QABYAALADDA WANAAGSAN!

Soomaalida waa bulsho qabali ah, oo ku dhisan hab beeleed, sidoo kale isku soo dhaqi jirtay habkaas beelnimada ah, dhiigga iyo dhacaankana ku kala dhacsan jirtay. Soomaalida waxaa soo kala dhex-galay waqtiyo lala dagaalamay sheegashada heybta uu qofka ka dhashay, taas oo uu islaamka ammaanay in heybto la sheegto, ayna tahay mid ay dadka isku gartaan.

“يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَٰكُم مِّن ذَكَرٍۢ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَٰكُمْ شُعُوبًا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓاْ ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ ٱللَّهِ أَتْقَىٰكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ”.

Qabiilka waxa uu keena dareen qabyaalad ah si lamid ah sida uu dalka u keeno dareen waddaninimo, dareenkaas waa mid wanaagsan oo isku haya qabiilka, ileen haddii uusan dareen jirin ma jiro wax gooni ah oo isku heyn karo dad. Dunida oo idil waxaa jiro dareeno dad isku haya, kaas oo ka imaan karo mid isir, iyo mid diineed oo dad gooni ah ay wax isla aaminsanyihiin, sida dadka islaamka loogu walaaleysiiyay diinta ay heystaan, ayaga oo kala isir iyo shacab duwan.

قول النبي ﷺ: “المسلم أخو المسلم لا يظلمه ولا يُسْلمه، ومن كان في حاجة أخيه كان الله في حاجته، ومن فرج عن مسلم كربة فرج الله عنه كربة من كربات يوم القيامة، ومن ستر مسلما ستره الله يوم القيامه”

قال رسول الله ﷺ: “مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد إذا اشتكى منه عضو تداعى له سائر الجسد بالسهر والحمى”

Dareenkaas uu islaamka ku walaalesiiyay dad kala duwan ayey qabyaaladda lamid tahay, haddii si wanaagsan loo adeegsado oo laga faa’ideysto, balse nasiib darro Soomaalida dareenkaas badankiisa waxa ay ugu faa’ideysatay in ay ku dhibaateeyaan dad walaalahood ah. Soomaalida maanta lama maqashiin karo qabyaalad waxa ay u kasayaan wax quran ah oo Soomaalida dib dhigtay balse dhibka ayaa ah sida aan annaga u adeegsanay ama la inoogu fasiray.

Si guud qabiilka Soomaalida maanta waxa uu ugu jiraa kaalin mug leh, oo qofka Soomaaliga ah maanta inta uu isirka guud ku kalsoonyahay waxaa ka badan inta uu heebta hoose ku kalsoonyahay taas ayaana keentay in qofka Soomaaliga qabiilkiisa wax walibo u huro. Dowladdii kacaanka waxyaalaha sida xun ay dadka ugu tusisay waxaa kamid ah dareenka qabiilka(qabyaaladda) oo ay ka soo qaaday wax xun, fisirkaas qaldan ayaa in badan oo kamid ah dadka ugu dhuumadaan qabiilka, ayaga oo si hoose wax walibo ugu sameynayo.

Maadama Soomaalida ay ku xoog badan tahay qabiilka waxa aan u baahanahay in la xoojiyo dareenka qabyaaladda oo ku dhisan wanaagga iyo is kaalmeynta iyo in sidoo kale leysaga dhiciyo waxii markaasi ku soo xad-gudbo qabiilka, oo walaalka mar walibo waa in aad u danaaniso, haddii laga gardaranyahayna aad qabato, haddii uu gar leeyahayna aad u soo dhiciso, si uu xadiis nabi ku soo arooray.

قال: قال رسول الله ﷺ: “انصر أخاك ظالمًا أو مظلومًا، فقال رجل: يا رسول الله، أنصره إذا كان مظلومًا، أفرأيت إذا كان ظالمًا كيف أنصره؟ قال: تحجزه أو تمنعه من الظلم فإن ذلك نصره”

Maalin hore waxaa qarax lagula eegtay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka dhashay beedha Baadicadde, waxaa la geeyay isbitaalka Digfeer oo uu sida uu sheegay wariye Cabdicasiir Gurbiye oo ku heyb ah, Gurbiye waxa uu gutay waajib qabali ah oo in u gurmado u dooddo inta uu tarana ka taro Maxamed Ibraahim Macalamuu oo ay isku heyb-yihiin, waa dhaqanka wanaagsan ee la rabo in la booriyo, balse haddii qabyaaladda meel laga saari lahaa dareenkaasi ma keeni laheyn, sida aad ogtihiinna wax ayaa laga qabtay.

