Xubin katirsanaa argagixisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Cali nuur Ibraahim oo Magaciisu Afgarasha uu Yahay Hamza oo Ka mid ahaa kooxda Nabadiidka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay guutada 8aad ee qeybta 60aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cali ayaa argagixisda Al-shabab ku jirey in kabadan 7-sano isagoo Ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah,oo ka dhacay gobalada Hiiraan,Shabeellada dhaxe, Shabeellada hoose, Baay iyo Bokool iyo gobalka Banaadir.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay kulanka amniga Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka amniga Hirshabeelle si loogu diyaar garoobo doorashooyinka xildhibaanadda golaha shacabka ee lagu qabanayo Jowhar iyo Beledweyne

Shirka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa faray Saraakiisha hey’addaha amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka Xildhibaannada golaha shacabka.

Dowladda UK oo Soomaaliya ugu deeqday 10 milyan oo dollar oo loogu talagalay dadka Abaaraha saameeyeen

Dowladda UK, ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan 10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen

Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa maanta ku dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed, lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu deeqday dalalka kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koofureed oo abaaro ba’an ka jiraan xilligan.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin in laga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naftooda loo badbaadiyo isla markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta.

Go’aankan doweladda UK ayaa yimid xilli wasiirka Afrika ay safar ku marayso dalka Kenya safarkaas oo qeyb ka ah socdaal ay ku marayso sadex dal oo ku yaala Afrikada bari.

Lacagtan ayaa dowladda UK ku sheegtay in qoysaska abaaraha saameeyeen la siin doono si ay ugu iibsadaan cuntada iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin.

Gulmudug oo laga dhagaxdhigay Sheybaarka Xoolaha iyo xafiisyo ay yeelan doonto Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Galmudug, Cabdinaasir  Geelle Cilmi oo ay wehlinayaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug  Mudane Maxamed Cabdi Maxamed iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta  dhagax dhigay sheybaarka Xoolaha iyo Xafiisyo ay yeelaneyso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug.

Mashruucan oo uu maalgalinayo Banka adduunka, qeybna ka ah Barnaamijka hormarinta ee Biyoole ayaa waxaa qeybtiisa dhismaha Xafiisyada iyo Sheybaarka xoolaha ka waramey  Maxamed Xuseen Barnaamij oo ah madaxa iskuduwaha Mashruuca Biyoole.

Dhismaha Xafiisyada iyo Sheybaarka Xoolaha ee Wasaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug ayaa qeyb ka qaadan doono daryeelka Xoolaha oo qeyb ka ah wax soo saarka ugu weyn ee Galmudug.

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobalka Banaadir oo kulan la qadatay Guddiga Abaaraha GB

  • Shirka xiriirnta Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir oo ay shir guddoomisay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta warbixin loogu dhageystay Guddiga Abaaraha Gobolka Banaadir oo maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa sidii xog dhameystiran ay ugu keeni lahaayeen isla markaana gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka Abaaraha ay soo saameeyeen kuwooda soo gaaray Gobolka Banaadir.

Guddiga Abaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in loo wada istaago Dowlad, Ganacsato iyo Shacab sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaartu saameesay, isla markaana loo xaqiijiyo habsami u socodka iyo waxtarka howlaha Gurmadka abaaraha ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana lagu baaqay in kulan Duco iyo Roob doon la qabto si eebe noogu dul qaado abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka oo gaaray Beledweyne

Wafdi saraakiil ah oo Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masúuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa Taliyaha iyo saraakiisha kale ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Taliye Biixi ayaa saraakiisha iyo maamulka gobolka Hiiraan uga mahad-celiyey soo dhaaweynta loogu sameeyey garoonka, halka maamulka gobolkaas uu shaaciyey in aad loogu baahnaa imaatinka Taliyaha, si loo sii xoojiyo dadaallada Nabadiidka Al-Shabaab looga xoreynayo gobalka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka marti gelinaya doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Waxaa haatan Beledweyne laga dareemayaa u diyaar garow bulshada magaaladaas ay ugu jirto marti-gelinta doorashada xubnaha golaha shacanbka ka soo gelaya gobolka Hiiraan.

Waa sidee xaaladda caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu?

Waxaa aad u wanaagsan xaalada caafimaad ee afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax ay argagixisada Al-Shabaab u soo maleegeen, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Liibaan Cabdi Cali ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay in dhaawaca Macalumuu uu yahay mid ka fudud sidii ay wax u dhaceen, isla markaana uu jiro jab ka soo gaaray lug iyo dhaawacyo kale oo fudud, sida uu sheegay Agaasime Libaaan.

Isbitaalka Digfeer ee caasimada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa Macalimuu, qaraxaan ayaa ahaa mid kaligiis loo soo qorsheeyey, waxuu ahaa kii shanaad oo Macalimuu uu la kulmay shantii sano ee u dambeysay.

Qaarkood Alle ayaa ka badbaadiyey, halka qaarna ay ka soo gaareen dhaawacyo isugu jiray ku fudud iyo kuwo culus, qaraxii shalay waxaa ku dhintay qofkii nafiisa haligay oo kaliya.

Waa sidee xaaladda caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu?

Waxaa aad u wanaagsan xaalada caafimaad ee afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax ay argagixisada Al-Shabaab u soo maleegeen, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Liibaan Cabdi Cali ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay in dhaawaca Macalumuu uu yahay mid ka fudud sidii ay wax u dhaceen, isla markaana uu jiro jab ka soo gaaray lug iyo dhaawacyo kale oo fudud, sida uu sheegay Agaasime Libaaan.

Isbitaalka Digfeer ee caasimada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa Macalimuu, qaraxaan ayaa ahaa mid kaligiis loo soo qorsheeyey, waxuu ahaa kii shanaad oo Macalimuu uu la kulmay shantii sano ee u dambeysay.

Qaarkood Alle ayaa ka badbaadiyey, halka qaarna ay ka soo gaareen dhaawacyo isugu jiray ku fudud iyo kuwo culus, qaraxii shalay waxaa ku dhintay qofkii nafiisa haligay oo kaliya.

RW Rooble oo isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax argagixisadu la beegsadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda.

Jubbaland oo shaacisay doorashada 13 kursi ee golaha shacabka JFS

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay doorashada 13 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee degaan doorashadoodu tahay dowlada Goboleedka Jubbaland.

Kuraasta 13-ka aha ee la shaaciyay ayaa waxaa ku jir laba Dumar, waxaana la filayaa in dhawaan doorashadooda lagu qabato Magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa horay u shaaciyay liiska 14 Kursi oo dooraahadooda la qabanayo iyadoona sidookale horay loo qabaty doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadooda tahay Jubbaland

Halkan ka aqriso shaacinta doorashada 13-kursi