Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dad ku eedeysan dilka Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland

Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal ayaa shaaciyey in ay gacanta ku soo dhigeen ilaa afar qof oo saddex dumar ay yihiin, kuwaasi oo ku eedaysan dilka Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsan Dowladda-hoose ee caasimadda Garoowe oo xalay halkaasi lagu dilay.

Ciidamada ayaa waxay saddexdan qof ku soo qabqabteen hawlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada gaar ahaan xaafadaha Garowe, kaas oo ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amniga magaalada.

Saraakiisha amniga ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay adkeeyaan nabad-galyada iyo la dagaalanka kooxaha falalka ammaandari geysta.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku dilay 25-maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Gor Gor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Bariire ayaa ku dilay ku dhawaad 25-maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan nabad-diidka Al-Shabaab.

Ciidamada oo si gaar ah howlgalka kaga fuliyay inta u dhexeeysa deegaanada Tawakal iyo Bariire, ayaa dagaal kooban oo halkaas ka dhacay waxay jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.

Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor Dhamme Nageeye ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay argagixisada gaarsiiyeen khasaare xooggaan islamarkaasna ay ka dileen 25-maleeshiyaad iyo dhaawac intaasi ka badan.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ay ciidamada ka war heleen in tiro maleeshiyo ah isku uruursanayaan deegaanada weerarka lagu qaaday si ay dhagar ugu maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore XFS Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Sources: Sonna

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo so gabagaboobay

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagabeeyay shirkii uga socday Muqdisho oo uu shir guddoominyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka shirka

Kulan u dhaxeeya Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka oo hadda socda

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la leh wakiillada  Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyadoo uu heer gebogebo ah marayo Shirka Golaha ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho.

Shirka oo heer gebogebo diiradda saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.

              

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo mar kale ciidamada uga digay in ay ku milmaan siyaasadda

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale ciidamada Qaranka uga digay inay ku milmaan ama loo adeegsado siyaasadda, isagoo askarigii lagu helo kiis noocaas ah ugu goodiyey in sharciga la hor geyn doono.

“Iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka, waxaan mar labaad ciidamada xooga dalka farayaa inay ku ekaadaan waajibaadkooda qaran, ayna ka fogaadaan inay ku milmaan ama loo adeegsado siyaasadda. Cidii ay ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shuruucda dalka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Wasiir Cabdulqaadir.

Shirka looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Baydhabo

Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subug ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta amniga,isku furista wadooyinka isku xira deegaanada maamulkaas iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Shirka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ,Booliska ,Nabad Sugida,AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka Koonfur Galbeed.

Dhammaan Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galay ayaa isku raacay dardar-gelinta qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu kaga sugantahay K/galbeed iyo in la adkeeyo ammaanka.

Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray sidii loo kaalmeyn lahaa dadka abaaraha ka soo barakacay

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga ka jawaabista Abaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ugu hadleen xaaladaha abaarta dalka gaar ahaan saameynta ay ku yeelaneyso Gobolka Banaadir iyo sida loo qorsheyn karo howlaha gargaar ee la siinayo dadka kusoo barakacay Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa shirkooda ku sheegay in usbuucyadii lasoo dhaafay ay soo gaareen xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir dad farabadan oo kasoo barakacay Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan ku howlanaa shaqooyin ay ka mid tahay gacansiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sidoo kale xiriirinta, kor-joogteynta dhamaan Howlaha gargaar bixinta ee ka socda Gobolka Banaadir.

Golaha wadatashiga Qaran oo kulan la leh midowga musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gudoominaya kulan golaha wadatashiga qaranka ay la leeyihiin midowga Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha ka socda Midowga Musharixiinta oo laga tala galiyay isfaham laga gaaray arrimaha amniga iyo dhameystirka dardargalinta geeddi socodka dooraashooyinka Dalka.

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada iyo amniga .

Heshiiskan waxa uu horseedayaa doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman.

Roobab xooggan oo ka da’ay Brazil oo sababay khasaare dhimasho

Roobab ka da’ay koonfur bari dalka Brazil ayaa sababay khasaare dhimasho ka dib markii darbi kusoo dumay doomo marayey haro biyood ku taal goobta lagu magacaabo Lago de Furnas halkaas oo u dhow magaalada Capitolio,sida ay xaqiijiyeen maamulka deegaanku.

Afar doomood oo darbigu kusoo dumay ayaa laba ka mid ahi degeen, iyadoo ay ku dhinteen toddobo qof,kuwaas oo saddex ka mid ah maydkooda laga helay dooni uu si toos ah ugu dhacay darbiga soo dumay sida ay xaqiijisay waaxda dab damisku.