Mid kamid ah Maleeshiyaadka Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Cusmaan Cabdi Kuusow oo ka tirsanaa argagixisada Alshabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 60aad kadib markii u sheegey in uu udul qaadan waayey gabood falada Nabadiidka Alshabaab ay kula beegsaneyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cusmaan Wuxuu Nabadiidka Alshabaab ku jirey 6 sano, isagoona uqaabilsanaa Dagaalada Wuxuna ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka Dhaceen Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

waxa uu Saaxibadiis kale ee ku jira argagixisada Alshabaab ugu baaqey in ay isku soo dhiibaan Dowladda Soomaaliya, isagoo intaas ku darey in Maanta Nabadiidka Alshabab aysan aheyn kuwa laga sii mid ahaado.

Ra’iisul Wasaaraha Jfs Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomay deeq gargaar ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jfs Mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Ka guddoomay deeq gargaar ah dowladda Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay, isagoo dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.S

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka sida ay u garab taagan tahay markasta Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Tiro Al-Shababab ah oo saaka lagu dilay deegaanka Baxdo

Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee Galmudug ayaa sheegay in halkaasi uu saaka ka dhacay dagaal u dhaxeeyay kooxda Al-Shaab iyo dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Kooxda Argagixisada Al-Shabaab  ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka Baxdo, iyagoo halkaasi kala kulmay iska cabin iyo jab xooggan oo dadka deegaanka ay u  geysteen kooxdaasi.

wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab halkaasi looga dilay 20 ruux

Wasiirka Shaqada XFS oo ka warbixiyay qodobbo la xiriiray shaqo abuurka iyo caawinta dadka nugul

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS  C/wahaab Ugaas Khaliif oo ka qeybgalay barnaamijka kulamka todobaadka ee warbaahinta qaranla ayaa ka hadlay arrimo la khuseeyay shaqo abuurka iyo wax u qabashada dadka nugul ee ku barakacay abaaraha.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda Federaalka, Bangida dunida iyo hey’adda WFP ay isla garteen in lacago gaaraya 185 milyan oo doolar lagu taakuleeyo dadka nugul iyo kuwa ay saameeyeen abaarah iyo cayayaanka loo yaqaanno Ayaxa,

C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa sheegay in mashruuca kaalmeynta dadka uu socon doono labada sano ee soo socota,isagoo intaa ku daray in lacagahaasi ay ka faa’ideysan doonaan 48 degmo oo ka mid ah dalka.

Wasiirka ayaa qiray in lacagahaasi oo si toos ah ugu soo dhacaya bangiga dhexe loo diri doono dadka liita,iyadoo la sameynayo dabagal ku aadan in si habsami leh loo bixiyay lacahaasi oo ay kormeeri doonaan wasaaradda shaqada,Hey’adda WFP iyo Bangiga Dunida.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS  C/wahaab Ugaas Khaliif  ayaa ka dhawaajiyaty in dalal kamid ah Sacuudiga ay ogolaadeen  bicinta tababarro kor logu qaadayo aqoonta shaqaalaha,wuxuuna dhinaca kale caddeeyay in sanadka soo socda la sameyn doono shaqo abuur .

Tirakoob iyo dib u habeyn lagu sameeyay ciidamada xoogga ee ku sugan Hiiraan

Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka Col Maxamuud Xassan Ibraahim Baakay, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, iyo taliyaha qeybta 27-aad Generaal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay dhaarin iyo tirakoob lagu sameynaayo ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

ku xigeenka xeerilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in hadafka laga lee yahay dhaarintan iyo tirakoobka ciidamada ay tahay sidii ay uga fogaan lahayeen wax kasta oo dhibaato ku ah qaranka.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Generaal Axmed Maxamed Calasow ( Tareedisho) ayaa sheegay in guud ahaan qeybta 27-aad  ay ka socoto diwaangelinta iyo dib u Habeynta lagu sameyno ciidamada si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado cadowga ku soo duulay.

