madxafka Qaranka iyo Tiyaatarka Qaranka.

Waa in yar oo kamid ah wax qabadkii madaxwayne farmaajo lama soo koobi karo.

Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday Hindiya.

Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhimatay 13-kalana waa ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysto oo ku taal Kashmir qeybta ay maamusho Hindia saacadihii hore ee ssaakay, sida ay sheegeen saraakiisha maamusha Kashmiir qeybta Hindiya.

“Ugu yaraan 12-qof ayaa naftooda ku waayay 13-kalena waa ay ku dhaawacmeen,” sida mid ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Khasaaruhu wuu badnaan karaa maadaama dariiqa loo maro macbadka buurta sare ay ka buuxaan dad isku dayaya inay sameeyaan booqashooyinka sanadka cusub” ayuu yidri Sargaalkan oo magaciisa qariyay.

Isbuurashada ayaa ka dhacday Macbadka Mata Vaishno Devi, oo ah mid ka mid ah macbadyada Hinduuga ee aadka looga qadariyo waqooyiga dalkaasi  Hindiya.

Sarkaal kale oo ka tirsan Hey’adda ka hortagga  masiibooyinka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in toro ka mid ah dadkii Macbadka ku jiray ay geeriyodeen, isagoo sheegay in isbuurashad ay dhacday aroortii hore ee saakay.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa Twitter-kiisa ku yiri “Aad ayaan uga xumahay khasaaraha nafeed ee ka dhacay mid kamid ah goobaha cibaadada dalka”  isaga oo intaa ku daray in uu la xiriiray mas’uuliyiinta deegaanka.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka oo ka wadahadlay Xiisadda Ukraine

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa khadka isgaarsiinta ee taleefanka ku yeeshay wadahadal socday qadar saacad ah,kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan dalka Ukraine .

Putin ayaa u sheegay Biden in in cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogo ay horseedi karto burbur buuxa oo ku yimaada xiriirka labada dal,isagoo intaa raaciyay in cunaqabateyntaan ay noqon doonto “khalad weyn”.

Mr Biden ayaa dhankiisha u sheegay Mr Putin in Mareykanka iyo xulafadiisa ay jawaab adag ka bixin doonaan duulaan kasta oo lagu qaado Ukraine.

Wadahadaladaan oo uu dalbaday Madaxweynaha Ruushka ayaa ah kuwiilabaad ee dhexmara labada madax bil gudaheed,kaas oo socday ku dhawaad ​​hal saac.

Wadahadaladaan ayaa ah  dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu qaboojinayay xiisadda ka taagan xuduudda bari ee Ukraine ay la wadaagto Ruushka, halkaas oo la tilmaamay in ay joogaan 100,000 oo askari oo Ruush ah oo loo diray.

Dhinaca kale, Ruushka, ayaa beeniyay inay qorsheynayaan inay duulaan ku qaadaan dalkaas, waxayna sheegeen in ciidammadu ay halkaas u joogaan dhoola-tusyo mileteri.

Guddiga hirgelinta doorashada Koofur Galbeed oo Shaaciyay doorashada 11-Kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka

Guddiga Maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo dhawaan la qaban doono doorashadooda.

Guddiga ayaa qorsheynaya in 11-kan kursi todobaadka soo socda doorashadooda lagu qabto magaalada Baydhabo.

 

Madaxweyne Lafta Gareen oo ka qeyb gelaya shirka golaha wadatashiga qaranka

Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu shirkaasi ka furmayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay joogaan madaxda afar maamul goboleed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaciyey in Madaxweynaha K/Galbeed oo ah halka Madaxweyne ee Muqdisho ka maqan u dhawaan imaanayo, si uu uga qeyb galo shirka.

“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan,” ayuu yiri Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim.

Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”