Cabdisamad Macallin Maxamuud oo mar kale ku guulaystay kursiga xildhibaannimo ee Golaha Shacabka.

Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa ku soo baxay doorashada kursiga tirsigiisu yahay 139 ee Golaha Shacabka oo saaka lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay tartanka isaga baxday Xamdi Cali Shire oo aheyd murashaxa labaad ee kursigan u rashaxneyd.

101 ergay oo dooranaysay kursiga HoP139 ayaa hab gacan taag ah ugu codeeyay Cabdisamad, sida uu shaaciyay guddiga doorashada Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Arbaco ahayd magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta ee Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayey wax ka qabashada saamaynta cudurka Covid-19, Amni xumada, xasilooni darrada, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay saamaynta dhaqan-dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku reebay guud ahaan Qaaradda Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado in wadajir looga soo kabsado saamaynta taban ee cudurkan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya kaga tallaabsatay la dagaallanka argagixisada, xasilinta dalka, ka hortagga cudurka COVID-19 iyo sida ay dowladda Soomaaliya diyaar ugu tahay in walaaleheeda Afrikaanka ah ay iskaashi buuxda kala yeelato sidii wax looga qaban lahaa dhammaan khataraha ay wajahayso Qaaraddu.

Intii lagu guda jirey kulanka, wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Kulan doceedyo iyo wada hadallo gaar ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Algeria, Burundi, Botswana, Namibia iyo Madagascar, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo wax wada qabsiga Dalalka Qaaradda iyo taageeridda Soomaaliya ee ku aaddan xubinnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo doorashadiisu ay dhowaan dhacayso.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo dhoolatus Milateri ku soo bandhigay Turkiga

Ankara- Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee Gorgor ayaa dhoolatus ku saabsan hannaanka loola dagaallamo argagaxisada ku soo bandhigay magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Ciidanka ayaa soo bandhigay sida argagaxisada loo ugaarsasado marka ay guryaha ku dhuuntaan iyo qaabka loo ciribtiro marka ay weeraraan goobaha dadka rayidka ay dagan yihiin.

farsamooyinka ciidanka ay barteen ayaa waxaa ka mid ah in argagaxisada lala dagaalamo, iyada oo dadka ay heystaan la badbaadinayo.

Ciidamada sida gaarka ah u carbisan ee Soomaaliya ayaa ah kuwo leh qibrad sare iyo xeelad dagaal, taas oo dhabarka ka jabisay argagaxisada.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Gaadiid kala wareegtay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzania, ayaa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool kala wareegtay labo gaari oo ay ugu talo galeen inay adeegsadaan diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradda ka howlgala.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: ” Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania waxay uga mahadnaqeysaa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Daaru Salaam, Tanzania, taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin Safaaradda.”

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Febraayo 2022, waxaa si dhab ah u hawlgalay laba gaari oo ay Jaalliyaddu u soo iibisay Safaaradda, iyadoo si rasmi ah ay gawaaridaas ku yimaadeen magaca Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania”. ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la qaatay danjiraha dowladda Venezuela u fadhiya Kenya

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ee Dowladda Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Venezuela u fadhiya Kenya Danjire Jesus Agustin Manzanilla Puppo. Labada safiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xariirka iskaashi ee labada dowladood, iyadoo ka wadda hadlay horumarinta cilaaqaadka labada dal.

Danjire Jesus Agustin Manzanilla Puppo ayaa sidoo kale ah safiirka magacaaban ee Venezuela u qaabilsan Soomaaliya.

RW Rooble oo hey’adaha samafalka dowladda Imaaraadka kala hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi, kula kulmay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo Hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee Abaartu saameysay.

Saraakiisha Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo kaashana dowladooda Imaaraadka Carabta.

Waxaa sii adkaanayaa xaaladda biyo yirida ka jirta deegaanada gobolka Bakool .

Xilligaan lagu jiro waxaa aad u yaraaday helida biyo nadiif ah,  ceelal gacmeedyada magaalada Xuddur intooda badan wey gureen  waxa kor usocda qiimaha biyaha lakala siisto,  habeen iyo maalin.

 

ceelasha fara ku tiriska ah ee biyaha ku soo hareen safaf ayaa loo galaya,  xoolo ari iyo dameero u badan oo dhamaaday ayaa daadsan daafaha  magaalada,  ma ahan oo keliya magaalada Xuddur xaalada biyo yarida ee waxa ka siman degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool ka tirsan.

 

Waxaa lagu jiraa bilowga xilliga jiilaalka ah ma muuqato ceelasha  biyaha laga helayo in wakhti  dheer dabooli karaan baahiyaha biyo la’aaneed ee ka jirta magalada xuddur oo bulshada reer  Bakool ku sugan yihiin qaar kalena ku soo qul qulayaan.

