HAMBALYADA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA WARFAAFINTA DHAQANKA IYO DALXIISKA XFS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Suxufiyiinta  Soomaaliyeed iyo Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada ugu Hambalyeeyay Xuska Munaasabadda 49-Guurada maalintii la aasaasay Wargeys Soomaaliyeed oo ku qoran Farta Soomaaliga.

Sidoo kale 21-ka Bisha Jannaayo 1973 ayaa ah Maalintii Dowladda Soomaaliyeed ay u aqoonsatay inay tahay maalinta Saxaafadda.

SAXAAFADDU WAA QUWADDA AFARAAD EE AAN LA DHAYLSAN KARIN

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waa Wasaaradda keliya ee utaagan horumarinta Saxaafadda iyo Suxufiga Soomaaliyeed, waana soo saareyaasha Suxufi u qalma Saxaafadda laguna kalsoonaan karo.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed guud ahaan waa u adeegeyaasha bulshada noocyadeeda kala duwan ee soomaaliyeed, waa ugargaareyaasha kuwa danta yar ee aan hadli Karin, waana difaacayaasha qaranka marka lala dagaalayo cadowga iyo weliba difaacayaasha xaquuqda iinsaanka.

Waa kuwa had iyo gooraleba dhiirigeliya Ciidammada qalabka sida, waana kuwa la jooga afaafka hore ee jiidaha dagaallada, waa ilaha laga helo wararka xaqiiqda ku saleysan oo dhabta ah iyo sida uu caalamku ku waaberiistay.

Sida leysku raacsan yahay Saxaafaddu waa xirfad u istaagtay in ay uruuriso faallooyinna ka bixoso Warka hubisana kalsoonida iyo usoo gudbinta mujtamaca, inta badan waxay ahaataa dhacdo hadda dhacday ee ku saabsan arrimaha siyaasadda, gudaha, ciyaaraha iyo arrimaha bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa Mas’uulka ka ah ilaalinta shuruucda Saxaafadda iyo Suxufiga Soomaaliyeed, waa hoggaamiyaha dhammaan Warbaahinta dalka ka howlgasha mid madaxbannaan iyo mid dowli ahba.

Madaxda Wasaaradda oo ubadan dhallinyaro ku soo taqasustay dhanka saxaafadda ayaa waxay muddooyinkii danbe ku tillaabsadeen horumar aan indhaha laga qabsan Karin.

Wasiirka Warfaafinta oo sidii caadadu u ahaydba mar waliba ku fikirta horumar cusub inay ku tillaabsato Wasaaradda ayaa wuxuu si isdaba joog ah u qaadaa tallaabooyin cusub oo wax ku soo kordhinaya nidaamka wasaaradda, bilicda iyo horumarka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasaaradda Warfaafinta ayaa haatan hiigsaneysaa sida ay caalamka horumaray u shaqeeyaan, waxaana si siman haatan u wada shaqeeya dhamaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Wargeyska Dalka, waa wargeyska keliya ee ku hadla Codka Dowladda Soomaaliya

Waana Wargeys Sannadihii ugu dambeyay ayaa waxaa laga dareemayay in uu si weyn ula jaan qaaday Wargeysyada Caalamka, wargeyskani wuxuu ku abtirsadaa Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada ee si toos ah uga soo baxa Wasaaradda la holin kari waayay ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, waana waax ka tirsan afarta waaxood ee Warbaahinta Qaranka ugu Caansan waxayna kala yihiin:-

  • Waaxda Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ( SNTV )
  • Waaxda Idaacadda Raadiyo Muqdisho (   RM    )
  • Waaxda Qoraallada iyo Wargeysyada (DALKA )
  • Wakaaladda Wararka Qaranka ( SONNA)

Dhanka kale, Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada waxay qaabilsan tahay soo saarista Wargeysyada iyo Buugaata, waxaana ka mid ah Journaalka loo yaqaanno Wargeyska Dalka.

Sidoo kale, Waxaa si wanaagsan cagaha dhulka loogu dhigay Wakaaladdii Wararka Qaranka Soomaaliyeed, oo haatan dib loo cusbooneysiiyay ka dib markii ay yeelatay Madaxqeybeedyo Afar ah, kuwaasoo dardargeliyay dhammaan howliha Wakaaladda.

