Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada Suudaan oo korortay

Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku dhawaaqay, in tirada dadka ku dhintay mudaaharaadyadii dalkaas ka socday tan iyo 25-kii Oktoobar ee la soo dhaafay ay gaarteen 73 ruux oo Rayid ah.

Bayaan ay soo saareen Guddiga Dhakhaatiirta Suudaan, ayay ku sheegeen in dad reer Suudaan ee isu soo baxay ay si maalin la ah ugu geeriyodaan goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada.

Dhaqatiirta ayaa Bayaankooda ku xusay dhimishada Maxammad Faysal Khalaf oo 25 jir ah, kaasi oo Jimcihii Shalay ku geeriyooday mid ka mid ah goobahii ay ka socdeen dibadbaxyada.

War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu eedeeyay ciidamada ammaanka in si joogta ay Rasaas nool ugu furaan dibadbaxayaasha, taasi oo keentay in si maalinla ah ay Mudaharadayaasha u soo garaan dhimasho iyo dhaawac.

Boqollaal  ka mid ah dadka reer Suudaan ayaa mudaaharaadyo ka dhigo  magaalada Khartuum, iyagoo dalbanaya in si buuxda loo soo celiyo xukunkii rayidka ee dalkaas ka Arriminayay.

Doorashada kuraasta golaha shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Garoowe

Shan kursi oo kamid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ee Garoowe.

Guddiga hirgelinta doorashada Puntland, ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharxan Kuraastaas, ee buuxiyay shuruudaha doorashada.

Iyadoo laga anba-qaadaya heshiiskii dhawaan Muqdisho golaha wadatashiga qaranka ay ku gareen ee dhigayay in doorashadda Golaha Shacabka lasoo gabogabeeyo 25-bisha labaad, ayaa waxaa si is daba joog ah u socoto hirgalinta doorshada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiga farsamada ee xaaladda kala-guurka AMISOM iyo midowga Afrika oo gaaray Heshiis is-afgarad

Guddiga farsamada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa ka miro dhaliyay wadaxaajoodka lala yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ( AU PSC).

Kulanka ayaa ku saabsan dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, islamarkaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni.

Madaxweyne ku-xiggeenka Galmudug oo kormeer ku tagay Dhismaha garoonka diyaaradaha Caabudwaaq

Madaxweyne ku-xiggeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa manta kormeer ku tagay Mashruuca Dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmadda Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa waxaa weheliyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug waxayna u kuur galeen halka u marayo Dhismaha Airport Ka Caabudwaaq.

Guddoomiyaha Guddiga loo xilsaaray dhismaha garoonka Caabudwaaq ayaa sheegay in Shaqadu meel fican marayso, waxaana uu sheegay in laa iyo hadda la diyaariyay Runway dhan 2.5 Km dhawaana la gaarsiin doono 3KM, laamina la saari doono.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Guddiga uga mahad celiyey sida dar darta leh ee ay u wadaan dhismaha garoonka, isaggoo xusay in maamulka galmudug ay ka go’an tahay in horumarin lagu sameeyo dhammaan garoomada diyaaradaha maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo dhiggiisa dalka Gabon oo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

January 21, 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Jimce ah khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Gabon Mudane Pacôme Moublet-Boubeya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dowladda Gabon ugu hambalyeeyey ka mid noqoshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horraantii bishan, isaga oo la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si hufan uga la shaqeyso arrimaha khuseeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray mustaqbalka xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Gabon, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta iskaashi miro dhal ah oo ku qotoma danaha Labada Qaran, kaas oo taabanaya dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dhaqaalaha.

DAAWO-HAMBALYADA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA WARFAAFINTA DHAQANKA IYO DALXIISKA XFS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada ugu Hambalyeeyay Xuska Munaasabadda 49-Guurada maalintii la aasaasay Wargeys Soomaaliyeed oo ku qoran Farta Soomaaliga.
Sidoo kale 21-ka Bisha Jannaayo 1973 ayaa ah Maalintii Dowladda Soomaaliyeed ay u aqoonsatay inay tahay maalinta Saxaafadda.

 

Soomaaliya iyo IMF oo ka hadlay Arrimo la xiriiray deyn cafinta dalka

Wasiirka maaliyadda xukumadda fedederaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle iyo saraakiisha hay’adda Lacagta aduunka ee IMF,ayaa ka hadlay shirk u saabsanaa dib u habyenta maaliyadda dalka iyo iskaashiaga labada dhinac

“Iskaashigeena ayaa keenaya natiijooyin xiriir oo wax ku ool ah oo aan la yeelano saaxiibadeena muhiimka ah ee gacanta weyn ka geystay isbadalka iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee Soomaaliya”ayuu yiri Dr.Beyle

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle waxa uu  sheegay in sidoo kale shirka uu la yeeshay madaxda IMF uu Gogol-Xaar u yahay kulan weyn oo lagu wado in uu qabsoomo bisha February ee soo socota,kaas oo ay yelan doonaan Soomaaliya iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF

Madaxda Warfaafinta XFS oo diray hambalyo ku aadan Xuska 21-ka Janaayo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/laahi Xayir Ducaale ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaska maalinta saxaafadda aawadeed dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka,gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta meel kasta oo ay joogaan.

Agaasimaha Guud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay burburkii guud ahaan ku dhacay dalka,raadadkii uu ku reebay bulshada iyo saameynta uu ku yeeshay qeybaha saxaafadda ee soomaaliya.

