Guddiga maamulka doorashada Somaliland oo shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 2-kursi

Guddiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 2-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Mogadisho.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa si daah furan kaga socota magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur galbeed oo shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada 13 kursi.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur galbeed ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada 13 kursi oo lagu qabanayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Halkaan hoose ka akhriso Jadwalka Qabashada Doorashada Kuraasta la shaaciyey.

Olole nadaafadeed oo todobaadkii 15-aad ka socda xeebta Liido

Olole nadsaafadeed oo ay soo abaabuleen kooxo dhallinyaro ah ayaa todobaadkii 15-aad ka socdo xeebta Liido ee magaalada udisho.

Ololahaan nadaafadeed oo ah fikrad ka timid dhallinyaro is-xil-qaamay ayaa ujeedku yahay kor u qaadista Bilicda Xeebta Liido ee magaalada Mogadishu.

Injineer C/Fataax Carab oo ka mid ah dhallinyaradaasi ayaa sheegay in qorshaha laga leeyahay ololaha nadaafadda uu yahay sidii qof kasta loogu baraarujin lahaa nadaafadda deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada.

Bilic Qurxoon oo laga dareemo Xeebta Liido iyo guud ahaan caasimadda,iyadoo la adeegsanaayo nadaafadda waa sida kaliya ee lagu heli karo bulsho caafimaad qab ah.

Abwaan Shube “Maleysan Waagii Aan Indhahayga Ku soo arkay ” MALO-KA-BAX

Barqa-kulul dhexdeed, ayaan gaari ka raacay golaha muritida iyo wacyigelinta—The National Theartre—si aan u gaaro cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Benaadir, halkaas oo aan booqasho gaaban ugu baxnay.
Markii aan gaarnay illinka laga galo cisbitaalka, waxaa na hakiyay ciidamada Ilaalada ee cisbitaalka; dabadeedna waxa ay naga guteen wajibaadkoodii shaqo ee loo idmaday.
Durbadiiba, waxa aan u dhaadhacnay gudaha, waxaana bannaanka dhismaha, qeybta maamulka nagu sugaysay agaasime— Dr.Fartuun Shariif oo aan hore ugu sii wargelinay qorshaheheenna, soo dhoweyn dabadeedna xafiiskeeda ayaannu ku nasannay.
U jeedka aan u socday wuxuu daarranaa laba arrimood: tan koowaad waxa ay aheyd, in aan booqdo bukaannada, qiimeynna ku sameeyo adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo— iyo in uu igu leeyahay xusuus gaar ah; maaddaamma, sannadka 1980kii ay iigu dhalatay curaddeydu— xilligaas oo aan ku xasuusto in ka soo booday gidaar yar oo ku yiillay qeybta dhalmada, si aan u arko curaddeyda iyo hooyadeed; maaddaamma aan ragga loo oggoleyn. Sidaas aawadeed ayaan derbiga iska soo tuuray.
Dr.Fartuun Shariif, ayaa i geysay isla gidaarkii yaraa ee aan habeenkaas ka soo booday, runtiina waxaan galay xusuus dheer iyo xaalad kale oo dareenkeyga rogrogtay; dabadeedna jirkeyga.
Intaas kadib, waxaan sii wadannay booqashadeenii, waxaase xaalku is rogay, markii aan la kulannay duruufo adag oo uu ku shaqeynayo guud ahaan cisbitaalka iyo ka warqab la’aanta qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, haddii ay yihiin: madax, siyaasiyiin, ganacsato, culimmo iyo aqoonyahanno kaleba.
Waxaan booqanay qeybta daryeelka ubadka oo ay yaallaan qalab casri ah; isla markaasna ay ka socdaan adeegyadii caafimaad ee loogu talagalay. Sida: in catruurta ku daahda kafka hooyada, looga saaro naqaska ku dhaggan—iyo Xabka uu jiiday intuu ku jiray meeshaas. Sidoo kale, waxaa markaas daryeel Caafimaad loo fidiniyay ilmo hor-dhalad ah, oo ka soo hormaray muddadii caadiga ahayd ee sidka hooyadu ku idlanaa. Si walboo ay ahaataba, dhaqaatiirta ayaa noo sheegay in lagu koronayo qalab loogu talagalay, oo aad u hormarsan.
Intaas kadib, waxaan u sii gudubnay qeybta daryaalka carruurta la Il-daran Jadeecada iyo nafaqadarrada—Qeybtan, waxaa jiifay carruur da’doodu ka yartahay 10 sano, oo badidood laga keenay gobollada dalka—kuwa dhexeba ha u badnaadaane.
Nasiib wanaag, ma jirto sariir kiro ah iyo adeeg lacageed oo laga qaadayo hooyooyinka ku ummula cisbitaalka iyo dadyoowga kale ee u soo adeeg doonta dhammidoodba, sida ay dadku noo sheegeen.
Farriinteyda ugu dambeysa waxa weeye— baahida taalla meesha—waa isbitaalka Benaadir e—ma ahan mid wada daboolmaysa. Si kale haddii loo dhigo: maammulka cisbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadku ma wada buuxi karaan howshaas culus ee miisaanka leh; balse intii Karaankooda ah waa ay dadaaleen. Sidaas aawadeed, qof walba oo naga mid ah—xil sidaas oo kale ayaa saaran, si loo badbaadiyo hooyo Soomaaliyeed iyo dhallaankeeda—kaas oo ay maan-gal tahay in uu qofkii dalkeenna ka waraabin lahaa, harooyinka nabadda iyo kuwa horumarka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Soomaaliya iyo dalal kale oo u dabbaaldegay xuska maalinta Kansarka

