Maraykanka oo qalab millatari u diray Ukraine

Xukuumadda Washinton ayaa qalab milatari oo ku kacaya $200m gaarsiyay ee Ukraine xilli laga cabsi qabo weerar Ruushku ku qaado wadankaan oo taageero ka haysta NAATO sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka.

Agabkaan Milatari ayaa daba socda booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu ku tagay Kyiv usbuucan iyadoo ay jirto walaaca ka imaanaya Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ee ku aaddan tobanaan kun oo askari oo Ruush ah oo ku daabulay xadka Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo weerar cusub oo militari. Washington waxay ogolaatay xirmada $200m bishii Disembar. Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa uga mahadceliyay Mareykanka kaalmada.

Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa horaantii isbuucan ku tilmaamay saadka reer galbeedka ee hubka ay siiyaan Ukraine mid aad khatar u ah, wuxuuna sheegay “in aysan waxba ka qaban si ay u yareeyaan xiisadaha”.

Kulan dhexmaray Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov Jimcihii ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT oo shaaciyay doorashada 5 kursi

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada 5 Kursi oo ku Asteysay Koofur Galbeed.

Qoraalka guddiga ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan.

Cumar Ibraahim Xaashi oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP#114 ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland.

Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku soo baxay 80 cod, halka Cabdi Aadan Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 12 cod.

Doorashada lix kursi oo ka mid ah golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo.

ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur

Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka Guriceel ku khaarijiyay 6 Maleyshiyo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii Argagixisada u qaabilsanaa Degmada Guriceel, xilli sidoo kale ciidanku ay fashiliyeen Gaari qarax ah oo cadawgu doonayay in magaaladaas uu ka fuliyo.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Daa’uud Ibrahim Shaambil oo Argagaxisada u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel.

Saraakiisha ciidanka GorGor ayaa soo bandhigay meydadka maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay dagaalka ka dhacay dhagaxyaale, waxaana isla goobta looga furtay argagaxisada hub, gaari nuuca raaxada ah iyo miino aysan wali adeegsan.

ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur

ciidamada Kumaandooska Gor-Gor oo saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka dhagaxyaale oo dhanka Koofureed ka xiga degmada Guriceel ayaa ka hortagay maleeshiyaad argagixisada  ka tirsan oo xilligaasi ku howlanaa abaabulka weerar gaadmo ah oo ay ku dhibaateyn lahaayeen dadka shacabka ah.

Sidoo kale, ciidamada ayaa howlgalka ku dilay horjooge lagu magacaabo Daa’uud Ibrahim Shaambil oo Argagaxisada u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel.

Saraakiisha ciidanka GorGor ayaa soo bandhigay meydadka maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay dagaalka ka dhacay dhagaxyaale, waxaana isla goobta looga furtay argagaxisada hub, gaari nuuca raaxada ah iyo miino aysan wali adeegsan.

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan

Allaha u naxariiste waxaa daqiiqado kahor degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeysay deganaa degmada Wadajir waxaana wararka sheegayaan in kooxo hubeysan ay dileen xilli uu ka soo baxay salaadda Cishe.

Ciidamada Ammaanka oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Wasiirka Ganacsiga oo daah furay shir looga hadlayo dib u habeynta ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta furay kulan socon doona muddo afar maalmood ah oo looga hadlayo mashaariicda horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga ee Bangiga Adduunku uu sanadaha soo socda ka taageeri doono dawladda Soomaaliya.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Ganacsiga, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dib u dhiska ganacsiga dalka iyo horumarinta mashaarciida muhiimka u ah dalka.

Cabdi Ibraahim Warsame oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#196 ee golaha shacabka Baarlamaanka Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Xildhibaan Cabdi ibraahim Warsame ayaa ku soo baxay 90-cod, halka Abshir Cabdi Xuseen oo la tartamayay uu helay 6-cod, sidoo kale waxaa halaabay 2-cod.

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda Dowlad gobaleedka Puntland ee Garoowe.

Cabdi Ibraahim Warsame oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Garoowe- Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#196 ee golaha shacabka Baarlamaanka Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Xildhibaan Cabdi ibraahim Warsame ayaa ku soo baxay 90-cod, halka Abshir Cabdi Xuseen oo la tartamayay uu helay 6-cod, sidoo kale waxaa halaabay 2-cod.

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda Dowlad gobaleedka Puntland ee Garoowe.

Qaramada Midoobay oo Cambaareysay duqeyn lala beegsaday Xero ku taalla Yeman

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay duqeymo dhanka cirka ah oo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ay ka fuliyeen gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen, kaasoo lagu dilay tobanaan qof.

Diyaaradaha dagaalka xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa barqanimadii maanta duqeeyay xero ku taal magaalada Sacda, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan 70 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale, iyadoo wararku ay sheegayaan in la filayo in tirada dhimashada ay sii kororto.

Fiidnimadii Jimcaha, afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in madaxa Qaramada Midoobay uu dhalleeceeyay “duqeymaha cirka ee ay maanta horraantii bilaabeen xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dhanka ah xabsiyada magaalada Sa’ada.” Dujarric oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in duqeymo kale oo dhanka cirka ah ay fuliyeen isbaheysiga duulaanka ku jooga dalka Yemen Jimcihii shalay, isagoo intaa ku daray in duqeymahaasi ay sidoo kale sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur.

Waxa uu sheegay in weerar cirka ah lala beegsaday xarumaha isgaarsiinta ee Xudeyda oo si adag loo go’doomiyay taasoo si weyn u hakisay adeegyadii internetka ee muhiimka ahaa ee inta badan dalka saboolka ah.

“Xoghayaha guud wuxuu ku baaqayaa baaritaan degdeg ah, hufan oo hufan oo lagu sameeyo dhacdooyinkan si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka,” ayuu yiri Dujarric, isaga oo intaa ku daray in Guterres uu sidoo kale ku baaqay in xaaladda degdeg loo dejiyo.