Guddiga Qaran ee Abaaraha oo kulankoodii Maanta lagu qeybiyey qoondada lacageed ee loogu talagalay Dowlad Goboleedyada

Kulanka oo ay shir guddomineysay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiir Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa waxaa goobjoog ahaa xubnaha guddiga, waxaana ugu horreyn lagu soo bandhigay macluumad la xiriira halka ay mareyso xaalladda Abaarta ee saameysay dad iyo duunyaba.

Dood dheer kadib guddiga ayaa isku raacay qeybinta yabooha lacageed ee guddigu u qoondeeyay Dowlad Goboleed kasto iyadoo la eegayo xaaladda adag ee maanta ay wajahayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada ay Abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Ugu dambeyntii Guddigu wuxuu isku raacay in wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay casuumaad u dirto wasaaradaha Dowlada Goboleedyada ee qaabilsan Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka si looga jawaabo farriimaha murugada xambaarsan ee ka imaanaya Dhulka Abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdullaahi Xamduuk oo is casilay

Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdullaahi Xamduuk ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay.arrintaa ayaa timid kadib markii uu caawa khudbad u jeeday shacabka Suudaan taas uu uga hadlaayay xaaladda Dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay siduu wax uga qaban lahaa xaaladda cakiran ee Suudaan laaki aysan u suurta gelin ka mira dhalinteeda.
Maalmahaan waxaa dalka Suudaan ka socday bannaan baxyo looga soo horjeedo afgembigii fashilmay ee ciidmadu sameeyeen.

Dadka sameenaayay bannaan baxyada ayaa dalbanaayay xukuumad rayid ah iyo in ciidmadu faraha kala baxaan siyaasadda dalka,dhowr jeer waxaa la jaray adeegyada internet ka si loo xakameeyo bannaan baxyada, waxaana la xiray dad badan oo ka qeyb qaadanaayay mudaaharaadyada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in uu ka furmo Magaalada muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada muqdisho,waxana shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Faderaalka soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,iyaga oo ay ka qaybgali doonaa shirka Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirakan ayaa waxa horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxana balntu ahayd in uu furmo 27-kii Bishii la soo dhaafay ee December balse uu dib u dhacay waxana shirka maanta lagu wado in looga hadlo arrimaha Amniga guud ee dalka,  Sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda Golaha wadatashiga ayaa shirka inta uu soconayo ka doodi doono caqabadaha haysta doorashooyinka iyo sidii loo dar-dargalin lahaa arrimaha doorashooyinka oo la dhaafay xiligii horay Golaha ay ku hishiiyeen in lagu soo gaba gabeeyo doorashooyinka

Waa maxay xumbo badded ?

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo Sonna la hadlay ayaa sheegay in Xumbo badeedka  ay keento isbeddalka Cimilada iyo Saliidda ay iska baddalaan doomaha ee ay ku shubaan badda. Sidoo kale Qashinka ayuu sheegay in uu sababo taa oo ugu danbeyn dhalisa in baddu ay soo tufto Xumbo wasaqeysan oo khatar caafimaad leh.

Waa maxay Xunbada ay badda Muqdisho soo Tuftay?

Hadii aad koob dhalo ah ku shubto biyaha badda kadibna aad ruxdo waxad arkaysa xumbo iyo boodbodka biyaha, sababtuna waa in ay biyaha baddu yihiin curiyayaal iyo madooyin is ku tagay.

Waxa ay xumbo baddedu abuuranta marka ” dissolved Organic matter in the ocean churned up. Marka organic matter ( waxa ka mid ah curiyashan  carbohydrates, lipids, proteins and nucleic acid ) kuwas oo saaid iskugu qasmay sababta oo ah hirarka badda ayaa xoog u kacsan. ( The sea was churned up by heavy winds) .

Xayaabo baddeda  ( algae blooms) ayaa ah kan ugu samayta xun  kadib marka  organic matter badan oo xayaabo badddu ka qariso oxygen ka waxa ka dhex abuurma xumbo kadibna furka tuurata ilaa xeebta.

samayska ka xunbadu way ku kala duwanyihiin badduhu. Waxa run ah in aysan sun ahayn ama dhib u gaysan karin aadamaha marka laga reebo xumbo uu abuuray xayaabo baddeda sunta ah kaas oo sababi karta dadka ” Asmada iyo foodho xanunka qaba ay dhib u gaysato.”  Badana waaba lodabal iyo damashaad taga.

Meelaha ugu badan ee xumbaddan lagu arko waa ” Pacific Ocean ” Ka. Kan ugu danbeyey wuxu ah kii San Francisco ugu badna ee ka dhaca. Dabecadaha badda ayaa ah in qofka aan u kuurgalin uu ku argagaxo amase mucjiso u arko.

Dab qasaare geystay oo ka kacay suuq Ganacsiga Degmada Hodan

Dab geystay Qasaare balaaran ayaa saaka ka kacay suuqa ganacsiga ee Degmada Hodan gaar ahaan xaafada Seybiyaano Magaalada Muqdisho.

Dabkaan oo bilowday abaare 8:00 subaxnimo ee saakay ayaa ku faafay Bakhaaro ganacsi oo u dhowaa goobta dabka ka kacay oo ahayd Maqaaxi waxaana gabi ahaanba basbeelay Bakhaaradii meesha ku yaalay oo ahaa kuwii ugu waaweynaa ee xaafadaasi ku yaalay.

Goobta dabku ka kacay ayaa waxaa soo gaaray gadiidka dab damiska waxa ayna ku qaatadatay ilaa saddex saacadood inay damiyaan dabkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Baanadir iyo Masuuliyiin uu hogaaminayo oo soo gaaray goobta ayaa sheegay in dabka intiisii badmeed hada la damiyay ayan dib ka soo sheegi doonaan qasaaraha uu geystay iyo waxa uu ka dhashay.

