Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabatay Muqdisho

Guddiga Maamulka doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah  Muqdisho ku qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada oo lagu qabaty Dugsiga tababarka Janeraal ayaa waxaa ku tartamay musharaxiin dhowr ah waxana ku soo baxay xildhibanada kala ah.

1-HOP#268 Xil. Maxamed Cali Xagaa.

2-HOP#267 Saynab Maxamed Caamir.

3-HOP#236 Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

4-HOP#269 C/Raxmaan Maxamed Cuma.

Wasiirka arrimaha dibadda JFS oo ka qeyb galay Xafladda Furitaanka Shirweynaha golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka arrimaha dibadda JFS Mudane Cabdi saciid Muuse Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay Xafladda Furitaanka Shirweynaha 40-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika.

Shirkaan oo looga hadlayo muddada uu socdo arrimo badan oo muhiimad gaar ah u leh Qaaradda Afrika ayaa maanta waxaa ka qeyb galay furitaankiisa Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Afrika.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wali ku sugan Imaaraadka Carabta  ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo Madaxda dalkaas kuwaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hay’adda  kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Muqdisho & Garoowe

Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay Magaalooyinka Muqdisho & Garoowe ku kala qabanayaan doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Guddiga Maamulka doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo loo diiwaangeliyay musharrixiintii ku tartami lahaa.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana kuraasta la qabanayo ku tartami doono masharaxiin dhowr ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheikh Maxamed Bin Zaayid

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa saakay aqoon iswaydaarsi ku saabsan sida loogu shaqeeyo Warbaahinta Bulshada u furay qaar ka mid ah howlwadeennada waaxyaha Warbaahinta Qaranka.

Tababarkan oo loogu talagaly dadka ku shaqeeya baraha bulshada waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay wasaaradda oo socon doono muddo saddex cisho ah ayuu ujeedkiisu yahay sidii ay faham intaa ka badan ugu qaaqadan lahaayeen caaladda acsriga ah ee ay suxufiyiinta warbaahinta Qaranka ku shaqeeyaan.

Agaasime Xayir ayaa sheegay in ay muhiimaddu tahay inay si wada jir ah u wada howlgalaan waaxyabaha ay ka kooban tahay wasaaradda si laysugu xirnaadon loona wadaago xogaha, iyadoo xil ballaaran layska saarayo ka baaraan degga iyo tifaftirka waxyaabaha la gelinayo baraha bushada ee ay dowladdu leedahay.

DG Puntland oo xukun kuriday rag ku eedaysan falal Argagixiso

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa xukuntay shabakad ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar kamida lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddan ay intii u dhaxaysay 2017 illaa 2021 dilal badan ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana xukumanayaasha lasiisay racfaan 30 cisho ah, si ay u qabsadaan qareenno difaaca haddii aysan ku qanacsanayn xukunka lagu riday.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo booqanaya Turkiga

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najib Mikati ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Turkiga sida ay sheegtay agaasinka isgaarsiinta ee dalkaasi.

Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, labada mas’uul ayaa kawada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah Horumarradii ugu dambeeyay ee laga gaaray arrimaha Bariga Mediterranean-ka iyo Bariga Dhexe, iyo arrimaha caalamiga ah oo sidoo kale aysan ka marneyn wadahadalka labada masuul, sida lagu xusay warbixinta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarunta degmada Hodan oo dib u dhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xarunta degmada Hodan oo dib u dhis lagu sameeyay, waxaana guddoomiyaha uu bilado siiyay maamulka Degmada oo uu ku dhiiri-galiyay shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen degmada

doorashada lix kursi Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu qabanayo Jowhar

Guddiga Maamulka dorashooyinka ee dowlad Goboleed  Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay Magaalada Jowhar ku qabtaan doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shalay Gelinkii dambe soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta ku tartamaya doorashada lixda Kursi,waxana hada jowhar ka soconeyso qaban qaabada doorashada lixda kursi oo ay Musharaxiin dhowr ah ku tartamayaan.

Kuraasta maanta Jowhar lagu dooranayo ayaa noqoneyso kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad oo Maamulka Hir-Shabeelle uu qabto, iyadona si dar dar leh ay ku socoto doorashada xildhibaanada si loo dhaqan galiyo jadawalkii doorashada oo ay ku heshiyeen madaxdii Golaha wadatashiga Qaran  ee ahaa in ugu dambeyn 25-febaray lagu soo gaba gabeeyo doorashada dalaka