Iiraan iyo Shiinaha oo bilaabay hirgelinta heshiis muhiim

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Hossein Amir-Abdollahian,  ayaa sheegay in heshiis istiraatijiyadeed oo  socon doona 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannadkii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ahayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha kadib markii uu casuumay ka helay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

“Waxaan ku heshiinnay inaan maanta ku dhawaaqno inay tahay taariikhda la bilaabayo hirgelinta heshiiska dhameystiran ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Shiinaha”ayuu yiri Amir-Abdollahian.

Dowladaha Iiraan iyo Shiinaha ayaa bishii March ee sannadkii hore kala saxeexday heshiis iskaashi oo istaraatiijiyadeed oo dhammaystiran, iyagoo oo ka soo horjeeda cunaqabataynta halka dhinac ah ee Maraykanka si loo xoojiyo isbahaysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah.

Heshiiska ayaa si rasmi ah u diiwaan gelinaya Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhamaystiran ee Shiinaha iyo Iiraan kaas oo lagu dhawaaqay booqashadii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si kor loogu qaado iskaashiga dhaqaale ee labada dal 25-ka sano ee soo socota.

Heshiiska ayaa ugogol xaarayaa ka qaybgalka Iiraan ee Hindisaha Belt and Road Initiative, mashruuc dhaqaalaha kaabaya oo ka bilaabmaya Bariga Aasiya ilaa Yurub.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta dooranayo guddoomiyaha guddiga.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii guddigaasi Maxamed Xasan Ciro.

Qaban qaabada doorashada ayaa  socoto waxana la filayaa in sacadaha soo socdo Guddiga ay doortaamn guddoon cusub,waxana xubnaha qaban qaabada doorashada guddoonka ay wadaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Dhawaan aya ahayd markii markii guddiga loo xil saaray qaban qaabada doorashada guddiga FEIT ayaa shaaciyay xilliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha guddiga hergalinta doorashooyinka heer Fadaraal

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe

Ciidanka guutada 3-aad qeybta 27-aad ee xoogga dalka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaa wadada xariirisa labadaas magaalo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in wadadaasi ay ka sifeeyeen nabadiidka Al-Shabaab oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah ku yimaada halkaasi.

Taliska Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, si dhibk Al-shabaab looga dul qaado dadka ku nool gobolkaasi.

 

Ciidamada xoogga dalka oo burburiyay fariisimo argagixisada ay ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose

Ururka 84-aad guutada 14-oktoobar ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sacadihii la soo dhaafay halkaa ka sameeyay howlgallo lagu baacsanay kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay degaanno hoos taga janaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidamada  aya howlgalka waxa ay sigaar uga sameyeen tuulooyinka,Uraay iyo Degwiriiri, oo hoos taga Janaale halkaa oo argagixasadu ay ku dhibateen jireen dadka shacabka ah.

Taliyaha Ururuka 84-aad G/le C/llaahi Maxamed Nuur Dool ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu baacsanayay maleeshiyaad dhuumaaleeysanayay oo shacabka lacago baad ah ka qaado isagoona timaamay inay cagta mariyeen meelihii ay gabaadka ka dhiganayeen aragagixisada.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka hir-shabeele oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay arimaha amniga, hirgalinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guuleysatay xallinta caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan, iyada oo ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimi iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHADKA TALEEFOONKA KULA HADLAY MADAXWEYNAHA GOLAHA MADAXTOOYADA LIIBIYA

Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaadatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.

Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada dalal badan oo Shisheeye ah iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah maxaabiistaasi ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dalkooda Hooyo.

Dufcadii 9-aad oo ka tirsan ciidanka xoogga ayaa maanta tababar loogu soo xiray Baydhabo

Cutubyo ka tirsan Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dufcadii 9-aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo waxa tababar ugu soo xiray Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi (Ciirow)

Munaasabada Xiritaanka Tababarka ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga maamulka Koonfur-galbeed Isxaaq Ali Subug, Wasiirka Warfaafinta koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nur ,Agaasimeyaal ,Saraakiil kala Socodey Ciidamada Xoogga Dalka ,Booliska, Nabadsugida ,Asluubta, Amisom iyo UK.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.