HAMBALYO MUNAASABADDA 49-GUURADA SAXAAFADDA DALKA SOOMAALIYA

Sida aan ka warqabno Wargeyska ayaa soo maray marxalado kala duwan ugu yaraan saddax marxalad xilligii gumeysiga oo dalka uu ka soo bixi jiray wargeys ku qoran afka talyaaniga kaasoo la oran jiray Corriera della Soomaaliya xilligii xorriyadda la qaatay 1960-kii ayaa weli uusii jiray wargeyskan oo muqdisho ka soo bxi jiray laguna daabici jiray madbacadda qaranka oo la oran jiray Stamparia

Sababta ayaa waxay ahayd iyadoo aysan jirin farsoomaali qoran xilligaasi inkastoo leysku dayay in la qoro far soomaaliga haddana ma soo ifbixin oo lama soo saarin

Kolkii dalka taladiisa la wareegeen ciidammada xoogga dalka 1969 waxaa lagu beddelay wargeyskii ku qoraan talyaaniga mid ku soo bixi jiray afka ingriiska lana oran jiray dawn, guddigii farsoomaaliga ayaa la magacaabay laguna baaqay in la qorayo far soomaali  1972-dii, 21kii Jannaayo 1973-dii ayaa markii ugu horreysay lagu arkay magaalada muqdisho wargeyska ku qoran afka soomaaliga oo lagu soo daabacay madbacada qaranka taasoo loogu magac daray xiddigta octoobar

Waxaa sido kale barbar socday mid ku soo bixijiray afka ingriisiga la oran jiray Octobar star, iyo Mid ku soo bixi jiray afka carabiga najamatul October

Maalintaasi taariikhiga ah ayaa loo asteeyay maalinta warfaafinta oo sannad kasta la xusi jiray.

Waxaa lagu oon baxay farsoomaaligii oo la soo saaray buugaag tiro badan sheekooyin iyadoo xafiisyada dowladdana looga shaqeyn jiray kolkii dambana lagu qaadan jiray aqoonta dugsiyada hoose dhexe

Farta ayaa lagu baahiyay dalka oo idil kadib markii ardaydii dugsiyada sare dhexe u baqooleen miyiga soomaaliya si ay ubaraan dadkii reer miyiga ahaa taasoo guul weyn laga soo hooyay waana ololahii horumarinta reer miyiga ee af soomaaliga

Markii dalka foodda daray qaran jab iyo burbur ayaa wax walba Meesha ay ka baxeen waxaana soo if baxay wargeysyo yar yar oo tiro badan oo madax bannaan

Xilligii Dowladdii carta ayaa dib loo soo celiyay wargeyska ku hadla afka dowladda kaasoo loogu magac daray wargeyska dalka ayna hormuud ka ahaayeen cabdi xaaji goobdoon iyo cabdulqaadir maxamed mursal, allaha u wada naxariistee

Baydhabo ayaa laga soo saari jiray xilligii cabdullaahi yuusuf inkastoo uu mar hakad galay in muddo ah ayaa haddana dib boorka looga jafay 21 jannaayo 2018

Iyadoo ilaa iminka si habsami leh loo soo saaro iyadoo uu hoos yimaado waaxda qoraalka iyo wargeysyada wuxuuna soo baxaa toddobaadka mar maalinta isniinta isagoo xambaarsan warar maqaallo faallada wargeyska ciyaaraha sheekooyin dhaqaalaha arrimaha bulshada waxbarashada beeraha iyo xoolaha kamana marna arrimaha diinta iyo guuxa shacabka waana mid haatan ku sii baahaya gobollada dalka iyo goobo badan oo ka tirsan caasimadda iyo dhammaan goobaha dowladda kaasoo haatan aad loo xiiiseeya waxaana ka howlgala

Soo saareyaal iyo dhallinyaro firfircoon oo ku howlan soo saarka wargeyskaasi

Maalinta 21-ka jannaayo waa maalin xasuus leh oo lagu qaddariyo farta soomaaliga oo looga baxay qoris iyo akhris la’aanta dalka ka jirtay waana mid xasuus mudan oo aan la ilaabi Karin kolkii waddanka yeeshay afkiisa oo qoran.

WQ: Ibraahim Fanax