Si guud, qabyaaladdu ma ahan wax xun oo quran ah, balse waa dareen bulsho gaar ah kaas uu ka dhalan karo wanaag iyo xummaan, haddii aan dhanka fiican u adeegsano uu i noo gali karo kaalin mug leh, marka adiga iska biloow qabiilkaaga dadka kale ugu dhowow, waxii wanaag ah ayaga u qabo, taasi oo aadan ugu dulmineynin beelo kale, wax walibana waxaa ugu wanaagsan midda qabiilkaaga laga bilaabo oo dadka ayaga ayaa kugu soo dhow, haddii ay dad dulminayaana aad ka diiddo dulmiga, iyadana waa dareen qabyaaladdeed oo wanaagsan.

Suugaanta Soomaalida ee caanka ma badno ama ma jiraan wax qabyaaladda wanaagsan ammaanayo ee intooda badan waxa uu waqtiga kaga lumay midda xun in ay suurad xumeeyaan laakiin inta badan iskuma howlin in ay wax ka dhisaan qabyaaladda wanaagsan, haddiiba ay aaminsanyihiin in ay qabyaaladda inteeda wanaagsan badantahay oo wax lagu sixi karo. Aniga waxaan qabaa inta la sii fogeyn lahaa qabiilka iyo dareenkiisa in aan keeno hab lagu sixi karo oo midkiisa wanaagsan dadka looga faa’ideyn karo.

W/Q: Saabir Boogle

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shir guddoomiya kulan looga hadlayay Amniga Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa guddoomiyey shirka Amniga Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala degmadda Cabudwaaq ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, iyo furista waddooyinka, si loo soo celiyo bilicda, loona xoojiyo amniga & kala danbaynta.

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Sacuudiga

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.

Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mustafa Aadam Dagaal.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Mudane Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland

Wafdiga guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddigga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland mudane DR Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan.

Ujeedada ugu wayn ee Socdaalka Gudoomiyaha Guddiga FEIT iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ah sidii uu xog-ogaal uga noqon lahaa doorashada Kuraasta lixda ah ee ay xalay shaaciyeen SEIT Jubbaland iyo sidii uu kulamo kala duwan oo lagu dardargalinayo howlaha shaqo ee doorashooyinka ula qaadan lahaa xubnaha Guddiga SEIT Jubbaland.

Gudoomiyaha Guddigga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland mudane DR Siyaad Maxamed Mursal oo ugu horayn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In xili muhiim ah uu yimid guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee socdaalkiisa ku weheliya.

Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Mudane Muuse Geelle Yuusuf ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay waxa uuna sheegay in door wanaagsan uu ka qaadan doono dar-dargalinta doorashooyinka Dalka.

Maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda ayaa Lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ciidamada Israel ayaa burburiyay guri ay leeyihiin dad reer Falastiin ah oo ku yaala magaalada Sheikh Jarrah

Ciidamada Israa’iil ayaa burburiyay guri qoys Falastiini ah oo ku yaalla xaafadda Sheekh Jarrah ee la haysto ee Bariga Quddus, maalmo kaddib markii qoysku ay isku dayeen in ay joojiyaan burburinta iyaga oo ku hanjabay in ay qarxin doonaan guriga.

Qoyskan ayaa Aljazeera u sheegay in cutubyo ciidan ah oo aad u hubaysan ay soo galeen gurigoodii xili ay hurdayeen ayna weerareen xubno qoyskooda ka tirsan, iyaga oo xidhay lix ka mid ah oo uu ku jiro madaxa qoyska Maxamuud Salxiye.

Ugu yaraan 18 kale oo falastiiniyiin ah oo guriga ku sugnaa si ay ula midoobaan qoyska ayaa sidoo kale la xiray.

Maali oo ka hortimid heshiis ay horay ula gashay Faransiiska

Afhayeen u halay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa xaqiijiyay in ay darsayaan codsi uga yimid dalka Maali oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii dhanka difaaca ee ay labada dal horay u wada gaareen.

Xukuumadda Bamako, ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu yahay mid ka hor imaanaya arrimaha Difaaca iyo guud ahaanba danaheeda.

