Guddiga Maamulka Doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 10 kursi ee golaha shacabka JFS

Guddiga Maamulka Doorashada heer Dowladd Goboleed (SEIT EE Puntland ) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 10 kursi oo ah kuraastii horey loo shaaciyay.

War qoraal ah oo guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in 17- Bishaan oo Bari ku beegan ay bilaaban doonto Diwaangalinta,tababarka iyo shaacinta guddiyada xulista ergada wax dooraneyso,halka 18-ka la soo gudbinayo ergada la hubinayo, diwaangalinta iyo tababarka ergada, sidoo kale  20-ka Bishaan ay bilaabaneysa Qabashada araajida, diliwaangalinta iyo hubinta dhamaystirka iyo shuruudaha musharaxnimo.

Guddiga waxa ay sidokale shaaciyay in 21-ka Bishaan la qabanayo doorashada qaybta 1aad ee kuraasta Golaha Shacabka ee la shaaciyay.

Halkan ka aqriso shaacinta jadwalka doorashada 10 kursi

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka bad-baaday qarax ismiidaamin ah

Qof naftii halige  ah ayaa isku qarxiyey gaari u watey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucallimuu oo marayay Agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

sida booliska sheegay afhayeenka ayaa soo gaaray dhaawac kaa loo qaaday mid kamid ah goobaha caafimaadka oo xaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

Masawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ismidaaminta ka dhacay ayaa muujinaya bubur soo gaaray qeybta dambe ee gaariga Afhayeenka iyo Jirka Dhagarqabaha isku qarxiyay gaariga Afhayeenka

Hirshabeelle oo Shaacisay qabashada 11 Kursi doorashada golaha shacabka ee JFS

Guddiga Hirgalinta Maamulka Doorashada ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo Galaha Shacabka ah, kuwaas oo dhawaan doorashadooda la qaban doono.

Halkan ka aqriso shaacinta kuraasta.

Galmudug: Shaacinta qabashada 21 Kursi ee doorashada golaha shacabka ee JFS.

Qoraal ka soo baxay Guddiga doorashooyinka heer maamul-goboleed ee Galmudug ayaa lagu shaaciyay qabashada kuraastii ugu badneyd ee Gollaha shacabka kuwaa oo la qaban doono dhawaan.

Halkan ka aqriso shaacinta kuraasta.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Cambaareysay duqeymo Kenya ay ka geysatay Jubooyinka iyo Gedo

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu cambaareeyay duqeymo ay ciidamada Kenya ka geysteen gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Warqadda Wasaaradda ka soo baxday ayaa u qorneyd sidan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo shir guddoomiyay heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgahiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Yusuf ayaa manta gudoomiyay shir ku saabsanaa heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM wajiyadiisa (Phases) halka ay maraayaan, kaas oo ay ka qeyb galeen Agaaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beraha iyo waaraabka, Tamarta iyo Kheyradka Biyaha iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka.

Shirkan oo ahmiyad wayn u lahaa dhinacyadan waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah, wareejinta xogta iyo horumarinta nidaamka FSAUN/SWALIM, sidoo kale isku xirka iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha ay khuseyso.

Ugu dambeyntii Mas’uuliyiinta ayaa isla gorfeeyay sidii loo dar-dargalin lahaa sida ugu macquulsan ee loo soo wareejin lahaa xogta dowladda Soomaaliya, tasoo lagu xoojinayo hay’adda Istaatikasada Qaranka oo shaqooyinka waajibadaadkeeda tahay kaydinta, Aruurunta iyo shaacinta xogaha kala duwan ee dalkeennu ku saabsan.

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo doortay Guddoon cusub

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee SEIT ayaa maanta Muqdisho ku doortay Guddoomiyaha Guddiga.

Muuse Geelle Yuusuf ayaa noqday guddoomiyaha guddiga kedib markii uu ka guuleystay Cabdirixiin Cabdicasiis Aadan oo la tartamayay.

Muuse ayaa helay 14 cod, halka Cabdiraxiin uu helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Qabanqaabada ee qabanayay doorashada Guddoonka guddiga doorashooyinka.

Jaamacadda Ummadda oo 30-sannadood kadib markuu ugu horeeysay ay ka baxeeyn saxafiyiin

30-sanadood kadib dufcadii ugu horeysay – arday baratay cilmiga saxaafadda ayaa maanta ka qalin-jebisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waa ku dhawaad 45 arday oo dhammaystay heerka koowaad ee Jaamacadda, waxayna barteen culuumta saxaafadda oo ay soo dhiganayeen afar sano iyo bar.

Inta badan saxafiyiintaan waxay ka howl-galaan warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale saxafiyiinta maanta ka qalin-jebisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxaa ku jira, Maxamuud Yuusuf Culusow oo ah arday isagoo Jaamacadaan ka dhigta kulliyadda saxaafadda ay dalka ka qarxeen dagaaladii sokeeye 30-sano ka hor.

Markii ay burburtay dowladnimadii Soomaaliya Maxamuud sidaas ayuu ku waayay fursadiisii waxbarasho, balse hadda waxuu nasiib u yeeshay in dufcadii ugu horeysay 30-sano kadib uu ka mid noqdo.

16-September, sanadkii 2017-kii ayaa dib loo howl-geliyey Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda. Muddo 30 sanadood ah kadib, dufcadii ugu horeysay hadda waxay u diyaar garoobaysaa xafladii qalin-jebinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku heysa maamulka Jaamacadda Umadda, waxayna ardayda dhigata wax ku bartaan si bilaash ah ama lacag la’aan.

Waxaa xusid mudan in qeyb ka mid ah ardaydaan ay weli sii wada doonaan fursad wax barasho oo isla Jaamacadda Umadda ay ka heleen, taas oo ay ku baranayaan Luuqadda Talyaaniga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Mudane Felix Plasencia, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’an in ay Labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo doortay gudoomiye.

Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo helay 14 cod halka Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan uu helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Qabanqaabada.