C/laahi Xayir Ducaale waxa uu ku baaqay in qeybaha warbaahinta ay dadka u gudbuuyaan barnaamijyo nabadeed iyo kuwo wax u taraya bulshada,isla markaana laga fogaado wixii dhaawacaya dhismaha iyo nabadda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/laahi Xayir Ducaale , waxa uu xusay in dalka uu xilligaan ku jiro xaalad  soo kabasho ah,isla markaana ay haatan socdaan dib u dhis iyo horumar baaxad leh,sidaa daraadeed,waxa uu ka codsaday qeybaha warbaahinta in dalka ay ugu adeegaan si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta dadka iyo dalka.

Gabagabadii  Agaasimaha Guud, waxa uu u rajeeyay shaqaalaha waraahintadalka,gaar ahaan wasaaradda warfaafinta in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Hambalyo Maalinta Warfaafinta Soomaaliya (21 Jannaayo1973)

Agaasimaha Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada Dalka Soomaaliya Saalax Shire Aadan ayaa Hambalyo ku aaddan Xuska Munaasabadda 21ka Jannaayo 1973, Sannad-guuradii 49-aad ee Maalinta Saxaafadda u diray dhammaan Suxufiyiinta Warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa si weyn uga faalooday qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay maalintan weyn:-
“Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.
Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.
Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.
Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.
Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.
Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.
Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.
Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.
Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga. Taasina waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.
Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.
Ugu dambeyntii anigoo ka faaiideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed bad qab iyo caafimaaf. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri iney ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka”.

WARGEYSKA DALKA WAA U ADEEGAHA BULSHADA SOOMAALIYEED!!!.

Wargeyska Dalka oo ka mid ah hay’adaha Warbaahineed ee Dalka islamarkaana hoostagta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaa uu soo maray maraaxil kala-geddisan laga soo bilaabo xilliyadii gumeysiga isagoo yeeshay magacyo kala duwan, siiba beri samaadkii oo loo oran jiray Xiddigta Oktoober ilaa maantadan la joogo.

Haddaba iyadoo laga duuliyo qorshaha horumarinta baahiyaha wargeyska ay bulshada u qabto ayaa lagu guuleystay in uu ka gudbo Muqdisho lana gaarsiyay qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ku safraya garoonka diyaaradaha Aadan Cade ay bilaabeen in wargeysku ay ku dhex akhristaan diyaaradaha dhexdooda iyo xafiisyada Garoonka.

Maamulka Wargeyska Dalka ayaa ku amaanay wariye Maxamed Nuur Macalin Johans, Absuge iyo C/casiis Ciroole oo kaalin ka qaatay gaarsiinta nuqullada wargeyska Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo goobo kale.

In kastoo hadal iyo qoraal aan ku soo koobi Karin marxaladihii uu soo maray iyo muhiimadda uu u leeyahay xog gaarsiinta bulshada, ayaa haddana maqaalkan waxaan ku soo koobaynaa isbeddellada iyo horumarrada lagu soo kordhiyay adeegyada Wargeyska uu uhayo bulshada Soomaaliyeed.

Ka dib qiimeeyn la sameeyey ayaa muujinaysa in Wargeyska dalka uu qaaday tallaabooyin is daba joog ah oo horumar leh.

Sidoo kale, toddobaadkan iyo wixii ka dambeeyaba waxaa wargeysku la soo bixi doonaa dardar cusub, taasoo ay shacabkuna ku diirsan doonaan isla markaana ay bulshadu Dhanka aad u danayso akhriskiisa iyo in dowr ay ku yeesheen qeybaha bulshada sida shirkadaha ganacsi, kuwa duulimaadyada iyo inta badan dadka isugu yimaada goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Muqdisho.

Wargeyska wuxuu leeyahay laba qeybood oo kala ah maalinle qadka aad ka heli karto Online Dalka Journal ama Todobaadle oo loo qeybinayo bulshada, isagoo soo koobaya macluumaad kasta oo nolosha taabanaya, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka, Ganacsiga, Arrimaha bulshada, Diinta, Ciyaaraha iyo Faafinta Rasmiga ah ee dhanka dowladda iyo kuwo kale.

Xarumaha dowladda, iyo goobaha dadweynaha isugu yimaadaan ee magaalada Muqdisho, sida Hoteellada, Baararka iyo meelaha kale waxaa aad looga akhristaa Wargeyska dalka, taasi oo muujinaysaa in muddooyinkii ugu dambeeyey uu horumar iyo saameyn yeeshay Wargeyska, inkastoo weli ay dadaallo socdaan.

Fursadaha bulshada ay ka heli karaan Wargeyska Dalka Waxaa ka mid ah in lagu soo bandhigo afkaaro iyo macluumaad ay danaynayaan, soo bandhigista horumarka ganacsiga oo dhan kasta leh sida shirkadaha iyo howlaha maalgashi ee dalka ka socda.

Ugu dambeyn Wargeyska Dalka wuxuu muwaadin kuu hayaa fursad aad ku soo bandhigi karto afkaartaada, hadaba haddii ay jiraan macluumaadyo muhiim ah oo mudan in bulshada loo faahfaahiyo, la soo wadaag qeybta xiriirka Wargeyska si aragtidaada aad ugu soo bandhigto halkani.

WQ: Osman Dhiblaawe