Wasiirka Gaadiidka XFS oo tababar u soo xiray shaqaale ka shaqeynaya amniga Garoomada dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa maanta tabbabar u soo xiray kooxdii u horraysay oo si gaar ah kaga shaqaynaysa amniga Garoomada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ahmiyad  gaar ah ay u leedahay in la tayeeyo amaanka garoomada dalka, isagoona sheegay in taasi ay keenay in diyaarado badan oo caalamiya ay dalka ku soo hirtaan.

“Amniga Garoomada dalka in xil weyn aan iska saarno waa ahmiyada kowaad ee shaqadeena, waxayna sahlaysaa in sawir wanaagsan ay ka bixiso Garoomada dalka oo ah muraayada dalka laga eegayo’’ayuu yiri Wasiir Duran Farah.

Dhanka kale Saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shaqada ay Qaranka u hayaan, iyagoona wasiirka Gaadiidka uga mahadceliyay dhiiragalintiisa.

Dalkeena oo ka soo kabanaayo daggaallo sokeeye ayaa ahmiyad siinaya sidii adduunka ay ugu xirmi lahaa.

Wasiirka maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay xubno ka socday dowladda Faransiiska

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka la yeeshay xubno ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Faransiiska, maadaama Dowladda Farasiiska ay qeyb ka tahay dalalka la isku yiraahdo Paris Club.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Deyn Cafinta oo hadda meel gabagaba ah maraya. Faransiisku waa taageere muhiim ah oo si wanaagsan dowladda Federaalka Soomaaliya uga la shaqeeyay dib-u-habaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Geedi socodka Barnaamijka Deyn Cafinta.

Wasiirka Qorsheynta oo qaabilay Safiirka dowlada iskutaga imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowlada Iskutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al-Othman.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii ay labada wadan iskaga kaashan lahaayeen dhanka horumarinta iyo Maalgashiga.

Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo furtay kulan looga hadlayay baahiyaha dadka naafadaha

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xildhibaan marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir ay leeyihiin naafada Soomaaliyeed oo looga hadlayo baahiyaha ay qabaan dadka naafada ah si loogu soo bandhigo shirweynaha naafada adduunka oo bisha soo socota ka dhici doona dalka Norway.

Kulankaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeygalaya mas’uuliyiinta hey’adda naafada Qaranka iyo Ururada u dooda arrimaha Naafada.

Shir weynaha naafada Caalamka oo markii ugu horreysay la qabtay 2018-kii ayaa hadda waxaa martigelisay dowladda Norway, si shirkaas Soomaaliya ula tagto agendiyaal muhiim ah ayaa Wasaaradda haweenka u qabatay shir qeybaha naafada Soomaaliyeed.

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Larry Andrey, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ay aad u daneyneyso in ay la shaqeyso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Bishii Abriil 2021, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa danjire Larry Andrey u soo magaacabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in danjiraha cusub ee Mareykanka uu ahaa danjiraha Mareykanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Mauritania, wuxuuna ku biiray wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka 1990-kii.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan madaxa xiriirka caalamiga Maxamed Muuse iyo madaxa maamulka iyo maaliyadda Cabdi Udan ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

Guddiga iyo Amb Mrs Kate Waxay ka wada hadleen doorashada iyo caqabadaha ku gadaaman, iyagoo hoosta kawada xariiqay muhiimadda iyo dhameystirka doorashada Kulankan oo ahaa kulan miro dhal ah.

Maxkamadda ciidamada Galmudug oo xukun 15-sano ah ku riday askari ka tirsan Gor-gor.

Maxkamada ciidamada qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta u fariisatey dhageeysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda loo heysto dable Xoogga, Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow ( Taagane) oo  ka tirsan guutada 18-aad ururka 6-aad ee Gor Gor, kuna eedeeysan dil xerada ciidamda GorGor ee duleedka Dhuusamareeb loogu geystay 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii tagey, allaha u naxariistee Marxuum ex-dable xoogga Nuuradiin deeq Maxamed oo isla xeradaasi ka tirsanaa.

Guddoomiyaha  maxamada ciidamada qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar xasan ayaa soo xiray gunaanadka garmaqalka dacwada,waxa uu ku dhawaaqey xukunka maxkamada oo go’aamisey in Dable xoogga dalka, Cabdiraxmaan Cabdulahi Maxamed Tooxoow ( Taagane) yahay dambiile geystay dilka, laguna xukumey 15-sano oo xabsi ciidan ah iyo boqol halaad oo ah magta marxuumka uu dilay

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo shaciyay doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS

Guddiga Maamulka Doorashada Heer ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS. Kuraasta la shaaciyay in doorashadooda dhawan la qaban doono ayaa kala ah

1-HOP#188.

2-HOP#185.

3-HOP#175

4-HOP#159.

5-HOP#177.

Hoos ka aqriso qoraalka guddiga ka soo baxay

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, waxaana ay si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Cabdinuur Cali Aadan oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Musharax Cabdinuur Cali Aadan ayaa ku guuleeystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP028 kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Cabdi Maxamed.

Ergada kursigaas HOP028 ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey Cabdinuur Cali Aadan, waxaan ku dhawaaqay natiijada kursigaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.