QM iyo Mareykanka oo baaq ka soo saaray xaalladda dalka Kazakhstan

Qaramada midoobay iyo aqalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalkaasi, ka dib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabshadaha oo ay horumariyaan wadahadalka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu taageerayo “baaqyada deganaansho” waxayna sheegtay in mudaaharaadayaashu ay awood u yeeshaan inay “si nabad ah isu muujiyaan,” iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta “in ay dhankooda is xakameeyaan.”

Maamulka dalka Kazakhstan ayaa jaray internet-ka iyo taleefoonnada gacanta ee dalka oo dhan, waxaana ay horay ugu dhawaaqeen xaallad degdeg ah oo ka jirta xudunta isu soo baxyada oo ah caasimadda dhaqaalaha Almaty iyo gobolka Mangystau,mudaharaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.

Wasiirka Gaadiidka XFS oo beeniyay in la wareejiyay maamulka hawadda Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa maanta oo taariikhdu tahay 5 Janaayo 2022, waxaa uu beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo la xariira maamulka hawadda Dalka.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa beeniyay in maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu Yiri Wasiir Duran Axmed faarax.

Soomaaliya ayaa maamusha hawadeeda, waxaana tani ay qayb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay dagaalame ka soo goostay Al-Shabaab

Baydhabo- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 60-aad ee ku sugan  Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ayaa soo bandhigay Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Nabadiidka Al-Shabaab oo isku soo dhiibey ciidanka.

Abshir Cabdiraxman Cabdi ayaa nabadiidka Al-Shabaab ku jirey mudo ku dhow labo sano, waxaana uu u qaabilsanaa dhanka  Xisbiyada, isagoo  sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Argagixisada ka soo baxo ay tahay dhibaatada iyo go’odoonka ay shacabka ku hayaan Nabadiidka Al-Shabaab .

Abshir ayaa baaq u direy saaxiibaddiisii hore ee ku jira maleeshiyada Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo ay isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda, si ay helaan mustaqbal wanaagsan.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho oo galay maalinkii saddexaad

Waxaa maalintii 3-aad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran  ee ka socda magaalada Muqdisho oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa diiradda lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka.

Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Nuur Macalimuu, oo ka xog waramay shirka ayaa sheegay in madaxdu ay si hufan uga doodeen maanta ajandeeyaashii la qorsheeyay ee dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada iyo amniga doorashadda. Iyagoo ballan qaaday inay fulin doonan tallooyinkii ka soo baxay shirarkii kala duwana ee madaxdu la yeeshaan Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Beesha Caalamka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo gargaar lacageed oo loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen,iyagoo maanta qoondo lacageed ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay   Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha, ayaa sheegtay in ay sii  socon doonaan howlaha gurmadku.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo hambalyeysay Sanad guurad Aas-aaskii wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

Safaaradda Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed u dirtay Maamulka iyo howl-wadeennada Wakaaladda.Qoraal ay safaaradu soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay safaaraddu ku sheegtay inay sii wadi doonto fududaynta isdhaafsiga warbaahinta si ay u helaan adeeg wanaagsan oo u dhexeeya labada shacab ee saaxiibada ah

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee  SONNA oo ku soo shaqeeysay marxalado kala duwan ayaa maanta u dabbaaldageyso sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskeedi.

Ra’iisal wasaare Rooble oo hambalyeeyay 58-guurada Aas-aaskii wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Muadane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo la wadagay madaxda iyo shaqaalaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo manta u dabbaaldagayo 58 sanad guurada ka soo wareegtay markii la Aas-aasay

Ra’iisal wasaaraha aya shegay in Wakaaladda waraka Qaranka soomaaliyeed ay howl wanagsan ay u heeyso dowladda iyo guud ahaan bulshada soomaaliyed isagona Maamulka iyo howl-wadennad wakaaldda u rajeeyay in halkaa ay ka sii  wadaan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka.

“Wakaaladdu waa Isha Rasmiga ah ee dalka, waxana rajeeynaya in halkaas kasii labalaabi doontan dadaalkiin iyo howsha aad u heysaan Qaran”Ayu yiri Ray”iisul wasaare Rooble

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa isna hambalyo la wadagay madaxda iyo shaqaalaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo maanta u dabbaaldagayo sanadguuradii 58-markii la Aas-aasay Wakaaladda

“waxan Hambalyo leeyahay Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Qaranka soomaaliyed  dabbaaldaga sanadguuradii 58-Aas -aaska wakaaladda oo ku asteeysan 5-01-1964”ayu yiri wasiirka

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan laqaatay Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka.

Golaha ayaa Bulshada Rayidka iyo haweenka Soomaaliyeed ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Mareykanka oo ka digay socdaalka Caalamiga ah ee Badda Cas

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Maanta oo Arbaca ah, cambaareysay afduubka kooxda Xuutiyiinta ay kula kaceen Markabka “Rawabi” oo ku safrayay xeebaha Xudeydah ee dalka Yeman.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa afduubka markabka ku timaantay mid khatar ku ah socdaalka Marakiibta caalamiga ah ee isaga kala goosha Biyaha badda cas.

Ciidamada Isbahaysiga Yeman ayaa horay ugu dhawaaqay in weerarada Marakiibta loogu geeysta dekeddaha Yeman ay ka dhigantahay bartilmaameed millatari, cid kasta oo fafalkaas ku kacdana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Yeman Sareeye Guuto Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay in marka laga soo tago Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidamada Isbaheysiga, in maleeshiyaadka Xuutiyiinta uu u gacan galay Markabka Rawabi xilli uu marayay biyaha caalamiga ah ee Badda Cas, iyaga oo si xoog ah ku geeyay dekedda Saliif.

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyeeyay 58-guurada Aas-aaskii wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cusman Obokor Dubbe ayaa hambalyo ku Aadan Sanad guurada 58 ee ka soo wareegtay Aas-aaskii wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u diray Maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda

“Waxaan Hambalyeynayaa Howl-wadeennada iyo Madaxda Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyee ee SONNA oo aan ugu hambalyeeynayo 58- sanno guurada Aas-aaska Wakaaladda  SONNA waxana u rajeynayaa in ay la jaanqaado Wakaaladaha kale  ee Wararka Aduunka”Ayu yiri Wasiir Dubbe

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee  SONNA oo ku soo shaqeeysay marxalado kala duwan ayaa maanta u dabbaaldageyso sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskeedi.