Guddigii loo xil-saaray qaban qaabada doorashada guddoomiyaha guddiga FEIT ayaa shaaciyay xilliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha guddiga hergalinta doorashooyinka heer Fadaraal.

Guddigii loo xil-saaray qaban qaabada doorashada guddoomiyaha guddiga FEIT ayaa shaaciyay xilliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha guddiga hergalinta doorashooyinka heer Fadaraal.

Kismaayo- Madaxweynaha Dowladda goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta lagaga hadlay qodobo kale duwan.
Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha golaha uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaaka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimadka ee Dowladda Jubaland ayaa kawar bixisay xaalada caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha usoo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada Covid-19 isla markana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan.
Wasaarada Amniga Dowladda Jubaland ayaa golaha usoo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland. waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho kooxaha dhagar-qabayaasha ay isku dayayaan sidii ay ku dhibaateen lahaayeen dadka biramageeyada ah.
Dhinaca kale golaha wasiiradda ayaa ansixiyey heshiis ay wada galeen Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubaland iyo shirkad ganacsato ree Jubaland ay leeyihiin, taasoo maalgashi ku sameeyn doonta keydka shidaalka ee ku dhaxyaala Dekada Kismaayo si loo hormariyo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsantahay Dowlada Jubaland.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland ayaa ay sheegtay in deegaanada Jubaland ay wali ka jiraan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka, gurmadyo kale duwana ay wali ka wado deeganada ay abaaruhu ka jiraan.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa kula kulmey taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabaas Aamiin Cali.
Wasiirka ayaa kulanka inta uu socday warbixin ka dhageystay taliyaha iyo Saraakiisha kulanka ku wehlisay,
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kula dar daarmay saraakiisha Dardar-galinta Howlgaladda ka dhanka argagixisadda iyo ka shaqeynta Horumarinta ciidanka xoogga soomaliyeed..
Ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegay in in ka badan 15-Milyan bulshada caalamka ah oo laga qaaday baaritaa ku aadan xanuunka Covid-19 la ogaaday in ay qabaan xanuunka Covid-19,waxaa sida warbaahinta u xaqiijiyay madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus isagoo inta raaciyay in aad u faafida Fayriska Omicron.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in la kordhin doono baaritaanada laga sameynayo goobaha waxbarashada si ay u sii furnaadaan dugsiyada ay ardaydu wax ku bartaan.
Jeff Zientis oo ka tirsan Aqalka cada ayaa sheegay in la geyn doono xarruumaha wax barshada 5milyan oo ah shaybaarada PCR kuwaa oo loo adeegsanayo baaritaanka Covid-19.
Hindisaha ayaa yimid ka dib markii dugsiyada dadweynaha Chicago ay xirmeen maalmo iyadoo ay jirto ismari waa u dhexeeya howlwadeenada goobaha waxbarashada.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga lana soo marsiiyay Safaaradooda Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan argagaxisada ah, waxaana sidoo kale tacsi u direynaa Shacabka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya. Allah waxan uga rajaynaynaa naxariis kuwa naftooda ku waayey waxana caafimaad degdeg ah u rajeeyneyna dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu yiri” Qoraalka dowladda Turkiga.
Waxa sidokale qoraalka lagu yiri dowaladda Turkiga waxa ay sii wadi doontaa garab istaaga dowladda soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Taha ayaa dhankiisa cambaarayay weerarkaas bahalnimada ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay qasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac Soo gaaray dad isugu jiray askar iyo shacab aan waxba galabsan.
Xoghayaha Guud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falkaasi uuna aad u cambareeynayo isagoo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa lagu taageeray qodabadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay muqdisho iyo ilaalinta qoondada haweenka
Ugu horeyna Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa ka warbixiyay ajandaha kulanka waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qodabadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Dhamaan odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa taageeray qodabada shirka iyo arinta la xariirta ilaalinta qoondada haweenka oo iyadu ka mid ah qodabadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan ku soo idlaatay magaalada Muqdisho
Heshiis bulsho, waa in dadku ku heshiiyaan waxa dan u ah oo ay degsadaan xeerar ka la hago, si ay u gaaraan nabad iyo xasilooni, ka na heshiiyaan wax walbo oo ay is-ku maan-dhaafsan yihiin. Sida ka muuqato tixda Abwaan Maxamed G. Xaayow, waxaa heshiis bulsho lagu gaari karaa in dadku uurka ka heshiiyaan, taas oo ka dhigan in ay is-cafiyaan, isu-tanaasulaan oo ay u diyaar garoobaan in ay nidaam heshiis lagu yahay dhistaan si calool-fayoobi ku jirto. Dhanka kale, waxa aan dhihi karnaa heshiis bulsho waxaa tiir u ah laab-xaarnaan ka timaado dadka is-la ogol in ay dhistaan nidaam ay ku hoos noolaadaan, oo dhammaan si siman ugu xaq-soora. Waxa aan qoraalkaan kaga hadli doonaa aragtida saddex Faylasuuf oo kacdoonka heshiiska bulshada saameyn xooggan ku leh, oo ay aragtiyaha qaar ay dhaliyeen kacdoomo.
Thomas Hobbes, John Locke iyo Jean-Jacques Rousseau, oo noolaa qarnigi 17aad iyo 18aad, ayaa waxa ay qabaan in siyaasad bulsho(Dowlad) ay ku dhismi karto heshiis bulsho oo loo dhan yahay. Saddexda faylasuuf ee aan xusnay, manhajkooda waa hab falsafadeed oo caqli gal ah, waxaana ay ku saleeyeen oo ay sal ugu dhigeen labo humaag/ mala’awaal oo maan-gal ah, waxa ay na ka la yihiin;
(1) Xaaladda Dabiicadeed(State of Nature): Ujeedka, waa in dadku ay ku noolaayeen xaalad dabiici ah oo aan aqoon; awood, bulsho, iyo siyaasad ka hor dhisidda bulshada (Dowladda).
(2) Heshiis Bulsho: Ujeedka, waa in ay bulshadu ka soo guureen xaalad dabiici ah u na guureen xaalad bulsho, ayada oo loo maraayo heshiis la is la ogol yahay oo ay wada gaareen bulshada wax is ku darsanayso. Waxa ay saddexdu Faulasuuf ka siman yihiin mala’awaalka ay sameeyeen oo ka duulaayo labadaas qodob(Xaaladda dabiixadda iyo Heshiis Bulsho), balse waxa ay ku ka la duwan yihiin micnaha ay nuxur ahaan xanbaarsan yihiin mala’awaalka. Haddaba, si aan saddexdoodu aragtida ay xanbaarsan yihiin u fahanno ayaan hoos ku xusi doonnaa, mid walbo–inta aan karno.
Thomas Hobbes(1588—679), oo u dhashay Ingiriiska, waxa uu ku soo dhex kacaamay bulsho ay ka jirto loolan diineed(Kaniisadda), iyo mid siyaasadeed, hadane ayada oo taasi jirto aragtidiisa waxa ay xanbaarsaneed, in la helo; nabad iyo ammaan, bulshada ka dhex dhasho. Thomas, waxa uu mala’awaalay ee uu buugiisa ‘Leviathan’ ku faalaynayaa in dadku ay ku jiraan xaalad dabiicadeed oo ah dowlad la’aan. Sidaas darteed, waxa uu ku soo qaaday in ayagu dugaag isu cadaw ah, cid ba cidda kale ay gabbaad ugu jirto, xisilooni iyo nabad aysan jirin, oo ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan nololeed oo aysan dowlad jirin.
Xaaladda dabiicadeed ee uu u bixiyay ‘State of Nature’ si looga baxo oo loo gaaro dowlad waxa uu qabaa in la helo heshiis bulsho. Si lagu suurto galiyo heshiiska bulsheed waa in qof walbo uu ka soo tanaasulo xuquuqdiisa gaarka ah, waxaana loo tanaasulayaa hal qof(Boqor/hoggaan). Waxaana qof ka loo tanaasulay laga doonayaa in uu awood u yeesho in dadku uu gaarsiiyo amni iyo xasilooni nolaleed, waana halka bar bilow ga u ah dowladnimada uu Thomas Hobbes rejaynaayay. Marka ay dadku ka tanaasulaan awooddoodii, waxaa awooddaas maamuleed adeegsanaayo hogaanka, asiga ayaana gaarsiinaayo ammaan iyo nabad.
John Locke(1637–1704), oo u u dhashay Ingiriiska, waxa uu lid ku yahay Thomas Hobbes waxa uu suureysanayaa in dadku xor yihiin, sinnaan ay jirto, ku na tamashleynayaan xuquuq dabiici ah taas oo ka dhalatay bani-aadamnimada, waxa uu na leeyahay, waxa xuquuq ahaan ay daneynayaana waa xorriyadda iyo wax-lahaanshiyaha iyo dhammaan xuquuqda asaasiga ah. Intaa ka dib, dadka xaaladdaasi ku sugan waa ka caro-geddisan karaan oo inta ay isu-tagaan ayay u guuri karaan heshiis bulsheed oo loo dhan yahay.
Marka la dejinaayo heshiiska bulshada Locke ma qabo in dadku ka tanaasulaan xuquuqdooda asaasiga ah, taas baddelkeeda waa in ay qeyb ka tanaasulaan gaar ahaan dhanka awoodda si ay u helaan hogaan dhowra xuquuqda gaarka ah ee shacabka, awooddu na cid gaar ah si buuxda loo ma siinaayo–si aan looga tagrifalin- ee si is ku dheelitiran ayaa awoodaha loo qeybin, oo aysan cidna ku xad-gudbi karin adeegsiga awoodda nidaamka dhisan. Locke, waxa uu mudnaanta siinayaa dhowrista xuquuqda shacabka, haddiise hogaanka laga waayo xuquuqda iyo xorriyaad ka shacabka, waxa uu qabaa in ay dadku is ka dul-qaadaan oo ay kacdoon sameeyaan, waana midda keentay in Yurub qarnigii 18-aad ka dhasho kacdoomo la isaga dul-qaadaayo boqortooyooyinka.
Jean-Jacques Rousseau(1712–1778), waa faylasuuf Faransiis ah waxa uuna noolaa qarnigii 18aad, buugaagta uu qoray na waxaa ka mid ah buug uu ugu magac daray, Social Contarct. Rousseau, waxa uu mala’awaalkiisa suureystay dad xor ah oo ku sugan xaalad wanaagsan, dadku na ay xor yihiin. Waxa uu leeyahay, qof walbo asiga oo xor ah ayuu dhashaa ee kaliya xeyndaab ku hareereysan meel walbo ayaa jiro. Sidaas daraadeed, marka heshiis bulsheed la gaaraayo cid walbo waxa ay soo bandhigeysaa doonisteeda, si doonis kali ah ay u noqoto doonis guud.
Rousseau, waxa uu aragtidiisa u dhigayaa in awoodda la siiyo shacabka, maadaama ayagu leeyihiin madax-bannaanida iyo doonista ba, waxa uu na qabaa in awoodda laga dhowro hoggaanka dalka iyo baarlamaanka ba, waxa uu na xukuumadda iyo baarlamaanka(labaduba) ku tilmaamay in ay shacabku adeego u yihiin. Asiga oo diiidan in awoodda la siiyo baarlamaanka dalka, ayuu waxa uu dacaayadeeyay Dowladda Ingiriis ka oo markaasi dowladnimadeedu bar-bilow aheyd, waxa uu yiri; “Shacabka Ingiriis ka waxa ay maleeyaan in ay xor yihiin, balse dhabtu waa in aysan xor ahayn marka laga reebo xilliyada doorashada, marka doorashada laga gudbo waxa ay addoon u yihiin Baarlamaanka.” Heerka uu gaarsiiyay u dagaalanka xorriyadda iyo la dagaalanka kalitelisnimada waxaa aad ka dheehan kartaa oraahdiisa caan ka ah oo u dhigan; “Xorriyad khatar leh ayaan ka doorbidayaa nabad addoonnimo weheliso.”
W/Q: Axmed Dhuubow

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa bilaabay hubin iyo dabagal ku sabsan sida loo maareyo xiliga kala guurka hantidad hey’adaha dowladda.
Warbixin ka soo baxday xafiiska hantidhowrka ayaa lagu yiri”Xafiisku waxaa uu jawaabta ku habboon ka bixiyay sidoo kalena ku wargeliyay hey’addaha ay khuseyso in la hakiyo bixinta ruqsadaha kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.”

Source: SONNA
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wefti ka socday dalka Talyaaniga oo uu hoggaaminayey agaasimaha guud ee hay’adda horumarinta iyo iskaashiga u qaabilsan dawladda Talyaaniga HE. Luca Maestripieri.
kulanka ayaa waxa sidoo kale ka qayb ahaa madaxda hay’adaha UNIDO iyo AICs ee Soomaaliya.
Shirkanka ayaa waxa lagaga wada-hadlay xoojinta iskaashiga iyo sidoo kale mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka oo ay ka wada-shaqeynayaan labada dhinac.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya,Waxayna kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.
Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.
Ugu dambeyntiina wuxuu Wasiirka u caddeeyey inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay la garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.