Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaal dageysa sanad guurada 58-aad (warbixin_

Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefishinada,kuwaasina waxaa ka mid ah afarta wakaaladood ee ugu caansan sida, (AFP), Associated Press (AP), Reuters iyo United Press.

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah,badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha

Dhammaan Wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa kalsoonida dadka, loogana fogaan lahaa wararka beenta ah,iyagoo Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbiya qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin hab ganacsi.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddana,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka  waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay sanadihii u dambeeyay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Hadafka SONNA

1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee  goboladaa iyo caalamka.

7–  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Gabagabadii madaxda wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska 58-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda, aawadeed u diray maamulka iyo shaqaalaha SONNA,wayna u rajeeyeen in sanadkaan kisa kaler ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wakiilka WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada shaqayn, gaar ahaan wada shaqaynta hay’adda WFP ee la xiriirta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano),kaas oo sannadkan uu billaabanayo wajigii labaad,

Kulanka ayaa Waxaa sidoo kale diirrada la saaray ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale WFP uga mahadceliyay shaqooyinka gargaarka ee ay ka qabato Soomaaliya,isagoo dhinaca kale ugu baaqay dhammaan hay’adaha gargaarka inay ballaariyaan ka jawaabida saamaynta abaarta.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaaraha yaa sheegay in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo safar nabad raadin ah u tagay Saax-maygaag

Boocama- Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboledka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) oo shalay gaaray deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa kulammo hordhac ah la yeeshay qaar ka mid ah Cuqaasha ku dhaqan goobihii lagu dagaallamay maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Axmed Karaash oo la hadlayay wax garadka iyo bulshada deegaanka Saax-maygaag ayaa sheegay inuusan ku laaban doonin Garoowe illaa xal waara laga gaaro colaadda ka taagan deegaannada Sange jebiye iyo Saax-maygaag.

Sidoo kale Isimada dhaqanka labada dhinac ayaa billaabay waan-waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda, iyagoo kulamo la qaadan doona dadkii ay wax kala gaareen.

Xarunta Golaha shacabka South Afrika oo markale dab ka kacay

Dab ayaa markale ka kacay xarunta dhismaha Golaha shacabka dalka South Afrika ee magaalada Cape Town, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiintu,iyadoo islamaalinimadii Axadda hore ahayd sidan oo kale dab uga kacay saqafka sare ee dhismaha Baarlamaanka.

Khasaaraha uu sababay dabkani ayaa lagu sheegay inuu baabiyey dhismaha dabaqa saddexaad oo ahaa dhisme isugu jiray Xafiisyo iyo goobo Jimicsi.

muuqaal toos ah oo laga sii daayay telefiishan maxalli ah ayaa muujinayay dab-damiska oo isku dayaya in ay hawada ka damiyaan ololka saqafka sare ka kacay.

Booliska ayaa Axadii sheegay in ay qabteen 49 jir looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa dabka, waxaana la filayaa in tuhmanaha la soo taago maxkamada maanta isagoo wajahayaa eedeymo ah inuu guri jabiyay iyo xatooyo, iyo sidoo kale dab qabadsiinta dhismaha Baarlamaanka.

 

Booliska Faransiiska iyo Tahriibayaal ku sugnaa Calais oo isku dhacay.

Booliiska Faransiiska ayaa teendhooyinkooda ka eryay muhaajiriin aan caadi ahayn, waxayna u isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa intii uu socday howlgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada waqooyiga ku taalla ee Calais.

Sida laga soo xigtay sawirro ay soo dhigeen kormeerayaasha xuquuqul insaanka barahoodaTwitter-ka, waxay sidoo kale la wareegeen Ciidanku ku dhawaad ​​30 teendho iyo shan cooshado ah oo ku yaalay xerada muhaajiriinta aan caadiga ahayn.

