Ciidamada amniga oo howlgalo amniga lagu sugayo ka sameeyay xaafadaha Garbahaareey

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Ujeedka howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayay ciidamada ugu fuliyeen guryaha xaafadaha, iyagoo xog-wareysanayay dadka iyo darawalada gaadiidka, waxaana lagu soo qabtay dad aad u fara badan oo baaritaan dheer ka dib qaarkood damiin lagu sii daayay.

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee ciidamada dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Warfaa Sheikh Aadan Faroole oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qorshaha howlgalka uu yahay mid lagu sugayo amniga magaalada Garbahaareey laguna ciribtirayo nabad-diidka Al-Shabaab.

Gaashaanle Warfaa, ayaa shacabka gobolka Gedo ugu baaqay in aysan guryaha ku qarsan cadowga dhibaateynaya,islamarkaana laamaha amniga ku wargeliyaan.

Wasiir Dubbe” Agaasime Sharma’arke hadda waa ladan yahay,”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ku booqday Hoygiisa Istanbul Agaasimaha SNTV Sharma’arke Maxamed Warsame oo ka soo kabanaya dhaawac ka soo gaaray qaraxii lagu weeraray 20kii November ee sanadkii tegay, kaasi oo uu ku shahiiday Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa Agaasime Sharma’arke guddoonsiiyay dhaqaale ay uga sideen Dowladda oo loogu talagalay daaweyntiisa.

“Maanta waxa aan ku booqday hoygiisa Istanbul Agaasimaha SNTV Sharmarke Maxamed Warsame oo ka soo kabanaya dhaawicii qaraxii lagu weeraray 20kii November 2021. Waxan guddoonsiiyey dhaqaale aan ugu siday Dowladda oo aannu ugu talo galnay inta ka dhiman dawayntiisa.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa hadalkiisa ku daray “Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sabab u ahaa badbaadinta iyo dawaynta Agaasimaha, sidoo kale waxa si weyn iigala shaqeeyey badbaadinta Agaasimaha Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxman Al Cadaala, waxa iyaguna xusid mudan Xildhibaan Saabir, Kornayl Mustafe, Ambassador Jaamac Caydiid, Xildhibaanno iyo waxgarad kale oo iskaaya garab taagay markii weerarka nalagu soo qaaday”

Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay in xaaladda caafimaad ee Agaasime Sharma’arke ay hadda soo hagaagayso. “Agaasime Sharmarke hadda waa ladan yahay, isbitaalkiina wuu ka soo baxay, ducadiiniina waa la aqbalay. Booqashada maanta waxa igu weheliyey Wasiir Bashiir Goobbe, Agaasime Naasir, bahda Turkiga ee SNTV iyo HCTV, dhakhaatiir iyo dhalinyaro reer Istanbul ah”.

Guddiga hirgelinta doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 6-kursi

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in 6-kursi ee la shaaciyay doorashadooda la bilaabi doono, diyaargarowgoodana uu socdo.

Shacabka Galmudug oo looga baaqay in ay ciidamada xoogga ku garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah iyo qaar ka mid ah Bulshada rayidka ayaa ciidanka qalabka sida ee Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ee dagaalka kula jira argagixisada ku wareejiyay deeq iskugu jirta xoolo iyo raashin kala duwan oo dhiiri-galin u ah ciidanka.

Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Gor Gor ayaa ka guddoomay madaxda deeqda xoolaha iyo raashiinka isugu jira ee loogu talagalay in lagu dhiira-geliyo ciidamada si ay u sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug in ay ciidanka ku garab siiyaan sidii looga adkaan lahaa kooxda caadeystay daadinta dhiigga shacabka muslimiinta ah.

Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu joojinaayo lacagahii uu siin jiray Milatariga Masar

Sida laga soo xigtay Saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa doonayo in uu Masar ka joojiyo lacagahii gargaarka Milatari ee ay siin jireen Ciidamada Masar, taasi oo gaaraeysay 130 milyan oo doolar.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa bishii Sebtembar ee sanadkii tagay sheegay in la joojin doono lacagaha ay siiyaan Milatariga Masar, haddii aysan wax ka qaban tacadiyada  xuquuqul insaanka ee ka jira dalkaasi.

Hay’adaha xuquuqul insaanka Mareykanka ayaa waxay horay ugu baaqeen in gabi ahaanba la joojiyo dhaqaalaha la siinayo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Cabdifataax Al-Sisi.