Dowladaha caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xusk 4-ta Febraayo oo ah aalinta caalamiga ah ee Kansarka Adduunka si kor loogu qaado wacyiga la xirira halista cudurkaasi iyo sida ugu haboon ee looga qeybqaadan karo ka hortagga iyo  daawaynta kansarka.

Xuska maalintaan waxaa hogaaminaya Ururka Caalamiga ah ee Xakamaynta Kansarka (UICC) si loo  taageero  baaqa qaramada midoobay ee ku aadan xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka kansarka,kaas oo la soo saaray sanadkii  2008-dii

Hadafka aasaasiga ah ee Maalinta Kansarka Adduunka waa in si weyn loo dhimo qatarta cudurkaasi oo keena  dhimasho  iyo in taageero loo muujiyo kuwa uu saameeyay kansarku.

Haddaba,dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka maanta dhigaya ama u dabbaaldegaya xuska maalinta 4-ta Febraayo ee maalinta caalamiga ah ee cudurka kansarka.

Maamulka Wasaaradda caafimaadka XFS iyo ururada dhaqaatiirta dalka,ayaa maaanta ka qeybgalay munaasabadda maalinta kansarka,iyagoo ka warbixiyay halista cudurkaasi,sida looga hortagi karo iyo  dadaalka ku aadan in si wadajirka ah loo wajaho cudurkaasi .

Saraakiisha Mareykanka oo faahfaahiyey xogta weerarkii lagu dilay madaxii ISIL

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in hogaamiyihii ISIL (ISIS) Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi ee lagu dilay weerar uu Maraykanku ku qaaday Dalka Suuriya uu ku noolaa dabaqa saddexaad ee dhismo ay deganaayeen qoysas rayid ah oo aan xiriir la laheyn kooxdaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in militariga ay doorteen in ay weerar ku qaadaan kooxdaasi, halkii ay duqeyn ka geysan lahaayeen xarunta si looga fogaado dhibaato ku dhacda qoysaska ku nool dabaqa koowaad.

“Madaxweyne Joe] Biden ayaa amar ku bixiyay hawlgalkaan weerarka cirka ah, Waxaanna ku guuleysaney howlgalkaas,” ayuu yiri sarkaal sare.

Ciidamada Mareykanka ayaa Arbacadii sameeyay howlgalkii lagu dilay Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi, kaasoo saraakiisha Washington ay sheegeen in uu is qarxiyay, uuna dilay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay ku-xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki,ayagoo ka wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30% ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Mustaf Dhuxulow oo mar kale ku guulaystay kursiga xildhibaannimo ee BJFS

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#049 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug

Isku day inqilaab oo dad ku dhintay ayaa ka dhacay dalka Guinea-Bissau

Madaxweynaha dalka dalka Guinea-Bissau, Umaro Sissoco ayaa ka badbaaday isku day inqilaab oo ay isku dayeen saraakiil ka tirsan ciidanka, Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhinteen 11 qof oo isugu jira ciidanka militariga iyo dad rayid ah

Talaadadii ayey ahayd markii laga maqlay Rasaas xoog leh oo ka dhacaysa agagaarka madaxtooyda dalka Guinea-Bissau xili ay shirk u lahaayeen madaxweynaha iyo Raysal wasaraha dalkaasi.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa labaduba walaac xooggan ka muujiyay xaaladda.

Dalka Guinea-Bissau ayaa ah dal ay halakeeyeen isku dayada inqilaabka isagoo intii dalkaas xornimada qaatay ay ka dhaceen tiro ba ilaa sagaal inqilaab,Sannadkii 2009 madaxweynihii xilligaas ee Joao Bernardo Vieira ayaa lagu dilay weerar.