Kismaayo oo lagu qabtay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

Waxaa maanta oo arbaca ah lagu doortay magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose  saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kusoo baxay doorashada kursiga koowaad ee HOP126 waxa una helay 74-cod halka Musharaxa la tartamayay C/raxmaan Macalin Xuseen  uu isna helay 21-cod waxaa halaabay 5 cod.

Dr Axmed Aadan Axmed ayaa isna ku guulaystay kursiga sumaddiisu tahay #Hop127 waxa uu  helay  84 Cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi uu helay 16-cod, waxaa sidoo kale xildhibaannada soo baxay ka mid ah Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo cod gacan taag ah ku Guleystay  kursiga tirsigiisu yahay #HOP118 

Britain oo Ruushka ugu hanjabtay cunaqabateeyn

Union Jack flag flies above a Unionist mural in Larne, Northern Ireland December 30, 2020. Picture taken December 30,2020. REUTERS/Phil Noble

Ka dib markii Ruushku uu xadka Ukraine ka bilaabay dhoolatus milatari, ayuu Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ugu hanjabay Moscow cunaqabatayn aan hore loo arag haddu arrinkaas ka baaqsan waayo.

Boris Johnson ayaa intaa ku daray in dalkiisu uu Isha ku hayo dhammaan Talabooyinka daan daansiga ah ee uu waddo Ruushka, taana ay keeni doonto in cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogo Xukuumadda Ruushka.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu mar kale la hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu digo daandaansiga ka dhanka ah Ukraine

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ay ka sameyeen Galmudug ku dilay Maleeshiyaad katirsan argagixisada

Ciidamadda Xoogga Dalka iyo NISA ayaa bariga magaalooyinka Dhusamareeb iyo guriceel howlgallo ay ka fuliyeen ku dilay inka badan 20-maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaan iyagoo gacanta ku dhigay walxaha qarxa oo Nabadiidka ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan shacabka somaliyeed.

Xubnaha la dilay ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale, sidoo kale ciidanka Qaranku waxay fashiliyeen qaraxyo ay kooxdu dooneysay inay ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii ugu dambeeyay kordhiyeen howlgalada ay ku baacsanayaan argagixisada taasi oo keentay inay ku guuleeystaan kahortaga qaraxyo ay argagixisadu rabtay in shacabka ay ku waxyeleyaan

Xasan Xuseen Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP126 ee Golaha Shacabka BJFS

Magaalada kismaayoe ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose  waxa ka socda doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha shaacabka BJFS waxan kursiga koowaad ee HOP126 ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed oo helay 74-cod halka Musharaxa la tartamayay C/raxmaan Macalin Xuseen  uu isna helay 21-cod waxaa halaabay 5 cod.

Wali way socota doorashada waan idinla socod siin doona hadaba cida guleeysato

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo maanta qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka

Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa  lagu wadaa in Maanta ay ku qabtaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta la dooranayo ayaa horay loogu diiwaangeliyay Xubnihii ku tartami lahaa, waxaana Galmudug ay qabaneysa doorashada 7-kuris kuwaas oo horay guddigu u shaaciyay.

Jubbaland ayaa iyana dhankooda lagu wada in maanta ay qabtaan doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BFS waxan soconayo qaban qaabada loogu jiro jiri doorashada

Dowlad goboleedyada dalka ayaa ayaa waxa ka soconayo dar-dar galinta arrimaha doorashooyinka ,iyadoona shalay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo lagu qabtay doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Norway oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal.

Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo kormeeray goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaanada JFS ee ka dhacayso Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa soo indha indheeyay xafiisyada ay ku shaqeeyaan gudiga iyo hoolka ay ka dhici doonto doorashad Xilibaanada Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn la kulmay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Maamulka Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee Heer Dowlad Goboleed, Hirshabeelle isagoo kula dardaarmay dardargalinta howlaha doorashooyinka.

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha shacabka oo ka socota Muqdisho iyo Baydhaba

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi iyo Koonfur Galbeed ayaa saakay ka socota magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba, waxaana ilaa hadda la doortay lix kursi kuwaas oo ay ku kala guuleysteen xubnaha kala ah:

1- Hop#215 – Ayuub Ismaaciil Yuusuf – Muqdisho.

2- Hop#214 – Cilmi Maxamuud Nuur – Muqdisho.

3- Hop#056 – Maxamed Jaamac Mursal – Baydhaba.

4- Hop#231 – Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax} – Baydhaba.

5 – Hop#245 – Cabdiraxmaan Axmed Suge – Muqdisho.

6- Hop#247 – Khadra Maxamuud Raage – Muqdisho.

Weli labada magaalo waxaa ka socota doorashada qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta xildhibaannada golaha shacabka Soomaali-Land oo maanta dhacaysa.

Guddiga doorashada kuraasta gobollada Woqooyi ee Soomaaliland ayaa maanta Muqdisha ku dooranaya 9 kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Khadra Maxamuud Raage ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop 247ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Sidookale, Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa isna ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 245 ee golaha shacabka BJFS, iyadoo ay weli socoto doorashada qaarka kale ee la filayo in ay maantaba ay soo baxaan.

Dhammaan xubnaha ku matala Gobollada waqooyi iyo kuwa banaadiriga ah Baarlamaanka JFS ayaa lagu wadaa inay doorashadooda ku qabsoonto caasimadda Muqdisho, halka kuraasta gobollada kale loo asteeyey in doorashadooda ay ka dhacdo min labo deegaan doorasho.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo dhowaan kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowladda Federalka Somaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health (NIH)) ayaa lagu wadaa inay si wada jir ah u qabtaan shir weynihii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigi doono cilmi-baadhisyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka guud.

Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo – 1 Feebaraayo 2022.

Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa u guntaday inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.

Madashan ayaa fursad gooniya siin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka Guud oo runtii ah meelaha ugu muhiimsan ee dalkeenu ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.

Machadka Caafimaadka Qaranka  iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed waxa ay si gooniya ugu mahadcelinayaan Ururka Caafimaadka Aduunka. Wakaaladda Caafimaadka Guud ee Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee  (SHAJ).