hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgalisay xarunta ka jawaabista cabashooyinka

Xaruntaan ayaa timid kadib markii dardargelin lagu sameeyay shaqada Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda, taas oo ka dhalan karto cabashooyin ka soo laabto adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka.

Muhiimadda hirgalinta xaruntaan cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ah in dadka cabashada qaba iyo Hay’adda aan loo dhaxeynin oo ay si toos ah ula soo xiriiraan xarunta ka jawaabista Cabashooyinka si meesha looga saaro gaabis ku yimaada xiriirka Hey’adda iyo loo adeegayaasha oo ah bulshada Soomaaliyeed, loogana fogaado isdabarin, waajib gudasho la’aan ama in si khaldan looga faa’ideysto adeegyada Hay’adda oo qof kastaahi xaq u leeyahay isla markaana looga hortago wax kasta oo keeni kara Musuqmaasuq.

Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka waxaa ka howlgali doono Saraakiil loo tababaray xiriirka dadweynaha iyo la macaamilkooda, waxayna ka jawaabi doonaan guud ahaan cabashooyinka ka soo laabta adeegyada ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), ayaaa tilmaamay inuu si dhow ula socon doono tabashooyinka iyo warbixinada xaruntaan si uu u qaado tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana uu kula xisaabtamo xarunta ka jawaabista cabashooyinka sida ay u maareeyaan cabashada ay qabtaan. Sidoo kale, qorshayaasha Hay’adda waxaa lagu dhisi doonaa tallooyinka iyo baahida adeeg oo ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.

Qof naftii hallige ah oo isku qarxiyey maqaaxi ku taal degmada wadajir

4 Qof ayaa dhimatay ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof xiran jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay maqaayad ku taalla ka soo horjeedka xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameyanayo dhibanayaasha.

Wixii faahfaahin dheeraad ah lasoco SONNA

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta XFS oo daah furay Tababar ku saabsan Tabinta Tacadiyada jinsiga

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta daah furay Tababar ku saabsan Tabinta Tacadiyada jinsiga iyo daba-galka hannaanka loo maareeyo kiisaska noocaan ah ee ka dhaca Soomaaliya.

Aqoon kororsigaan oo ay soo qaban qaabisay Dalladda Media Women Network (MWN) oo kaashanaysa Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 40 Wariye oo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta magaalada Muqdisho, waxaana ay baran doonaan casharo la xariira hab tabinta xogaha ku saabsan tacadiyada Jinsiga iyo hannaanka loo soo bandhigo, iyada oo la ilaalinayo bad-qabka saxafiga, sharafta dhibbanaha iyo shuruucda dalka.

Boris Johnson oo soo wajahday fadeexad uu xilka ku weyn karo

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa culeyskii ugu xoogaanaa ee siyaasdiisa kala kulmaya fadeexadda ka dhalatay inuu jabiyay shuruucdii xayiraada COVID-19 kadib markii uu ka qeyb galay xaflad caweyn ah oo ka dhacday beer ku taala xafiiskiisa.

Boris Johnson ayaa sidan sameeyey xilli dalka intiisa kale la geliyey xayiraad la xiriirta COVID-19 oo looga ilaaliyey shacabka inay isku tagaan, taasi oo ka careysiisay shacabka kuwaas oo hadda dalbanaya inuu xilk ka dego.

 

Xuquuqda VOA

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Ciidanka xoogga dalka oo deeq raashiin ah gaarsiiyay qoysas dan yar ah

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashiin isugu jira bur, bariis, baasto, sokor, saliid iyo timir u qeybiyay qoysas dan yar ah oo dhawaan kasoo qaxay tuulooyin ku teedsan magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka oo iska soo jaray raashiinka ay qaadanayeen kana damqaday dadka tabaaleysan ee ay nabad-diidku cunaqabateeyeen ayaa qoysaskani ugu tagayay xaafadaha ay ka degeen degmada Buulo-burte.

