Madaxweyne Farmaajo Oo Bogaadiyay Qodobada ay Go’aamiyeen Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha  oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka.”

Madaxweynaha ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

Source: SONNA

Hor-jooge ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaliya

Hor-jooge sare oo ka tirsan kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Dowladda Soomaliya.

Hor-joogahan oo lagu magacaabo Aadan Guurow Isaaq oo muddo toddobo sanno ah ka tirsanaa maleeshiyaadka Argagaxisada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Baraawe.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo ah taliyaha ururka 25-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Aadan uu kala soo cararay naftiisa kooxaha argagaxisada.

Ciidanka Xoogga ayaa beryahan waday dabar-goynta Kooxaha Argagixisadda ah iyagoo maalmihii la soo dhaafay ay korodhay tirada Argagixisadda isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ka dib markii Ciidanka Xooggu burburiyeen dhufaysyadii iyo goobihii ay ku dhuuman jireen Argagixisaddu.

Wasiirka Gaashaadhigga XFS oo kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaliya

Wasiirka Gaashaadhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka ,la dagaalanka aragagixisada iyo in ciidamada Soomaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen argagixisada caqabadda ku ah amniga iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galay shirka madasha dhallinyarada adduunka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, mudane Ilyaas Shiikh Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka madasha dhallinyarada adduunka oo ka dhacaya magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar.

Danjiraha ayaa bogaadiyay madaxweynaha Masar Cabdiataax Al-siisi iyo dowladda Masar oo si wanaagsan u soo qabanqaabiyay shirkan oo socon doona 10 ilaa 13-ka bishaan January.
Danjiraha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka madashaan , si looga faa’iideysto afkaaraha kala duwan ee dhallinyarada kasoo qeyb gelaysa shirka si loogu hormariyo dalalkooda.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo soo dhaweeyay Qalab casri ah oo ay keentay Hay’adda Valar

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Ahmed Farax ayaa maanta mas’uuliyiinta Hay’adda Valar la qaatay kulan la xariira Qalab Casri ah oo ay ku wareejinayeen Garoonka Adan Cabdulle, kaas oo ka qayb qaadanaya amaanka .

Kulanka waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Mareeyee ku xigeenka Garoonka Aden Cabdulle iyo Saraakiil ka socotay laamaha amniga.

Wasiir Duran Farah ayaa sheegay in qalabkaan casrigaa uu amniga Garoonka waxbadan ka tari doono, isagoona uga mahadceliyay Hay’adda valar taageeradooda.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay kor u qaadista amaanka garoomada dalka guud ahaan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada oo kormeertay Xarunta MCHka Degmada Hodan

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta kormeertay Xarunta MCHka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Kormeerkaan oo ahaa mid ay ugu kuur galeysay sida loogu qidmeeyo Bulshada kunool Degmada Hodan. Ayadoo xiligaa ka socdeen Xarunta MCHka adeegyo Caafimaad oo loo qabananyay shacabka Dagmada Hodan.

Madaxwene ku-xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Madaxtooyada

Madaxwene ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Puntland.

Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo dar-dergelin lahaa hawlaha Amni ee Madaxtooyada iyo in Ciidamada ka fogaadaan wax kasta oo wax yeelayn kara sharaftooda, isla markaana hoos u dhigaya kalsoonida shacabka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal lidi ku ah sharciga Ciidanka.

“Waxaad huwan tihiin sharaftii ciidamada Puntland maadaama aad ka hawl galeysaan xaruntii laga hagayey dowladnimada, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inaad ka dheeraataan wax kasta oo dhaawici kara sharaftiina.

Ciddii lagu helo wax ka baxsan xayndaabka Ciidannimo waxaan ka qaadaynaa talaabada sharciga ah ee ku haboon.

Waan idiinka mahadcelinayaa shaqada baaxada leh ee aad haysaan, anigoo idinku boorinaya inaad sii laba jibaartaan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka waxa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Ku-simaha Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari horay u dilay qof shacab ah

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada daraawiisha degmada Baladxaawo oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” ayaa lagu fuliyay Dilka toogashada oo ah Qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle uu ku dhex dilay Saldhiga Degmada Luuq, falkaas dilka ah ayaa dhacay 3-da bishii Maarso, 2021.

Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, xeer ilaaliye ku-xigeenka ciidamada qalabka ayaa sheegay in maanta xuku dil ah lagu fuliyay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” oo 32-sano jir ah, taas oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow, waxa ayna Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane.

Mareykanka: 19 ruux oo ku dhintay dab ka kacay New York

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa sheegay in 32 ruux oo la dhigay isbitaal,dhowr ka mid ah ay aad u liidato xaaladdooda caafimaad.

, Madaxa waaxda dab-damiska Daniel Nigro ayaa sheegay inay heleen dhibanayaal ku sugnaa qolal ka mid ah  19-ka dabaq, wuxuuna intaa raaciyay in dhimashadu ay tahay tii ugu darneyd ee lagu arko New York muddo 30 sano ah.

Dabka ayaa ka kacay qolal ku yaalla dabaqa labaad iyo kan saddexaad ee dhismaha Bronx abbaarihii 16:00 GMT.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo qaabilay wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabbilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wasiirka iyo  Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Kulanka ayaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka, wuxuuna wasiirka uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya.