Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay Kulan wadatashi ah oo looga arinsanayay lagaalanka Muqaadaraadka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Kulanka wadatashiga ee lagaalanka Muqaadaraadka kaas oo lagu qabtay xarunta Degmada Hodan.

Ololahaan ayaa si joogta ah uga socda degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir kaas oo lagu doonayo in lagu cirib tiro isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha oo ah mid caqabad ku ah horumarka iyo Xasiloonida Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha uu yahay mid lagula dagaalamayo jiritaanka bulshada iyo horumarkeeda.

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Abu Dubai

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Shirka billaha ee Wasaaradda Qorsheynta oo looga hadlay arimo dhowr ah

Shirka billaha ah ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaana shirka furay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen madaxda sarsare ee wasaarada ayaa qaybtiisa danbe waxaa shir guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aasad Yusuf Qanyare, waxaana looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yahiin Qorshe-howleedka wasaaradda ee 2022, oo qeexaya ahmiyada la rabo in wasaaradda ka guul gaarto.

Qorshe howleedyada waxaana ka mid ah, xiriirinta Qorshaha horumarinta Qaranka NDP-9, ansixinta Siyaasadaha Maalgashiga, ansixinta Sharciga hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO), hannaanka kormeerka iyo qiimeynta Mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, iyo dardar galinta Istaraatiijiyadda guud ee Wasaaaradda iyo sidii loo hirgalin lahaa.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa lagu falanqeeyay Hanaanka xogaha deeqaha Soomaaliya (AIMS), oo ay ka midka yahiin qaabka uu u shaqeeyo AIMS, sida maareynta deeqaha dalkeenna soo gala mudnaanaha ay kala leeyahiin xogaha tilmamaha ay bixinayaan.

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, oo ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka kuwait ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, kaas oo taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah.

Argagixisada Al-Shabaab oo gubay tuulooyin hoostaga degmada Balcad

Nabad-diidka Alshabaab ayaa gubay guryo ku yaal tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo ay ku dhaqnaayeen dad u badan beeraley iyo xoolo dhaqato.

Mareerey oo qiyaastii 5-km waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayay shalay galinkii dambe argagixisada gubeen, iyagoo baa’biyay guryihii dadka danyarta ah ay deganaayeen, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.

Dadka ka barakacay tuulooyinkaas, ayaa hadda waxay duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo barakaceen.

Shirweynaha cilmibaarista caafimaadka guud ee Qaranka oo ka furmay Garowe

Magaalada Garowe maanta waxaa ka furmay Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH).

Shirkan oo mudada 3-cisho ah socon doono ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya (NIH).

Wasiir caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur, oo shirka ka hadashay ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay Cilmibaaristu u leedahay horumarinta Caafimaadka dalka iyadoo codsatay in Jaamacaduhu iyo Hay’aduhu diirada saaraan, isla markaasna dhaqaalo gaar ah ugu talagalaan xoojinta Cilmi baarista ku aadan caafimaadka.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya marti ka timid dhammaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ay hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka ee XFS Dr Fawziya Abikar Nuur

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha XFS oo u amba-baxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Wasiirada arrimaha dibadda Faransiiska iyo Jarmalka oo safar ku tagaya caasimadda Ukraine

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa lagu sheegay in Jean-Yves Le Drian iyo dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock ay booqan doonaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, 7-8-da Febraayo.

Ruushka ayaa dhawaan tobanaan kun oo ciidamo ah ku ururiyay meel u dhow xudduudda bari ee Ukraine, taasoo keentay cabsi laga qabo in Kremlin-ka uu qorsheynayo weerar kale oo militeri oo ka dhan ah dalka Ukraine, dhinaca kale Moscow ayaa beenisay inay isku diyaarinayso inay duulaan ku qaado, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay halkaas u joogaan dhoolatus militari.

Faransiiska, oo hadda haya hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa wacad ku maray in Midowga Yurub uusan ka waaban doonin inuu ku soo rogo cunaqabatayn ka hortag ah haddii Ruushka uu wiiqo madaxbannaanida dhuleed ee Ukraine.

Xildhibaano ku soo baxay doorashada golaha shacabka ee ka socota Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa ka socota doorashada shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana ku soo baxay doorashadaas qaar ka mid ah musharaxiinta.

Cabdirashiid Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#175 ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cabdirashiid ayaa helay codod gaaraya 70-cod, halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Sidoo kale, Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#159 ee golaha shacabka, isagoo helay 72-cod, halka Cabdullaahi Maxamed Isaaq oo la tartamayay uu helay 23-cod.

Bekir Bozdağ oo loo magacaabay wasiirka cadaaladda dalka Turkiga

Madaxa Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ee dalka Turkiga Bekir Bozdağ, ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Cadaaladda dalka Turkiga, ka dib markii Abdülhamit Gül uu gudbiyay istiqaaladiisa, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah.

“Waan iska casilay xilkii aan ka hayay wasaaradda cadaaladda, oo aan hayay tan iyo 19-kii July 2017,” ayuu Gül ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Bozdağ, oo ah qareen iyo siyaasi, wuxuu haystaa shahaadada koowaad ee jaamacadda kuliyadda fiqiga iyo shahaadada mastarka ee Machadka Sayniska Bulshada, Waaxda Taariikhda Diinta ee Jaamacadda Uludağ.Waxa uu sidoo kale shahaado jaamacadeed oo qaanuunka ka qaatay Jaamacadda Selçuk.

Bekir Bozdağ ayaa Wuxuu sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, wasiirkii cadaaladda iyo madaxii guddiga dastuurka 27aad ee sharci dejinta.