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ayaa haatan hiigsi ugu jirta inay la jaan qaaddo Wakaaladihii dhiggeeda ahaa ee Caalamka sida AFP, Rueter, SHINWA, ANADOL iyo kuwo kale oo fara badan.

Sannadan dambe Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xoojisay wada shaqeynta dhammaan qeybaheeda kala duwan ee Wasaaradda.

Maskaxda fiyoow ayaa had iyo gooraaleba ku fikirta siday u curin lahayd wax cusub, waana midda hadda ka muuqata Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

WQ: Osman Dhiblaawe.

HAMBALYO MUNAASABADDA 49-GUURADA SAXAAFADDA DALKA SOOMAALIYA

Sida aan ka warqabno Wargeyska ayaa soo maray marxalado kala duwan ugu yaraan saddax marxalad xilligii gumeysiga oo dalka uu ka soo bixi jiray wargeys ku qoran afka talyaaniga kaasoo la oran jiray Corriera della Soomaaliya xilligii xorriyadda la qaatay 1960-kii ayaa weli uusii jiray wargeyskan oo muqdisho ka soo bxi jiray laguna daabici jiray madbacadda qaranka oo la oran jiray Stamparia

Sababta ayaa waxay ahayd iyadoo aysan jirin farsoomaali qoran xilligaasi inkastoo leysku dayay in la qoro far soomaaliga haddana ma soo ifbixin oo lama soo saarin

Kolkii dalka taladiisa la wareegeen ciidammada xoogga dalka 1969 waxaa lagu beddelay wargeyskii ku qoraan talyaaniga mid ku soo bixi jiray afka ingriiska lana oran jiray dawn, guddigii farsoomaaliga ayaa la magacaabay laguna baaqay in la qorayo far soomaali  1972-dii, 21kii Jannaayo 1973-dii ayaa markii ugu horreysay lagu arkay magaalada muqdisho wargeyska ku qoran afka soomaaliga oo lagu soo daabacay madbacada qaranka taasoo loogu magac daray xiddigta octoobar

Waxaa sido kale barbar socday mid ku soo bixijiray afka ingriisiga la oran jiray Octobar star, iyo Mid ku soo bixi jiray afka carabiga najamatul October

Maalintaasi taariikhiga ah ayaa loo asteeyay maalinta warfaafinta oo sannad kasta la xusi jiray.

Waxaa lagu oon baxay farsoomaaligii oo la soo saaray buugaag tiro badan sheekooyin iyadoo xafiisyada dowladdana looga shaqeyn jiray kolkii dambana lagu qaadan jiray aqoonta dugsiyada hoose dhexe

Farta ayaa lagu baahiyay dalka oo idil kadib markii ardaydii dugsiyada sare dhexe u baqooleen miyiga soomaaliya si ay ubaraan dadkii reer miyiga ahaa taasoo guul weyn laga soo hooyay waana ololahii horumarinta reer miyiga ee af soomaaliga

Markii dalka foodda daray qaran jab iyo burbur ayaa wax walba Meesha ay ka baxeen waxaana soo if baxay wargeysyo yar yar oo tiro badan oo madax bannaan

Xilligii Dowladdii carta ayaa dib loo soo celiyay wargeyska ku hadla afka dowladda kaasoo loogu magac daray wargeyska dalka ayna hormuud ka ahaayeen cabdi xaaji goobdoon iyo cabdulqaadir maxamed mursal, allaha u wada naxariistee

Baydhabo ayaa laga soo saari jiray xilligii cabdullaahi yuusuf inkastoo uu mar hakad galay in muddo ah ayaa haddana dib boorka looga jafay 21 jannaayo 2018

Iyadoo ilaa iminka si habsami leh loo soo saaro iyadoo uu hoos yimaado waaxda qoraalka iyo wargeysyada wuxuuna soo baxaa toddobaadka mar maalinta isniinta isagoo xambaarsan warar maqaallo faallada wargeyska ciyaaraha sheekooyin dhaqaalaha arrimaha bulshada waxbarashada beeraha iyo xoolaha kamana marna arrimaha diinta iyo guuxa shacabka waana mid haatan ku sii baahaya gobollada dalka iyo goobo badan oo ka tirsan caasimadda iyo dhammaan goobaha dowladda kaasoo haatan aad loo xiiiseeya waxaana ka howlgala

Soo saareyaal iyo dhallinyaro firfircoon oo ku howlan soo saarka wargeyskaasi

Maalinta 21-ka jannaayo waa maalin xasuus leh oo lagu qaddariyo farta soomaaliga oo looga baxay qoris iyo akhris la’aanta dalka ka jirtay waana mid xasuus mudan oo aan la ilaabi Karin kolkii waddanka yeeshay afkiisa oo qoran.

WQ: Ibraahim Fanax

TAARIIKHDA WAAXDA QORAALKA IYO WARGEYSKA DALKA SOOMAALIYA

Taariikhda Wargeysyada Soomaaliya  waxay ka soo billaabaneysaa xilligii Dhaqdhaqaaqyada Gobannimo doonka waxayna ka billaabantay meel eber ah.

sababtoo ah ma jirin Dad Aqoon iyo Xirfad u leh Cilmiga Saxaafadda iyo waxtarkeeda, balse, waxaa soo baxay rag kooban, wallow aqoon fiican aysan u lahayn Cilmiga Saxaafadda, haddana ka dhiidhiyay falalka gumeysteyaashii Farasiiska, Ingriiska, iyo Talyaaniga ay ku hayeen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyntii, waxaa magaalda Jabuuti markii ugu horreysay 1933,kii laga soo saaray Wargeys la magac baxay { Codka Shaqaalaha} kaasoo xambaarsanaa ficillo wata farriimo xornimo doon ah.

Muddo ka dib, gumeysigii Faransiiska wuu mamnuucay Wargeyskii {Codka Shaqaalaha} oo ay soo saarayeen Shaqaalaha reer Jabuuti, isagoo u arkay inuu dadka ku kicinayo si ay ula dagaallamaan gumeysigiisa.

Intaas ka dib, waxaa magaalada Hargeysa ka soo baxay 1936,kii Wargeys kale oo la magac baxay {Al-Somaal} Kaasoo lagu soo daabici jiray magaalada Cadan ee dalka Yemen, halkaasoo ay deggenaayeen dad reer soomaaliland ah, oo si toos ah ugu xirnaa dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee ka socday dalka Soomaaliya idil ahaantii.

Gumeysiga Ingriiska markuu arkay saameynta Wargeyskani ku yeeshay dadka ku nool gobollada Waqooyi ee uu gumeysanayay, wuxuu amar ku bixiyay  in si dhaqso leh looga joojiyo wargeyskani in uu soo galo Dhulka Soomaaliyeed ee uu gumeysto.

Hase yeeshee, taasi ma noqon mid joojisa Wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacbiga soomaaliyeed wada saameeyay meel kasta iyo gobol kasta oo ay joogaanba balse, wuu sii siyaaday ilaa ay xornimadii ay ka qaateen gumeysteyaashii 1960-kii.

Waxaana Sabab u aha  Wargeyskii oo si qarsoodi  Dalka loo soo gelinaayay, si uu dadka u kiciyo una dagaallamaan.

Sidoo kale, Asaaskii Ururkii SYL, 15-kii, May 1943 ka abuurmay magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, wuxuu isna billaabay inuu soo saaro Wargeys la magac baxay {Al-Wuxda} kaasoo xiriir la lahaa dhaqdhaqaaqyadii ka socday magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa oo si qarsoodi ah Wrgeysyadu uga soo bixi jireen.

Taariikhda Wargeysyada Soomaaliya waxay soo mareen  marxalado  kala duwan waxayna door lama illoobaan ah ka soo qaateen  halgankii xornimadoonka.

Taariikhda Wargeyska marka laga reebo Xilligii Burburka dowladnimo, waxaa loo qeybiyaa Saddex Marxaladood oo kala ah:

  • Xilligii Xorriyadda ka hor
  • Xilligii Dowladdii Rayidka
  • Xilligii Dowladdii Milliteriga

Wargeysyadii soo bixi jiray xorriyaddii ka hor, waxay kala ahaayeen:-

( A )

1-        Somali Journal                        Dowli                1950——1960,kii–Maalinle

2-        Qarni Afriqiya                         SNL                    1957—– 1960,kii–Toddobaadle

3-        AL-Wuxda                                  SYL                  1957—– 1960,kii–Toddobaadle

4-        War-Somali side                     Dowli                1953——1960,kii–Maalinle

5-        Corriere del Somalia             Dowli                 1950—– 1960,kii–Maalinle

6-        AL-Sariixa                                Gaar                  1957—– 1960,kii. Toddobaadle.

