Olole nadsaafadeed oo ay soo abaabuleen kooxo dhallinyaro ah ayaa todobaadkii 15-aad ka socdo xeebta Liido ee magaalada udisho.
Ololahaan nadaafadeed oo ah fikrad ka timid dhallinyaro is-xil-qaamay ayaa ujeedku yahay kor u qaadista Bilicda Xeebta Liido ee magaalada Mogadishu.
Injineer C/Fataax Carab oo ka mid ah dhallinyaradaasi ayaa sheegay in qorshaha laga leeyahay ololaha nadaafadda uu yahay sidii qof kasta loogu baraarujin lahaa nadaafadda deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada.
Bilic Qurxoon oo laga dareemo Xeebta Liido iyo guud ahaan caasimadda,iyadoo la adeegsanaayo nadaafadda waa sida kaliya ee lagu heli karo bulsho caafimaad qab ah.