Madaxweynaha hir-shabeelle oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Gudoomiye Ku-xigeenkii Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hir-shabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha u naxariistee Gudoomiye Ku-xigeenkii Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Marxuum Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo maanta ku geeriyooday Magaalada Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku ahaa shaqsi daacadnimo karti iyo wadaniyad ku sifoobay kaalin muuqatana ka qaatay dhismaha iyo aas-aaska Dowladnimada maamulka Hir-shabelle.
Madaxweynaha oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hir-shabelle ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo maamulka gobolka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Mareykanka oo 3 dal ka saaray barnaamij ganacsi oo loogu talagalay Afrika

election day in washington

War qoraal ah oo uu soo saaray, Wakiilka Ganacsiga ee Mareykanka,ayaa lagu sheegay in dalalka Itoobiya,Maali iyo Gini laga joojiyay barnaamijka ganacsiga canshuur la’aanta ah ee Afrika,ka dib markii lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo afgambi dhawaan dhacay.

Qoraalkaasi ayaa lagu muujiyay in Maraykanku uu aad uga walaacsan yahay ku xadgudubka xuquuqda bini’aadamka ee ay geysanayaan dalalkaasi,waxaana lagu dalbaday in wadamadaasi ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaya xaqa dadka rayidka ah.

Warbixintaan ayaa lagu sheegtay in Itoobiya, Mali iyo Guinea laga yaabo inay dib ugu biiraan heshiiska haddii ay buuxiyaan qodobbada qaanuuniga ah ee tilmaamaya dowlad wanaaga iyo dhowrista xuquuqda dadka.

Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay safaaradaha Washington ee saddexda dal ee Afrikaanka ah.

Sharciga ganacsiga ee AGOA wuxuu siinayaa wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika canshuur la’aan inay ku galaan Mareykanka,isla markaana ay sameystaan maalgashi, haddii ay buuxiyaan shuruudaha u degsan dalkaasi.

Barnaamijka AGOA,waxaa sanadkii 2000 ansixiyay Koongeeska Mareykanka ,waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo dhaqaalaha dalalka Afrika iyo in la wanaajiyo xidhiidhka dhaqaale ee Maraykanka iyo Qaaradda.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug oo amartay in cid kasta oo Gaalkacyo ku haysata hub sharci darro ah lagala wareego

hawlgalo ciidamada amniga puntland ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacayo ayey kusoo qab qabteen hub noocyo kala duwan isugu jira isla markaana shalay gelinkii dambe lagu soo bandhigay xarunta qaybta taliska Booliska Gobolka Mudug ee puntland iyadoo ay ku sugnaayeen madasha lagu soo bandhigayey hubka saraakiisha heya’addaha amniga,garsoorka iyo maamulka Gobolka ayaa maxkamada darajada koowaad waxay ay xukuntay in dhamaan hubkaas uu la wareego maamulka Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug mudane Cabdinaasir Maxamed ayaa madashan ka akhriyey go’aanka maxkamadda isagoo sidoo kalena sheegay in maxkamadu amartay in cidkasta oo lagu arko hub sharci darro ah lagala wareegi doono.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse ayaa ugu dambayn digniin u diray cid kasta oo hub sharci darro ah ku dhex haysata Gobolka iyo dhamaan deeganada Puntland ee hoos yimaada Gobolka Mudug.

Ola Qaradawi oo xabsiga laga sii daayey

Sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Masar ee MENA oo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in dacwad oogaha dalka Masar go’aamiyay in la sii daayo gabadha uu dhalay caalimka caanka ah ee Yuusuf Al-Qaradaawi oo afar sano oo xabsi ah ku jirtay.

Kiiskan oo xafiiska xeer ilaalinta ee dalku ku soo oogay Ola Qaradawi “ku biirista kooxaha argagixisada iyo maalgelinta argagixisada” waa kiiskii labaad ee lagu soo oogo tan iyo markii la xidhay

Ola ayaa la xiray iyada iyo ninkeeda 30kii Juun 2017 waxaana lagu hayey xabsiga ka hor dacwado isdaba joog ah kuwaas oo sababayey in markasta xabsiga loo cusbooneysiiyo.

Waxa ay carabka ku adkeysay in aysan sameynin wax sharciga ka hor imaanaya iyadoo xustay in sababta  xabsiga loogu hayey mudadaas oo dhan ay tahay in ay tahay gabar uu dhalay Al-Qaradawi.

Aabaheed Yuusuf ayaa loo raadinayaa sabab la xiriirta xiriirka uu la leeyahay dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka ee Masar ka jira.

kooxaha difaacayey Ola oo soo xigtay hadalkeeda intii lagu jiray fadhiyada baadhista  ah ayaa ku dooday in aanay haba yaraatee samayn wax fal ah oo sharciga ka hor imanaya.

Heya’adda socdaalka dalka Sweden oo sheegtay 27,340 qof oo u dhashay dalka Suuriya la siiyey dhalashada dalka Sweden

Warbixin ay bixisay Heya’adda socdaalka dalka Sweden ayaa lagu sheegay in sanadkii 2021 dhalashada dalka Sweden  la siiyey 27,340 qof oo u dhashay Suuriya.

Sida lagu sheegay isla warbixinta waxa sidoo kale dhalashada dalkaas la siiyey 4,067 qof oo Soomaali ah iyo 3,471 qof oo u dhashay dalka Eleteriya.

Warbixintu waxa ay sheegtay in ka dib qulqulka muhaajiriinta Yurub ku soo qulqulaya sanadkii 2015, tirada dadka Suuriyaanka ah ee helay sharciga degenaanshaha iyo shaqada ee Sweden ay kordheen ilaa 150,000.