 

Wargeysyadii soo bixi jiray xilligii Dowladdii Rayidka 1960————1969,kii.

Waxay kala ahaayeen:-

                                                   ( B )

1-        L, orizonte                               Gaar ———————————-Maalinle

2-        L, Tirbuno                                Gaar———————————-Bishii Mar

3-        Itixaad Al-Shacbi Dowli         SDU———————————–Toddobaadle

4-        Al-Kifaax                                  SDU————————————Toddobaadle

5-        Al-Xaqiiqa                               Gaar————————————Tiddobaadle

6-        Sowtu-Somaal                       Dowli———————————–Maalinle

7-        Somali Refew                         Dowli———————————–3-Biloodle

8-        Somali News                          Dowli———————————–Maalinle

9-        Al-Shacab                                Gaar———————————–Bishii Mar

10-      Dalka                                        Gaar———————————–Bishii Mar

11-      AL-Jihaad                                 Gaar———————————–Toddobaadle

Wargeysyadii soo bixi jiray Xilligii Dowladdii Milliteriga waxay kala ahaayeen:-

                                                          ( C )

1-Octobar Star                                Dowli————————————Maalinle

2- Stella D,Otobare                        Dowli————————————Maalinle

3-Najmatu Octobar                       Dowli————————————Maalinle

4-Down                                            Dowli————————————Toddobaadle

5-New Era                                       Dowli————————————Bishii Mar

6-Nuova Era                                   Dowli———————————— Bishii Mar

7-Cahdul Jihaad                             Dowli————————————Bishii Mar

8-Xiddigta Oktoobar                     Dowli———————————– Maalinle

9-Horseed                                       Dowli————————————Bishii Mar

10-Waaga Cusub                           Dowli————————————Bishii Mar.

 

Haddaba, Taariikhda Wargeysyada marka laga hadlayo, waxaa mudan inaan la illoobin doorkii ay ka soo qaateen halgankii gobannimo doonka aan idaacadi jirin oo si qarsoodi ah afkaarta xornimadoonka u fidin jiray, sidaas ayeyna ku noqotay Hooyada Saxaafadda Guud ahaan.

Markii la qoray farta afka soomaaliga, waxay noqotay tii ugu horreysay ee soo saarta Wargeys Afka Soomaaliga ku qoran, wuxuuna ahaa Wargeys la oran jiray Xiddigta Oktoobar, 21-Jannaayo 1973-kii, Maalintaas oo loo aqoonsaday Maalinta Warfaafinta Soomaaliya.

Maalintaas wixii ka dambeeyay, waxaa ballaaratay akhriteyaasha Wargeysyada oo markii hore ku ekaainta yar ee taqaanna luqadaha: Talyaaniga, Ingriiska iyo Carabiga ee Xafiisyada Dowladda ka shaqeeya, mar haddii la helay Wargeys afka soomaaliga ku soo baxa.

Haddaba, doorkii Wargeysyadu kaga jireen kobcinta garaadka iyo aqoonta bulshadu waxaad mooddaa in ay ka gaabiyeen muddadii burburka ka jiray dalka kuna mashquuleen is hardiga siyaasadda ee dalka ka jiray.

Wargeyska Dalka, isagoo daba  jooga  Taariikhda Wargeysyadii  Soomaaliyeed  ee halganka u galay  xornimodoonka, waxuu doonayaa inoo ka shaqeeyo wacyigalinta  iyo  kobcinta, garaadka iyo aqoonta  bulshada.

Dhinaca kale, wuxuu rabaa inuu soo-saaro bulsho wax aqrisa, waxna qorta islamarkaana ka soo baxaan qoreyaal da,yar ee wax ka qora dhinacyada kala duwan  horumarka, Dhaqanka iyo Taariikhda bulshada Soomaaliyeed haddii Alle Idmo.

WD: Shire Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Safiirka J.F.S ee Masar oo Xafiiska ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashid Maxamed Axmed oo booqasho ku yimid Safaaradda.

Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Wasiirka Sharaxaad guud ka siiyay howlaha Safaaradda iyo isbedaladda xooga leh ee ka socda Safaaradda.

Wasiirka oo la kulmay Diblomaasiyiinta ayaa sheegay inu ku faraxsanahay booqashadda uu ku yimid Safaaradda isagoo xusay inu Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku bogaadinayo Horumarka balaaran ee ka muuqda qeybaha kalla duwan ee Safaaradda.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashid Maxamed Axmed oo booqasho ku yimid Safaaradda.

Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Wasiirka Sharaxaad guud ka siiyay howlaha Safaaradda iyo isbedaladda xooga leh ee ka socda Safaaradda.

Wasiirka oo la kulmay Diblomaasiyiinta ayaa sheegay inu ku faraxsanahay booqashadda uu ku yimid Safaaradda isagoo xusay inu Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku bogaadinayo Horumarka balaaran ee ka muuqda qeybaha kalla duwan ee Safaaradda.

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob macbad ah oo ay ka socotay xaflad.

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob Macbad oo ku taal duleedka caasimadda Liberia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Khamiistii sheegtay in masiibada habeenimo ay ka dhacday isu imaatin lagu qabtay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla magaalada New Kru, oo waqooyiga ka xigta Monrovia. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay is jiid jiidka.

Afhayeen u hadlay booliiska Moses Carter ayaa sheegay in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen masiibadan balse uu khasaaruhu intaa ka badan karo.

Madaxweyne George Weah ayaa la filayaa inuu booqdo goobta galabnimada maanta, sida uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta Madaxtooyada.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabbilay Danjiraha Dowladda aynu saaxiibka nahay ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u jooga Soomaaliya Mudane, FEI Shengchao.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale,Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiye cusub oo loo doortay guddiga xallinta khilaafaadka

Maxamed Cawil Warsame ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, kadib markii uu u tanasulay Mustaf Macalin Cali oo ahaa musharrixii la tartamayay.

Maxamed Cawil Warsame oo kamid ahaa todobadii xubnood ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble beddelay ayay hab gacan taag ah ugu codeeyeen xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka inuu noqdo guddoomiyaha guddiga.

21- ka xubnood ee guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban, xubno ka socda guddiga doorashada heer Federaal, FEIT, kuwa heer maamul goballeed ee SEIT ayaa goob joog ka ahaa hoolka teendhada Afisyoone oo ah halka ay doorashadu ka dhacaysay.

Maxamed Cawil Warsame, ayaa sheegay inuu la iman doono hufnaan iyo caddaalad, isla markaana uu wadashaqayn wanaagsan la yeelan doono guddiyada xubnaha doorashada dadban ee Baarlamaanka FS.

Axmed Madoobe iyo FEIT oo ka wada hadlay daah-furnaanta doorashada kuraasta golaha shacabka ee Jubbaland

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxmed Islaan ayaa xalay xarunta madaxtooyada Jubbaland ku qaabbilay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddiga oo shalay gaaray Kismaayo si ay qayb uga noqdaan doorashada kuraasta golaha Shacabka ee ku asteysan Jubbaland.

Mudane, Axmed Madoobe iyo guddoomiye Muuse Geelle ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka golaha shacabka loona fududeyn lahaa iyadoo la marayo habraacyadii lagu heshiiyay oo ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dadajiyo.

 

Jubbaland oo shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lix kursi

Guddiga maamulka doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow guddiga hergalinta doorashooyinka heer Federaal u soo gudbiyay Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ururada bulshada ee soo xulaya ergada codbinta kuraasta tirsigoodu yahay HOP#028, HOP#093, HOP#107, HOP#111, HOP#114, HOP#118.

Lixdaan kursi oo kamid ah kuraas dhawaan Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland uu shaaciyey in doorashadooda la qabanayo ayaa maanta la diiwaan galiyey odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ururada bulshada ee soo xulaya ergada codbinta kuraastaan.

In la shaaciyo cidda soo xuleysa ergada kursi walba ka hor intaan la dooran ayaa kamid ahaa qodobaddi lagu soo saaray heshiiskii shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga Qaran ee lagu jiheynayey doorashada golaha shacabka iyo hab-raacyadda doorashadda.