 

haddii ceel  riig laqodilahaa waxa adag sida uu ku soo gaaro maadaama magaalada go’odoonsantahay, xaalada biyo yarida iyo abaarta waxay sababtay in barakacayaal cusub oo aad u xoogan soo gaaraan magaalada Xuddur asbuucaan  aanu ku jirno kuwaa soo  fariisimo cusub ka samaysanaya  banaanka magaalada.

 

Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegey in kamaamul ahaan xaalada jirta waxba ka qaban karin sidii magaalo go’doonsan umaamulayaana aad ugu dedaaleen ayna usii wadi doonaan,  waxayna  baaq u direen dowlada Koonfur  Galbeed iyo dowlada dhexe in  si deg deg ugu soo gurmadaan dadka abaartu saamaysay, maamulka waxay  intaas ku dareen in  qorshaha ugu muhiisana ay tahay  in argagaxisada laga xorreeyo goobaha ay  kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

 

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, yaa aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Dowlada goboleedka Jubbaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah ka socda.

Waxaa kulanka ka Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha.

Jaamacadaha Afghanistan oo dib loo furay iyo dumarka oo ka tegaya fasaladooda

Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka Afghanistan ayaa la furay maanta oo Arbaco ah, waana markii ugu horreysay tan iyo markii Daaliban ay la wareegeen awoodda dalkan bishii August ee sannadkii horre.
Daalibaan waa ay saluugsanaayeen in gabdhaha iyo wiilasha ay isku fasal wax ku bartaan, waxaana ay sheegeen in hadii dumarku tagaan xiisadaha ay la kulmi karaan galmo.
Inta badan dugsiyada sare iyo dhammaan jaamacadaha dowladda ayaa albaabada loo laabay wixii ka dambeeyay markii Daalibaan la wareegeen dalka ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Aasiya.
Dad badan ayaa aamisanaa mar haddii Daalibaan awoodda ku soo laabato in ay mamnuuci doonto waxbarashada dumarka, sidii dhacday xilligii ay dalka ka arriminayeen intii u dhexeysay 1996-dii illaa 2001-dii.
Zarlashta Xaqmal oo culuumta sharciga iyo cilmiga siyaasadda ka barata Jaamacadda Nangarhar ayaa sheegtey in ay ku faraxsan tahay in saaka ay dib u billaabato xiisadahoodii, laakin waxa ay walaac ka muujisay in ururka Daalibaan ay joojiyaan waxbarashadooda. Sida ay sheegtay AFP.
Jaamacadaha maanta dib loo furay ayaa kala ah Laghman, Nangarhar, Kandahar, Nimroz, Farah iyo Helmand, sida wakaaladda wararka AFP ay ku warrantey.
Qaar kale ayaa la qorsheeyay in ay dib uga howlgalaan dabayaaqada bishan.
Si kastaba, weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa arkay lix dumar ah oo keliya oo xiran xijaab iyo niqaab oo gelaya Jaamacadda Laghman aroortii horre ee Arbacada maanta ah.
Dagaalyahanno ka tirsan ururka Daaliban ayaa ilaalinayay albaabka laga soo galo Jaamacadda, waxaana u yaallay qori sida ka muuqda sawirrada qaar.
Mid ka mid ah howlwadeenada Jaamacadaha dib loo furay ayaa sheegay in fasallada la kala saari doono, iyadoo gabdhuhu wax la bari doono subaxii, raggana galabtii.
Daalibanka ayaa horrey u sheegay in aysan diidaneen waxbarashada dumarka, balse ay doonayaan in fasalada la kala saaro, manhajka waxbarashadana lagu saleeyo Diinta Islaamka.
Dib u furista qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka Afghanistan ayaa ku soo beegmaya todobaad uun ka dib markii wafdi ka socda Daaliban ay wadahadallo la yeesheen mas’uuliyiin reer galbeed ah oo ka socda Norway, waxaana kooxdan lagu caadinayaa horumarinta xuquuqda haweenka si loo siiyo balaayiin doollar oo iyo gargaarka dibadda ee la xayiray.
Joojinta gargaarka dalka Afghanistan ayaa abaaburay masiibo bini’aadantinimo oo ka dilaacday dalka, oo ay horray u burburiyeen dagaallo sokeeye tobanaan sano.
Ma jiro dal weli aqoonsday maamulka cusub ee Daaliban, oo ballan qaaday in uu wax badan ka baddeli doono nidaamkiisii horre.

W/D: Maxamed-Kaafi Cali Muumin

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay madaxda hay’adda UNICEF

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Yusuf Qanyare oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda Mudane Muuse Maxamed Cusmaan iyo Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa kulan la  qaatay madax ka socotay Hay’adda Caruurta iyo waxbarashada Qaramada Midoobay Uqaabilsan Xafiiskaada Soomaaliya ee UNICEF.

Kulanka waxaa xooga lagu saaray xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa dhinacyada ay khusayso Mashaariicda heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleedba ee U-Adkeysiga masiibooyinka, Isla markaana si wadajir ah loo sameeyo kormeer iyo Qiimeyn tasoo xaqiijnayso  dhaqan-galka u leeyahay Waddanka Mashruucan.