Taliyaha qeybta ururka 41-aad ee CXD, Maxamed Muumin Cilmi ayaa u mahad celiyay saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo dableyda ciidanka uu madaxda u yahay ee gartay inay garaamaadkooda iska soo jaraan kuna taakuleeyaan dadka tabaalaysan, wuxuuna dowladda dhexe, hay’adaha samafalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay gacan lasoo gaaraan dadkan.

Dadka tabaalaysan oo kasoo barakacay degaannada ay go’doomiyeen argagixisada Al-shabaab ayaa la il-daran dhibaatooyin kala duwan oo u geysteen nabad-didka, kuwaas oo dulsaar ku ah qoysas eheladooda ah oo ku nool degmada Buulo-burte.

Shirkadaha Qaamuus iyo Safar oo ka shaqeeya waxbarashada oo heshiis kala saxiixday

Mas’uuliyiin ka kala socotay Akademiyadda waxbarashada Qaamuus International ee uu fadhigeedu yahay Muqdisho iyo shirkadda waxbarashada Zafar ee dalka Suudaan ayaa heshiis iskaashi iyo is afgarad lagu tayaynayo tacliinta ardayda labada dal ku kala saxiixday magaalada Khartum ee caasimadda Suudaan.

Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan, ganacsato, shirkado iyo aqoon yahanno ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay, Axmed Muntasim oo ka tirsan mas’uuliyiinta shirkadda Zafar, wuxuuna sheegay inay bixiyaan deeqa waxbarasho iyo tababarro, isagoo xusay in ay waxbarashadu tahay furaha ugu muhiimsan ee horumarka nolosha gaar ahaan aadanaha.

Madaxa golaha maamulka ee shirkadda Qaamuus Dr. Cabdiraxiin Ismaaciil Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Akadeemiyada Qaamus ay habka Online-ka ah ku bixiso casharrada , isagoo intaa ku daray inay had iyo goor xoogga saaraan halka ay ka jiraan baahiya waxbarasho.

Dr. Cabdiraxiin ayaa sheegay inay diiradda saaraan caawinta ardayda billaabaysa heerka koobaad ee waxbarshada, marka uu soo dhammaysto Jaamacadda tallaabbada uu qaadi lahaa iyo siduu ku heli lahaa xirfada uu ka shaqeeysto.

Qaamuus Soomaaliya iyo Zafar Suudaan ayaa waxay hab Online ah casharro kusiiyaan ardayda ku jirta heerarka sare ee tacliinta, iyagoo bixiya tababarro iyo talooyin ku aaddan sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen cilmiga ay barteen, waxanay ma’uuliyiintii kulanka goobjoogga ka ahayd isku afgarteen inay iska kaashan doonaan tayaynta aqoonta ardayda labada dal.

 

 

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Imaaraadka

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.

“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri mudane Cabdisiciid.

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo tababar loo soo xiray

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa tababar ugu soo xiray degmada Caabudwaaq boqolaal Ciidan Cusub ah oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciidankaan soo dhamaystay tababarka oo lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan goleyaasha Dowlad goboleedka Galmudug, Saraakiil, Maamulka Degmadda Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Ciidamada ayaa goobta lagu dhaariyay, iyagoo soo bandhigay xeeladihii iyo xirfadihii ay tababarka ku soo qaateen taasoo si wayn loogu riyaaqay.

 

UK oo hub siineysa Ukraine

Wasiirka difaaca ee dalka Ingiriiska, Ben Wallace ayaa sheegay in dowladdiisu ay billowday inay Ukraine siiso hubka lidka taangiyada si ay isu difaacdo.

Taageerada Millateri ee ay Britain siineyso Ukraine ayaa imanaysa xilli ay dowladda Canada geysay magaalada Kiev ee caasimadda dalkaasi ciidamo gaar ah oo xaaladda isha ku haya, iyadoo laga walaacsan yahay duullaan uu Ruushka ku qaado Ukraine.

Arrintan ayaa timid markii uu wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov uu si caro leh u diiday hadalkii Mareykanka ee ahaa in Moscow ay diyaarineyso marmarsiiyo ay ku weerarto Ukraine haddii dublamaasiyaddu ay ku guuldareysato.