Wasiirka Gashaandhigga oo kulan la qaatay Gen. Tadesse Amelo Sieso

Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo kulan la qaatay Gen. Tadesse Amelo Sieso ayaa yiri “Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshey wafdi uu hoggaaminaayo u-qeybsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo Sieso. Waxaanna kawada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka (STP), iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika. Waxaan uga mahadceliyey dadaalada ay ku bixinayaan ladirirka Aragagixisada iyo nabadeynta guud. Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Sources: SONNA

Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo kormeerey Ceelbiyood laga qodayo Deegaanka Gosol

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur iyo Mas’uuliyiin  kale ayaa maanta gaaray Deegaanka Gosol ee Gobolka Mudug.Waxayna kormeereen qodista Ceelbiyoodka Deegaanka Gosol oo ay baahi weyn u qabeen Bulshada.

Waxaan Shacabka Deegaanka Gosol lagula  Dar-daarmay inay ilaalshadaan Ceelka. Waxayna  u balan qaadeen qalabaynta Ceelkaan oo uu xusay in baahi weyn u qabeen bulshada.iyo inay waxbadan u qaban donann oo bulshada waxtar u leh.

Shirka Amniga Garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Farah ayaa maanta Shir guddoomiyay Shirka billaha ah ee Amniga Garoonka Aadan Cadde kaas oo ay ka qaybgaleen Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Saraakiisha Amaanka iyo AMISOM.

Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Hay’adaha amniga ka dhagaystay warbixinta Amniga ee Garoonka, waxaana intaas kadib uu ka mahad celiyay sida shaqada ay u socoto, isagoona Hay’addaha Amniga faray inay soo laba jibaaraan Shaqadda ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Maamulka Garoonka ayaa soo bandhigay warbixin la xariirta qiimayn lagu soo sameeyay dhismaha Parking cusub oo garoonka yeelanayo, waxaana ay sheegeen in dhawaan bilaabayaan dhismhiisa.

Wasiirka Gashaandhigga oo kulan la qaatay Gen. Tadesse Amelo Sieso

Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo kulan la qaatay Gen. Tadesse Amelo Sieso ayaa yiri “Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshey wafdi uu hoggaaminaayo u-qeybsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo Sieso. Waxaanna kawada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka (STP), iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika. Waxaan uga mahadceliyey dadaalada ay ku bixinayaan ladirirka Aragagixisada iyo nabadeynta guud. Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maalintii 5aad galay.

Madaxda golaha wadatashiga Qaran ayaa maanta oo sabti ah sii amba-qaaday kulankoodii ay diirada ku saarayeen arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Madaxda ayaa waxa ay  maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa balan qaaday in dalka ka qabsoomeyso doorasho daaf-furan oo lagu kalsoon yahay iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha shacabka.

Madaxii hore ee sirdoonka Kazakhstan oo xabsi la taxaabay

Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka gudaha ee Kazakhstan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay qiyaano qaran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kazakhstan maanta oo Sabti ah.

Guddiga Amniga Qaranka(KNB), ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Karim Masimov la xiray ka dib markii ay bilaabeen baaritaan ku saabsan eedeymaha laga soo gudibayay oo ku saabsanaa qiyaano qaran.

Xariga Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Kazakhstan, ayaa ku soo beegmaya xilli gudaha dalkaas ay ka socdaan dibad baxyo xoogan oo ka dhan ah Dowlada.

Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay Kismaayo

Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa Hawlgallo ka sameeyay Xaafadaha kala duwan oo ka tirsan magaalada Kismaayo.

Sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Amniga, Ciidamada ayaa howlgalladan ku xaqiijinayay amniga, kaasi oo laga sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo, iyagoo baaritaan xooggan ku saarayay guryaha iyo gaadiidka dadweynaha.

Sida ay shegeen Sarakiisha Ammaanka Howlgaladan ayaa sii socon doona si looga hortago khataraha argagixisada Al-Shabaab iyo waxkasta oo amniga lid ku ah.

Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo caawa ka socda Muqdisho

Shirka Madaxda Gollaha wadatashiga Qaranka oo ay iswada jirta usoo xaadireen dhamaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble & Madaxda Maamul Gobaleedyadda iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa caawa ka socda magaaladda Muqdisho.

“Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo caawa loo ballansanaa ayaa galay Maalintii 5-aad oo ay siwada jir ah uyeelanayaan, Ra’iisal wasaaraha, dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyadda iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Si loosii ambaqaado Ajandayaasha.

Shirka ayaa ka socda hotelka Decale ee Magaaladda Muqdisho halkaas oo ay xaadir kuwada yihiin Dhamaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran,Waxii horumar ah ee ka soo kordha shirka inshallah waan idinla socodsiin.doonnaa.

ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

 

 

Madaxweynaha JFS oo Wareegto kasoo saaray lacagti laga qabtay Garoonka Diyaaraddaha Aadan Cade.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda  inaan Laga saari karin  Lacagta sida Sharci darrada ah Ku soo gashay Dalka.

Lacagtan oo Cadadkeedu lagu sheegay 9.6 malyin USA doollar  ayay sheegeen Ha’yaddaha Amaanka  in ay Ka Qabteen Sideedii bisha Abril ee Sanadkii 2018-dii, Garoonka Diyaaraddaha Aaden Cabdulle Cusmaan “Aaden Cadde”.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo daah-furay shirka nabadeynta dadkii ku diriray Saax-Maygaag

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah.

Go’aamadaas oo kala ah.

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista maleeshiyaadkii dirirtu dhex martay.

3.In dowlad goboleedka Puntland la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Puntland waxay magacaabaysaa guddi kormeera qodobada lagu heshiiyey fulintooda.

5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.