Baarlamaanka Carabta oo si adag u cambaareeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa si adag loogu cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka Carabtu  ku garab taaganyahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah iyo dadaal kasata oo looga hortegaayo falalaka kooxaha xagjirka ah ee caadeystay dilka dadka rayidka ah.

Barlamaanka Carabta ayaa uga tacsiyeyey dowladda iyo shacakba Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta, wuxuna sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay

Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Shikadda gaar loo leeyahay kana shaqeysa howlaha amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada 21-ka Oktober oo ah waddo aad u mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo waxbarasho iyo kuwa caafimaad.

Wali lama oga qasaaraha dhimsho iyo dhaawac,waxaase la filyaa in goordhaw ay faah-faahin ka bixiyaan booliska Soomaaliya.

Waxaa wali la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo la filayo in goordhow faah-faahin ka bixiyaan Booliska Soomaaliyeed.

NATO iyo Ruushka oo kulan ka yeelanaya Colaadda Ukraine

Waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya Caasimadda dalka Belgium ee Brussels, kulamo u dhexeeya Ruushka iyo NATO, kaas oo ay kaga wada hadlayaan Colaadda Ukraine.

Ukraine ayaa horay ugu dhawaaqday inay diyaar u tahay inay qaadato go’aano ay ku tilmaamtay in ay lagama maarmaan u yahiin sidii loo soo afjari lahaa xasaradaha iyo dagaalka u dhexeeya labada wadan ee Ruushka iyo ,Ukraine. halka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ay sheegtay inay sugayso jawaabta Washington ee ku aaddan dammaanad qaadka ammaanka Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa dhankeeda sheegtay in xoghaye Anthony Blinken uu kala hadlay dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba, sii socoshada militariga Ruushka ee ku wajahan xadka Ukraine.

Diblomaasiyadiinta ku hawlan qabanqaabada Wada hadalan u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, ayaa sheegay in soo jeedinno badan oo ka yimid dalalka Yurub ay keentay in lagu dhiirado wada xaajoodkan u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Tahriibayaal ku xayirnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibayaal ah oo muddo ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan oo gaaraya 97-qof ayaa waxaa ku jira shan haween ah, kuwaas oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Cabdisaciid Muuse iyo masuuliyiin kale, ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo celin lahayd tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga Mudane Luca Maestripieri, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee Labada Dal.

Agaasimaha ayaa la wadaagay Wasiirka aragtiyo ku aaddan istaraatiijiyadda horumarineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga tilmaamay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahmiyadda Dowladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo bilaabay in ay Gobolada dalka u kala diraan sahaydii gurmadka Abaaraha ee ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan gaarsiiyey diyaaradii ugu horreysay oo sida raashin deeq ah kaas oo dhowaan Dowaladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay maanta bilaabeen qeybinta deeqdan, iyagoo qorsheynaya in maalmaha soo socda ay taageero noocaan oo kale ah u kala diri doonaan magaalooyinka Xudur ee gobolka Bakool iyo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan Degmada Buurdhubo iyo maamulka Degmada oo kulan yeeshay

Kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha Ururka 48-Aad Guutadda 10-Aad Iyo Maamulka Degmada Buurdhuubo Ayaa Ka Dhacay Taliska Ururka 48-Aad ee Buurdhuubo, Taliyaha Ururka Cabdiraxmaan Ibraahim Muxumed,Gudomiyaha Degmada Cali Shariif Cabdulahi,Ku-Xigeenkiisa, Taliyaha Amniga Degmada Buurdhuubo, Taliyaha Saadka Guutada 10-Aad Iyo Sarakiil Kale Ayaa iyaguna ka qayb galay kulankan.

Shirkan Ayaa ahaa mid  La isaga Xog Waraysanayey Xaaladaha Amni Ee Degmada Buurdhuubo Iyo Nawaxigeeda Iyo Sidii Loogu Gurman Lahaa Dadka Kusoo Xoola Beelay Abaaraha Ka Jira Gobolka Gedo Kuna Dayacan Duleedka Degmada Buurdhuubo

 

Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha Wasiirrada dalka Tanzania

Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada,wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo nin dhalinyaro ah ku biiray siyaasadda Tanzania,isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari horay dil u geystay

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ku fulasay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo qof shacab ah ku dilay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gado

Cabduqaadir faarax dhaqane (Nuune)ayaa dil toogashada lagu fuliyay oo ahayd qisaasta marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeyo, kaas oo uu ku dilay geerish ay ka wada shaqeeynayen Aabihiis oo ku yaal degmada Baladxaawo.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Maxakamadda ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dable Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune) lagu helay in dilka uu ka dambeeyay, islamarkana saakay xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay

Fagaaraha toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad, Ehellada Askariga la toogtay iyo Ehelada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tegay.

Xamse Warfaa oo xil sare looga magacaabay Mareykanka

Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Minnesota (DEED), ayaa sheegtay in Xamse Warfaa, ku xigeenka DEED, loo magacabay xilka Amniga rayidka, Dimuqraadiyadda, iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Madaxweynaha Mareynkanka Joseph R. Biden iyo madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris ayaa Xamse Warfaa u gartay qabashada xilkani sare oo qeyb weyn ka qaadanaya in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Marenkanka galaangal buuxa ku yeeshaan yoolalka iyo ujeedooyiinka la hiigsanayo.

Xamse Warfaa, oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ah, ayaa xilkani ka hor ahaa guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee gobolka Minnesota, sidoo kale, Xamse Warfaa ayaa isku diyaarinaya inuu matalo dhammaan shacabka Mareynkanka.