Ciidanka xoogga oo dilay shan ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab

Ururka 4-aad guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay 5 horjooge iyo xubno badan oo ka tirsanaa malleeshiyada Al-Shabaab, sida uu xaqiijiyey Taliyaha guutada 16-aad Kumandooska Danab Gashaanle dhexe, Axmed Cabdilaahi Nuur Beeryare.

Taliyaha ayaa intaa ku daran in uu howlaglkani yahay mid lagu ciribtirayo haraadiga malleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.

Wasaaradda ganacsiga oo furtay kulan lagu xoojiyanayo maamulka ganacsiyada gaarka loo leeyahay

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md, Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa furay kulanka aqoon-iswaydaarsiga ah oo u dhaxeeya dowladda iyo ganacsatada, kulankan oo Wasaaraddu soo qaban-qaabisay ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta maamulka ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Barnaamijka wada-hadalka dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa waxa maal-gelinaya Midowga Yurub waxana hirgelinaya hay’adda DAI.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socda hay’adaha dowladda, rugta ganacsiyada, xarumaha lagu kobciyo ganacsiyada ,iskaashatooyinka, ganacsatada yar-yar, kuwa dhexe, khubaro iyo cilmi baarayaal kala duwan.

Gabdho tababar umulisanimo loogu qabtay Kismaayo

69 gabdho umuliso ah oo ka kala yimid 11 gobol oo dalka kamid ah ayaa magaalada Kismaayo loogu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan barashada xirfadda umulisonimada, kaas oo ay iska kaashadeen wasaaradda caafimaadka Jubaland iyo hey’adda UNFPA.

U jeedka barnaamijkan lagu tababaray gabdhahan ayaa ah mid loogu gol leeyahay sare u qaadida tayada adeega caafimaadka ee haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan xilliga dhalmada.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ugu liito adeega caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Magaalooyin ka tirsan Galmudug oo laga hirgelinayo Leyrarka ku shaqeeya cadceedda

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha dowlad goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa degmada Gelllinsoor ka dhagax dhigay mashruuc leyrarka kushaqeeya cad-ceedda looga hirgelinayo magaalooyin ka tirsan Galmudug.

Mashruucan Soollarka oo ay hirgelintiisu gacan weyn ku leedahay dowladda Norwey ayaa laga fulin doonaa magaalooyinka Gelinsoor, Balanbal iyo Dhuusamareeb, iyadoo haatan loo qoondeeyay saddexdaas degmo 110 xabbo oo layrarka cadceedda ku shaqeeya ah, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha dowlad goboleedka Galmudug.

Muhiimadda degmooyinkan looga hirgelinayo mashruucan ayuu ku sheegay wasiirku ka qayb qaadashada amniga iyo dhiirri gelinta ganacsiga, isagoo ugu baaqay bulshada degaanka inay ilaashadaan hantidooda, kana shaqeeyaan horumarinta iyo bilicda degaanka.

Maamulka iyo wax garadka degmada Gellinsoor ayaa dowladda Galmudug ugu mahad celiyay mashruucan nalalka cadceedda ku shaqeya ee laga hirgeliyay halkaas.

Suuriya goob u dhow xarun ay ku sugan yihiin Ciidamada maraykanka oo lala beegsaday tiro gantaallo ah

Tiro gantaalo ayaa lala beegsaday goobta saliidda ee Al-Cumar ee gobolka Deir ez-Zor ee bariga Suuriya, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidammada Mareykanka.

Gantaalladan ayaa sida la sheegay ku dhacay dhul ku xeeran ceelasha shidaalka, kuwaas oo aan geysan wax khasaare ah sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah oo codsaday in aan magacooda la sheegin,iyagoo dhinaca kale xusay in gantaalada laga soo tuuray Mayadin, oo hoy u ah kooxaha argagixisada.

Talaadadii hore ayey ciidamada isbaheysiga oo uu hogaamiyo Mareykanku waxay duqeeyeen saldhigyada gantaalada riddada gaaban ee bariga Suuriya, iyagoo sheegay inay halis ku yihiin xarun ay isticmaalaan askarta Mareykanka.