Madaxweyne Biden ayaa horay u ballan qaaday in xuquuqul insaanka uu udub dhexaad u yanoqon doono maamulkiisa, xilli Hey’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ay ku cadaadinayaan maamulka Washington wax ka qabashada Masar , inkastoo la filaayay in uu soo hagaagayo xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Mareykanka, ka dib markii bishii Abriil ee sanadkii tagay Qaahira ay dhexdhexaadisay Israa’iil iyo Xamaas.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Liberia oo xukun lagu riday

Maxkamadda sare ee Liberia, ayaa amartay in Brownie Samukai oo ahaa wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Liberia, lagu xukumo labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay kiis musuq-maasuq ah.

Samukai iyo laba kamid ah saaxiibadii ayaa lagu soo edeeyay laba sano ka hor falal isugu jiro xatooyo ah iyo dhaqidda lacag faalso ah oo gaaraya Hal Milyan oo dollar.

Horay ayaa Raggan loogu xukumay labo sano oo ganaax ah iyo in ay dib u soo celiyaan kala bar lacagtaasi muddo lix bilood gudahood, hase yeshee fulinta amarkaas way ku guuldareysteen.

Garsooreaha Maxkamadda sare ee Liberia ayaa go’aamiyay in seddexdan muwaaddin madaama ay fuliwaayeen go’aankii hore ay tahay in hadda ay dib u soo celiyaan dhammaan lacagtii  lagu xukumay, mudadaasna lagu sii haayn doona  xabsiga.

Brownie Samukai ayaa muddo dheer soo ahaa wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi gaar ahaan xilligii madaxweynihii hore ee Ellen Johnson Sirleaf.

Siyaasigan ayaa Sannadkii hore waxaa loo doortay senatar ka tirsan kowntiga Lofa, balse kiiska musuq-maasuqa ah ayaa ka hor istaagay inuu kursigiisa qabto.

Guddiga doorashada K/galbeed oo shaaciyay liiska 13-ka kursi oo lagu dooran doono Baraawe

Guddiga hirgalinta doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay liiska kuraasta xildhibaanada golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada 13-kan kursi la qaban doono todobaadka soo socda.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Sh/Dhexe

Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaana guutada sidaxaad qeybta 27 aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda nabad diidka alshabaab ka fuliyay deegaanada kala ah mareerey, mukaydheere, shanlow, yaaqle iyo dhagaxow oo kawada tirsan degmada balcad ee gobalka shabeelaha dhexe .

Howlgalkaan oo uu hoggaaminaayey Janaral Saalax, abaan duulaha qeybta 27aad ee ciidamada xooga dalka iyo saraakiil kale ,waxa uu sheeay in deegaanno dhowr ah ay kala wareegeen kooxdaasi,isla markaana ay dileen 28 maleeshiyaad ah oo ka tirsana ururkaasi nabad-diidka ah.

Abaaduulaha qeybta 27aad ,janaral saalax oo la hadlay dadka deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta dadweynaha ,isla markaana ay u howlgali doonaan sidii dadka halkaasi looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay sababaan kooxdaasi.

Si kastaba howlgalkaan ayaa noqon doona mid sii socon doono ilaa alshabaab laga saarayo deegaanada ay ka joogaan gobolka Sh/Dhexe,ayuu yiri Abaanduulaha.

Nugaal: Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegay in Shil gaar oo ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Salaamo iyo Libaaxo oo ka tirsan gobolkaasi ay Ku dhinteen 6-qof,halka 3-kalena ay soo gaareen dhaawacyo.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin, guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha qaybta booliska gobolka iyo saraakiil ka socota ciidanka ilaalada wadooyinka ,ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi,waxaana dhaawacyadii  loo qaaday isbitaallada magaalada Garowe.

Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi,hasa yeeshee,gaarigaasi waxa uu siday dad rakaab ah,qalab ganacsi iyo nuucyo ka mid ah raashinka.

Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Sweden oo ka hadlay tayeynta adeegyada garsoorka ee dalka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan mujiim ah la qaatay Safiirka Safaarada Mr. Per Lindgarde, Madaxa hurumarinta Mashaariicda Mr. Petra Smitmanis Dry iyo Lataliyaha sare ee sareynta sharciga (rule of law expert) Ms. Sophie Omoro.

Wasiirka Cadaaladda oo uu la socday Lataliyaha sare ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda Mr. Ibraahim Cabdullaahi Aadam,waxa ay kala hadleen madaxda Safaaradda xoojinta wadashaqeynta iyo garab-istaaga bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.

Labada dhinac,waxa ay isku raaceen in Safaaraddu ay qeyb muhiim ah ka qaadato dar-dar galinta iyo taageeridda Mashruucyada lagu tayeynayo Sare u qaadista adeegyada Cadaaladda ee Dalka