Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha .

10 Xildhibaan oo maanta lagu doortay gobollada dalka

Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay doorashada 10 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka BFS, taas oo ka kala dhacday magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Magaalada Muqdisho oo ay yaallaan kuraasta gobollada waqooyi ee maamulka Soomaaliland ayaa maanta lagu doortay saddex mudane oo kala ahaa xildhibaan ,Siciid Maxamed Maxamuud, Ifraax Maxamed Cawad iyo Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu doortay saddex mudane oo kala ah xildhibaan, Saadaq Cumar Xasan (Joon), Maxamed Ibraahim Cali iyo Qaali Axmed Diiriye.

Halka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland lagu doortay afar xildhibaan oo kala ah, C/qafaar Cilmi Xaange, Fardawsa Cusmaan Cigaal, Xersi Jaamac Gaanni iyo Maxamed C/raxmaan Axmed Xalayle.

Shir looga hadlayay qorshaha ay ciidanka xoogga kula wareegi lahaayeen amaanka dalka oo lagu soo gabagabeeyay Masar

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Maxamuud Cabdi Xasan iyo safiirka dowladda Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire, Ilaas Sheekh Cumayr ayaa soo xiray kulan looga hadlayay qorashaha ay ciidamada xoogga dalka kula wareegi lahaayeen amniga guud ee Soomaaliya oo ka dhacay dalka Masar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxameed Siciid oo ka mid ah guddiga farsamo ee ka shaqaynaya qorshaha ay XDS kula wareegayaan amaanka dalka ayaa sheegay inay la kulmeen xubno ka socda beesha caalamka oo taqasus u leh arrimaha xasilinta, maal gelinta iyo tababarrada Ciidamada.

Agaasimaha ayaa sheegay in xubnaha ka socday beesha caalamka ay uga warbixiyeen heshiiskii ay la gaareen AMISOM iyo habka ay Ciidanka XDS howsha ula wareegi doonaan, wuxuuna intaa ku daray inay wadaan sidii dhaqaalo iyo taageera loogu heli lahaa fulinta barnaamijka.

Saadiq Joon oo loo doortay kursi xildhibaanimo

Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadiq Joon ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu tahay #HoP 248 kaas oo doorashadiisu ka dhacday Dhuusamareeb, Saadaq ayaa helay 81 cod, halka murashaxii la tartamayay oo ahaa Cabdulaahi Xersi Diirshe uu helay 17 cod, waxaana xumaaday 2 cod, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

Doorashooyinka maanta ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb

Waxaa maanta oo Khamiis ah dhacaya Doorashada ilaa iyo todobo kursi oo Golaha Shacabka ah kuwaasoo lagu kala dooran doono magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Sadex kursi oo doorashadooda ka socoto hoolka dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Jeneral Kaahiye ayaa waxaa labo kamid ah ku soo baxay, xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud oo ku guuleystay kursiga sumaddiisu tahay #HoP244 halka xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad ay ku soo baxday kursiga tirsigiisu yahay #HoP037.

Magaalada Dhuusamareeb oo maanta lagu dooran doonaa ilaa afar kursi oo Golaha Shacabka kamid ah, waxaa hadda codeyntiisu socotaa kursiga #HoP248 oo ay ku tartamayaan Saadaq Cumar Xasan iyo Cabdullahi Xersi Diirshe.

Natiijada si dhow ugala soco halkan.

Abaar ba’an oo ka taagan degaanka Qaradhi ee gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb- Dadka ku dhaqan degaanka Qaradhi ee gobolka Galgaduud ayaa kacabanaya abaar aad u daran oo sameysay dadka iyo duunyada, iyagoo qeyla-dhaan u diray dowladda federaalka Soomaaliya maamul goboleedka Galmudug iyo hay’adaha samafalka.

Ilyaas Xasan Ugaas, oo ka mid ah dadka ku dhaqan Qaradhi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inuusan degaanku lahayn xarumo waxbarasho iyo goobo caafimaad toona, taas oo ay u dheer tahay abaar iyo xoolo la’aan haysatay sanadahii tagay.

Mahad Cilmi oo ah guddoomiyaha tuulada Qaradhi ee gobolka Galgaduud ayaa qurba joogta kasoo jeedda degaanka , dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamulka Galmudug, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay lasoo gaaraan gargaar deg-deg ah dadka ku dhibaataysan degaanka Qaradhi.

Degaanka Qaradhi ayaanan helin wax roob ah saddexdii sana ee ugu dambaysay, waxaana guray ceel gacmeedyadii ay horay ugu tiirsanaayeen, iyadoo ay dhamaadeen inta badan xoolihii ay dhaqanayeen ka dib markuu dhacay xaaluf ba’an abaartuna ay ku daba dheeraaty.

Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Kismaayo

Kismaayo- Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland lagu doortayy Saddexda kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah, Hop0126, Hop118 iyo Hop127.

Kursiga Kowaad ee Hop0126, ayaa ku tartamay wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen, waxaana ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed, oo helay 74 Cod, halka Musharaxii la tartanayay uu helay 21 Cod, waxaana xumaaday 5 Cod.

Kursiga labaad oo ahaa HOP127, ayaa waxaa ku tartamay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi iyo Dr Axmed Aadan Axmed, waxaana  ku guuleystay  Dr. Axmed Aadan Axmed oo helay 84 Cod halka Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi uu helay 16 cod, waxaana halaabay 1 Cod.

Kursiga ugu dambeeyay kuraasta maanta la doortay ee HOP118, ayaa waxaa ku tartami lahaa Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Maxamed Ismaaciil, hayeeshee waxaa tanaasulay Cumar Maxamed Cumar, waxaana cod Gacan taag ah loogu doortay Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in Magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad gobaleedka Jubbaland, lagu qabto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare & Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland

 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Cabdulkadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baaydho

Wafdi Waxana halka ku soo dhaweyay Mas’uliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo isugu jira Wasiiro ,Xildhibaano, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha guud ee koonfur Galbeed iyo Madaxda Hay’adda Socodaalka Jinsiyada laanta Saddexaad ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka socdaalka wafdiga Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay u kuurgalida Howlaha Shaqo ee Hay’adda ay ka wado Koonfur Galbeed iyo Wadatashi uu la yeelan doono Madaxda iyo Shaqaalaha Hay’adda.

Shir weynaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka sannadkeedka Garsoorka Dalka oo sannadkii afaraad la qabanayo ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeybgalayaan dhamaan bahda Garsoorka dalka.

Furitaanka Shiraka ayaa waxaa ka qeeyb galay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxa looga hadlaa guulaha uu gaaray Garsoorka dalka iyo gaabisyada uu sameeyay sanadkii la soo dhaafay.