Dhinaca kale Ugu yaraan 15 askari oo Booliis ah ayaa todobaadkii hore ku dhaawacmay dagaal saacad qaatay oo ay la galeen muhaajiriin ku sugnaa Calais.

Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku dhaawacmay dagaalka,sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee France Bleu.

Askar ka tirsaneed ciidanka Israa’iil oo ku dhimatay shil diyaaradeed.

Laba askari ayaa geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray markii ay bur-burtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay lahaayeen ciidanka cirka ee Isra’il.

Diyaaraddan ayaa ku bur-burtay aroornimadii hore ee saakay xeebta degmada Xayfa ee badda Mediterranean-ka, xilli ay ku guda jirtay duullimaad tababar ah, sida ay sheegeen miilatariga Yuhuudda.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobalka oo baaq nabadeed u diray Dadweynaha Ku nool deegaanka Saaxo Maygaag

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Gobalka iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal ayna Goob joog ka ahaayeen Saraakiisha Amniga Gobalka ayay Baaq nabadeed ugu direen Beelaha walaalaha ay ee ay dirirtu ku dhexmartay deegaanada Saaxo maygaag iyo Sanga jabiye iyagoo carabka ku adkeeyey in nabada la qaato xal waarana laga gaaro colaadan.

Taliyaha Qaybta ayaa dhanka kale ku booriyay Bulshada Gobalka Nugaal gaar ahaan caasimada Puntland ee Garoowe ka shaqaynta nabada iyo in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara amni daro iyo shaqaaqo dhacda.

Xaalada deegaanka Saaxo Maygaag oo ay shalay ku dagaalameen Beelo walaalo oo halkaasi wada daga ayaa laga soo sheegayaa daganaansho waxaana ku baxay deegaanadaasi Madaxwayne ku-xigeenka Puntland axmed Cismaan cilmi Karash iyo isimo kala duwan oo xal doonayaal ah .

Taliyaha ururka 64-aad oo hawlgalo amniga lagu sugayo ka sameeyey Deegaano hoos yimaada Degmada Afgooye

Taliyaha Ururka 64-aad laba Xiddigle Cali Cabdullaahi Halac iyo Taliyaha Ururka 35-aad ee Guutada 7-aad Dhamme Ganey Caga-dadab oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmadda Wala-weyn ayaa safar kormeer shaqo ah waxay ku soo mareen deegaanada u dhexeeya Afgooye iyo wala-weyn ee gobolka Shabeelada hoose.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa u kuur gelida xaaladaha amni ee deegaanadaasi.

Dadweynaha ku nool Deegaamadaaa ayaa soo dhaweyn diirran ku qaabilay Waftiga intii ay ku guda jireen Safarkooda shaqo.

Guddoomiyaha Maamulka Dhuusamareeb oo tababar u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaraddaha Galmudug

Tababarkan oo mudo sedax maalmood ah u socday shaqaale ka tirsan wasaaraddaha Galmudug iyo Maamulka Dhuusamareeb ayaa Ku saabsanaa sida loo xaliyo qilaafaadka iyo isku dhacyada bulshada, waxaana geban-gebadiisan kasoo qayb galay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, madax ka socotay hey’adda UNDP oo laheyd agaasinka tababarkan iyo tababarayaal ka tirsan Jaamacada Gaalkacyo oo bixinayay casharada mudadii sedaxda maalmood aheyd ee aqoon kororsigan socday.

Qaar ka mid ah shaqalaha tabarka ka loo qabat ayaa iyana ka mahad celiyay aqoon kordhintan loo sameeyay, iyagoona balan qaaday in ay dhaqan galin doonaan casharada ay qaateen oo muhiim u ah nabadgalyada guud ee Bulshada.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo soo xiray tababarkan ayaa sheegay in dhisida aqoonta shaqaalaha dowlada hoose kaalin mug leh ka qaadan karto xalinta qilaafkaadka keena gacan ka hadalka ee deegaanada miyiga inta badan ka dhaca.