Faransiiska ayaa dhankiisa  ku hanjabay inuu dib u eegis ku sameyn doono joogitaanka Ciidankooda ee Mali, haddii dowladda Mali ay meesha ka saari wayso cabashada heshiiskii horay loo gaaray, halka maamulka Malina uu diiday arrinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Mali Shogel Maiga, ayaa horay u sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada millatari ee uu la galay Faransiiska, isaga oo wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ku sheegay in Ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalkiisa ay tacadiyo ka geysteen dalka.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo ku guleeystay doorashada kursiga Hope#184

Magaalada Baydhao ee xarunta Gobolka Baay oo ay ka socota doorashada shank amid kurasta Golaha shacbaka ayaa goordhawa lagu doortay Kursiga koowaad  ee Hop#184 kaa oo uu ku fadhiyay Cali Cabdi Cusmaan waxana ku tartamay Musharaxiinta kala ah Xasan Cabdi Nuur iyo Maxamed  Cabdulaahi Cali.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#85 ee Golaha Shacabka BFS, Isagoo tartanka Kursiga kaga adkaaday Musharax Maxamed Cabdullahi Cali

Doorashada kuraasta kale ayaa wali ka socoto Magaalada Baydhabo waan idin soo gudbin doonaa natiijada doorashada socoto ka soo baxado

Madaxweynaha Tunuusiya oo Waqti dheeri ah ku kordhiyay Xaaladda deg-dega ah ee dalkiisa

Madaxweynaha Dalka Tuniisiya ayaa go’aansaday in muddo bil ah oo dheeraad ah lagu kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee dalkaas saarneed, iyadoo dhaqdhaqaaqa Al-nnahda uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dalkaas in ay sii daayaan dhammaan maxaabiistii loo xer-xeray bannaanbaxyadii ka socday dalka.

Sida lagu daabacay Wargeyska ku hadla Afka Dowlada ee Al-Raa’id, cadadkiisii ​​maanta, ayaa lagu sheegay in xaaladdii degdegga aheed la kordhiyay laga bilaabo 20-ka Janaayo, ayna sii jiri doonto ilaa 18-ka  bisha soo socoto ee Febraayo.

Madaxweynaha Tunuusiya Qeys Siciid, ayaa markii u horaysay xaaladdii degdega ah ee dalkiisa ku kordhiyay Lix  bilood, taasi oo ka bilaabaneeysay 26-kii  December 2020 ilaa June 23, 2021.

Sidokale dhawr jeer ayuu Madaxweynaha muddo kordhin ku sameeyay xaaladda deg-dega ah ee daliisa saarneed, iyadoo ay barbar socdeen isoo baxyo looga cabanaayo Xayiraada.

War qoraal ah oo Jimcihii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Tunuusiya, ayaa lagu sheegay in dibad baxayaal careeysan ay weerar ku soo qadeen dhawr xero oo ay lahayeen Ciidamada Ammaanka.

Dalka Tunuusiya ayaa waxaa ka jiray qalalaase siyaasadeed tan iyo 25-kii bishii July ee la soo dhaafay, markaasoo Madaxweyne Saacid uu ku dhaqaaqay tallaabooyin ay ka mid ahayeen in la hakiyo Awoodaha Baarlamaanka, xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaaraha, iyo tallaabooyin kale.

Guddiga doorashadda Jubbaland oo shaaciyey Jadwalka doorashada lix Kursi

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaacisay jadawalka qabashada doorashada lix kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay13/12/2021.

Guddiga ayaa sheegay in 19-Bishaan oo maanta ku beegan ay shaacin doonaan guddiga xulista Ergada doorashada lix-da kursi,islamarkana Bari ay bilaabayaan qabashada Ergada iyo diiwaangalinta Musharaxiinta.

Waxa uu sidokale guddigu shegay 22- Bishan  ay tababarayaan Ergada dooraneyso kuraasata Golaha shacabka,sidoo kalena 23-Bisha aya qaban doonaan  doorashada lixda kursi

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,  ayaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada Shan kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa kamid ah 11 Kursi oo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen  1-dii Bishaan,  balse shan ka mid ah ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalada Baydhabo.

Shantan  kursi  ee maanta ay dhaceeyso doorashadooda ayaa waxaa ku loolami doona Xildbibaanadii horay ugu fadhiyay iyo Musharaxiin kale oo doonaya in hadda ay hantaan oo ay kamid noqdaan Golaha Shacabka.

Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT), ayaa sheegay in kuraastan maanta la dooran doona ay soo mareen dhamaan hab raacyadii iyo sharuudihii loo dajiyay doorashada.